SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Bal da'da uu yahay uu, Xamar u ooyaayo eega !!

Wakhtiyadan danbe Somaliland waxa ay noqotay mid kaanbayn siyasadeed laga dhigto ,xamar ayuu doonayaa ama xamar ayuu nagu wadaa,inkastoo markahoraba masaladaasi ay ahayd mid Dadka Somaliland aad ugu adag ,hadana hada waxa aad moodaa in sheekadu intii hore ay kasii badan tahay.

Hadii maanta adiga oo Somaliland gudaheeda jooga,dadka qof ka midii inta uu kugu qayliyo uu ku yadhaa "hayaaaaaaay" Xamar ayuu doonayaa,waxaa dhici karta in iyada oo aan laguba hubsan in dhirbaaxo iyo laad lagaala daalo.

NIn oday ah,oo ka yimi dhinacaa iyo Miyiga (baadiyaha) Somaliland ,ayaa waxoogaa xoolo ah usoo iibgeeyay ,Saylada Hargaysa ee adhiga lagu kala iibsado,markii adhigii sida uu filayay lacag fiican laga siistay, ayaa waxa uu usoo dhadhacay dhinaqa suuqwaynaha Hargaysa si uu iga iibsado wixii alaab reerkisii looga baahnaa.

Markii uu soo qaaday wadada dheer ee kasoo baxda,saylada hargaysa,soona dhex marta Beeraha ,ayaa waxaa markiiba arkay oo ka daba yimi niman tuug ah,kuwaasi oo tiradoodu ay gaadhayso Sadax nin.

Odaygii oo Ilahay dartii isaga socda *burkana aan bahalba ka filan,ayaa waxa markaliya,laga dhuftay go'ii uu sitay ee Lacagtuna ugu duubnayn,nimankii tuugta ahaa markiiba lacagtii ay odayga ka boobeen mid ka mida ayay u dhibeen,kiina waa uu la dhababaceeyay (cararay)

Waxa kaliya oo isku soo hadhay odaygii iyo tuugtii laba kamida oo uu odaygii darafka haysto,qayladii iyo sawaxankii odayga reer miyiga ah ka baxaayay ,ayaa dhamaan dadkii wadada maraayay ay kusoo leexdeen.

Markii ay nimankii tuugta ahaa ay arkeen,in dadkii wadada marayay ay kusoo yaceen ayay waxa ay tuugtii ku musanabeen "waar bal da'da uu yahay ee uu Xamar doonaayo eega"dadkii odayga usoo gurmadayna markii ay arkeen labada nin ee isu jiibinaaya ,hadalka ah in ninkani Xamar doonaayo,cadhadii qabatay markiiba iyaga oo aan wax hubsan ayay dhirbaxada iyo laadka dhinacooda kaga bilabeen.

Nimankii tuugta ahaa waxa ay odaygii u diideen ,jaanis uu dadka kula hadlo,kadibna sidii odayga loo garacayay,ayaa labadii nin ee tuugta ahaa ay hoosta ka siibteen,kagana dageen dadkii oo feedh iyo laad midkastaba uu la dhacaayo,korkiisana laga leeyahay "bal da'da uu yahay ee uu Xamar u ooyaayo eega.

Odaygii oo aan nafba ku noolayn,ay ku maqan tahayna feedhkii iyo laadkii ay labada nin ee tuugta ahi ay la dhacayeen,uguna darsan tay dadkuu hiilka ka sugayay oo hadalkii tuugta runmooday ,ayaa meeshii lagaga tagay isaga oo jiifa.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment