SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ka ganacsiga Malabka iyo Cadarka, waxa lagu bartaa deganaanta !

Hadii aad tahay nin ganacsada ah,waxa lagaga bahan yahay in aad yeelato dabeecad iyo akhlaaq ay dadku kuugu yimadaan,sababta oo ah khasab maahan in dadku ay markasta jecladaan waxa aad hayso,balse waxa aad hayso waxaa ka horeeya dabeecada aad ku iibinayso.

Ma la socotaa in dadka ka ganacsada ama iibiya Malabka iyo Cadarku (barafuunku)in ay yihiin dadka ugu xanaaqa yar uguna dabeecada wanaagsan ,marka loo eego ganacsadayasha kale.

Malabka iyo Cadarku ,waxa ay ka midyihiin,ganacsiyada aanay dadku iibsan ,ilaa ay midkasta goonidiisa u eegaan,Malabkana way dhadhamiyaan,cadarkana udgoonkiisa ayay hubiyaan,taas awadeed hadanay dadkaasi dulqaad lahayn,ganacsigoodu muu shaqeeyeen.

Waxaa dhici karta in adiga oo maanta oo dhan suuqa fadhiyay,qofkasta oo kusoo maraana uu Malabkaga dhadhamiyo ama Cadarkaaga isku shubo,hadana aanu waxkaa kaa iibsan,taas awadeed hadaad xanaaqdo oo aad tidhaado Malabka dhadhamin maysaan Cadarkana udgoonkiisa qiyaasi maysan hadaydaan iga iibsanayn,taasi waxa ay keenaysaa in lagaa cararo.

Laba nin ayaa waxa ay ku wada hor ganacsan jireen meel suuqa ah,waxa is garabyaalay labadooda miis ee ay wax ku iibiyaan,labadaasi nin mid ka mida waxa uu iibiyaa Malabka aadka u macaan, kan kalana waxa uu iibiyay Khalka oo ah isla shay si kale loo isticmaalo ,balse aad u qadhaadh.

Labada nin midkastaaba aroortii ayuu miiskiisa sharaxdaa,isaga oo hor Ilahay ka sugaaya cid wax ka iibsata,ninkan malabka iibinaya inta ay dadku u yimadaan ayay ka tagaan,kanse khalka iibinaaya markasta qofka dul istaaga waa ay adag tahay in uu ka tago isaga oo aan wax ka iibsan.

Ninkii Malabka iibinayay,ayaa waxa uu arkay in ninkan khalka iibinayaa uu markasta,tirinaayo lacag aad u farabadan,balse isagu ilaa saaka wali hal rubbi muu iibin,kadibna waxa uu iswaydiiyay sida ay wax u jiraan.

Ninkii malabka iibinayay,ayaa naftiisa gooni ula faqay,waxa uu isyidhi, miyaanu waxan aad iibinaysaa ahayn malabkii macanaa ee dadku jeclaa ,balse saxiibkagan kugu ag ganacsanayaa miyaanu iibinayn khalkii qadhadhaa, sidee ayay ku dhacday in Malabkaygiina la iibsan waayo, khalkisii qadhaadhaana uu daba qabsi noqdo.

Markii danbe ayaa waxa uu go'aansaday in uu waydiiyo arintaasi ninkan khalka iibinaayay,kadibna waxa uu ku yidhi,saxiib siday ku dhacday adoo wax qadhaadh iibinaya in markasta ay dadku kaa iibsadaan,anoo iibinaya shayda aduunka u macaana in aan hal qofna waxba iga iibsan.

Ninkii waxa uu ugu jawaabay,waa runtaa balse,anigu waxa aan ibinayaa khal qadhaadh balse dabeecadayda ayaa macan,adiguna waxa aad iibinaysaa Malab macaan balse dabeecadada iyo dhaqanka aad dadka kula dhaqmayso ayaa aad qadhaadh.

Ninkan malabka iibinaaya,waxyabaha kale ee u dheer dabeecad xumaanta waxaa ka mida,in markasta ay isqabsadaan dadka wax ka iibsanaaya,waayo qofka malabka iibinaya waxa loo baahan yahay in markasta uu ka dulqaad batto kan khalka iwm iibinaaya,sababta oo ah Malabku waa shay qofkasta oo Iibsanayaa uu rabo horta in uu iska dhadhamiyo.

Sheekadni waxa ay ku tusinaysaa in ganacsiga iyo shaqadu hadii aanay lahayn dabeecad iyo dhaqan wanaagsan,ay adkaanayso in aad horumar gaadho,hadaba hadaad doonayso in shaqadaada iyo ganacsigaagu uu barakoobo,isticmaal dhaqan iyo dabeecad furfuran oo wanaagsan.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment