SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sadaasha Doorashada Somaliland iyo sida codadka loo kala helidoono Isha Allah.

Tariikhdu markay ahayd 29 Oct 2016 waxa xarunta 'Centre for Economic Consultancy and Research' ka bilowday baraha bulshadu ku xidhiidho (Social Media) xog ururin iyo odoros ku saabsan sida dadka barahaa isticmaalaa u kala taageersan yihiin murashaxiinta Somaliland ee u sharaxan doorashada madaxwaynaha ee qabsoomi doonta 27 March 2017, odoroska oo socday mudo 3 maalmooda ayaa soo xidhmay xalay markii saacada geeska Afrika ku beegnayd 1 Nov 2016 00:23 PM.

Cod bixinta oo ka dhacaysay 'Online APP' kaydinaya codka qofku bixiyo ayaa islamarkaana dadka odoroska ka qayb qaadanaya u fududaynayay inay daqiiqad walba la socdaan tirada dadka codeeysay, celceliska codadka iyo jaantusyo ka samaysan Bar chart iyo Bie Chart muujinaya codadka daqiiqad walba la bixinayo, waxa intaa dheer in App-ka codbixinta ururinayay aanu ku xidhiidhinay 'Global Positioning System' iyo 'Google Maps' si ay u muuqdaan dadka codaynayaa meelaha ay ku sugan yihiin

Intii aan dhiibashadu bilaabmin Lifaaqa App-ka laga codayno waxaanu u gudbinay xubno ka tirsan garabyada dhaliinyarada xisbiyda WADDANİ, UCİD iyo KULMİYE si ay ula wadaagaan asxaabtooda ku jirta ardaayada baraha bulshada uga astaysan xisbiyada kala duwan si cadaaladu u sugnaato ( Facebook Groups) islamarkaana lifaaqa laga codayno waxaanu ku wadaagnay wajahada barta xaruntu ku leedahay Facebuuga halkaas oo ay arkeen codbixinta socota dad ku dhow 10'000 oo qof.

Si aanu uga hortagno inay dadku laba jeer codeeyaan (Multiple Voting) App-ka codbixinta ururinayay waxaanu ku xidhnay laba dabar (Security features), labadaa dabar waxay joojiyeen inay dadka codaynayaa ku celceliyaaan oo nidaamku faraha ka baxo, waa sababta keentay in dadka codeeyay 2247 qof u dhaafi waayeen. Waxa jirtay in dad ku dhow 350 qof aanay qaabka App-ka looga codayno fahmin oo ay magaca murashaxa ay taageersan yihiin faalo ahaan ugu qoreen page aanu ugu talo galnay falanqaynta iyo faalada.

Dadka codayna ayaan waxaan waydiinay suaal u dhignayd sidan:

DOORASHADA MADAXWAYNAHA SOMALİLAND EE DHİCİ DOONTA 27 MARCH 2017 MURASHAXEE KU GUULAYSAN DOONA?

1. CABDİRAXMAAN MAXAMED CABDİLAAHİ (CİRRO)
2. MUUSE BİİXİ CABDİ
3. JAMAAL CALİ XUSEEN

Waxa kale oo dadka codaynaya ee aan ku qancin murashaxiinta sharan siinay saddex kala doorasho oo kala ah:

4. MURASHAXİİNTA SHARAXAN MİDNA KUMAAN QANCİN
5.MURASHAX MADAX BANAANI İNUU TARTANKA KA QAYBGALO AYAAN SOO JEEDİNAYA
6.WALİ MAAN GO'AANSAN.

Codbixinta guud ahaan waxa ka qayb qaatay dad gaadhaaya 2247 qof oo meelo kala duwan jooga.

1. Tiro dhan 1096 qof oo ka dhigan 48.8% celceliska dadka codeeyay waxay u codeeyeen murashaxaha Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

2. Tiro dhan 930 qof oo u dhigmaysa 41.4% celceliska dadka codeeyayna waxay u codeeyeen murashaxa xisbiga Wadani, Abdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro),

3. Tiro dhan 107 qof oo u dhigmaysa 5% dadka codeeyayna ay u codeeyeen murashax Faysal Cali Waraabe .

Dadka codeeyay inta soo hadhay oo ka dhigan 5% ayaa kala doortay Murashaxiinta sanadkan sharaxan midna kuma qanacsani, Wali maan goaansan iyo Waxaan soo jeedinayaa in tartanka doorashada loo ogolaado inuu murashax madax banaani ka qayb qaato.

Xigasho.Baraarugadhalinyarada.

No comments:

Post a Comment