SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Foojignaanta sharku,waa dabeecada Adanaha.

Waa mid ka mid ah dabeecadaha Aadanahu leeyahay dhammaantii, in dhanka xun wax laga eegona waa arrin iska caadi ah oo nooluhu wadaago, taas qabatinkeedunu waa in la sharaysto wax kasta, iyada oo aan la saarin miisaan sax ah oo kala miidha xumaanta iyo wanaagga wax yeelan karo ama aanu yeelan karin. Shar ka filashaduna waxay ku timaaddaa sababo laba ah midkood; baqasho xoog badan ama isla weyni xad dhaaf ah.

Hubaashii aadanahu wuxuu u collaystaa wax kasta oo noloshooda ku cusub labadaa sababood midkood. Wuxuu necbaystaa sancooyinka casriga ee meelaha kale kaga yimaadda sida dadkeennii hore ee dhagxin jiray kolkay arkaan gawaadhi soconaysa oo iyaga ula muuqanaysay mucjiso iyo duni aakhir sabaan. Sidoo kale afkaarta iyo dhaqannada cusub dadku way ka biyo-diidaan sidii dadkeennuba uga hor yimid bilowgii aqoonta casriga ah ee dugsiyada.

Qabatinka shar-ka-filashada waxa kale oo aad ka dhex helaysaa hab-nololeedkii hore ee bulshadeenna. Waxay ku maahmaahi jireen ‘Khayr wax kaama dhibee, shar u toog hay’. Tan oo qofka galinaysa feejignaan xooggan si uu wax walba ugu fiiriyo indho sharaysan, si uu ugu toog hayn karo wax walba oo kaga yimaadda.

Tani waxay qofka iyo bulshadaba gelinaysa dhaqan colaadeed, cid kastana waxay dhex dhigaysaa kala-shaki iyo in aad filato cadaw kugu soo maqan gooraalaba. Sidaas ayay noloshii hore ee raacatadeennu u ahayd mid waran la yuurur ah, goor walbana rakaab ku joog ah si aad u sii jiri karto.

Waxaa ma hurto noqonaysay halgan joogtaysan oo kabo ku tukasho ah, si aad rag iskaga rawdo, iskagana dhiciso deegaan dhan oo kugu cadaw ah, dabeecad adag, dugaag iyo dadba, waana halkaas meesha qabatinka shar filashadu ka unkamay.

In kasta oo hab-noleedkeenna bulsho is gadiyay qayb ahaan maanta, haddana waxa si cad u sii muuqda raadreebyadii uu lahaa. Si-araggayga, dhaqanka shar-ka-filashadu waa mid ka mid ah kuwa ugu xooggan raadadkaas. Waxa daliil cad u ah kala caagganaanta bulshada dhexdeeda ka muuqata iyo kala aammin baxa marba marka ka danbaysa sii gaamuraya. Shar kala filashada aan caqliga ku dhisnayni waxay bulshada ka dhigaysaa kuwa dhufayso ku wada jira oo difaac ku kala jira, dabcanna waxay kor u qaadaysaa xinka, is baacsiga, hirdanka, loollanka iyo ku waaga wax dhab aahaan ay ka qiimo badan tahay wadajirkoodu.

Shar-ka-filashada iyo qabatinkeedu waxay cid kasta oo kalaba kaaga dhigaysaa cadaw, illaa ay kuu caddeeyaan in aanay cadaw kuu ahayn, tani waxay meesha ka saaraysaa in la helo bulsho dhexdhexaad ah, xooggan oo fikir xor ah iyo maan hufan wax ku qiimeeya, kuwaas oo cabbirka sharka iyo khayrku aanu ugu xidhnayn qolo ama qolo kale, koox ama koox kale, qof ama qof kale.

Dhaqanka shar-ka-filashadu waxa uu ku xooggan yahay kuna kala dhex jiraa waxa aynu u naqaanno sokeeyaha iyo shisheeyaha innaga dhexdeenna ah. In kasta oo aynaan aqoon xuduudka saxda ah ee u dhexeeya sokeeyanimada iyo shisheeyenimada iyo meesha ay midi ku dhammaato midda kalana ka bilaabanto, haddana waxa inagu xooggan fikradda ah ‘Annaga’ iyo ‘Iyaga’.

Mar kasta oo qofku taagan yahay Annaga wuxuu sharaystaa wax kasta oo ka yimaadda ‘Iyaga’ – kuway doonaan ha ahaadaane – Tani waxay mar walba wadataa fikirka ah in iyagu mar walba ay shar kula damacsan yihiin; iyo inaad adigu tahay mar kasta qofka saxda ah, qofka dabinka lala maaggan yahay, cidda loo dan leeyahay ama cidda xumaha loo wado. Waana sababta aad adigu mar walba u tahay qofka gobta ah, kan lagu gafay, kan la iskugu tagay, kan dhibtu gaadhay, ama kan goor walba qumman.

Noloshan aynu hadda ku nool nahay waxa laga eegi karaa dhinacyo badan oo shar-ka-filashadu gashay, heerka ugu hooseeya ee ay gaadhayna waa in khayrka la sharaysto, kolka wax maslaxad ummadeed ah oo manfaceeda loo siman yahay la hor istaago iyada oon taas haddana mucaaradaddeeda wax faa’iido ah laga gaadhayn, keliya in cidda waddaa tahay ‘Iyaga’ waa qaab aad u hooseeya oo shar-ka-filasho baqasho ku dhisan ah.

Qasab maaha in wax walba laga midaysnaado, qasabna maaha in wax walba lagu kala qaybsanaado, waxyaalaha ay dadku noloshooda qabatimaanna waa waxyaalaha ficil ahaan uga yimaadda marka danbe. Waxay wax badani ku habboon yihiin in la miisaamo laguna maareeyo maskax bed qabta. Dabcan lama rabo inaad wax kasta soo dhoweyso, laakiin waxa laga gaadhi karaa daw haddii aan fikirkeeda marka horaba lagu salayn seef la boodnimo iyo collaysi.

Waxa qumman in nolosha lagu soo dabbaalo ka fiirsasho iyo u fiirsasho si aan looga dardaar-werin jirtada mar walba. Si aynaan u sharaysan timaaddadeenna waa in aynu marka hore cagaha u dhigno hab-nololeed xasilloon oo joogtada lagu hago, iyada oo dhab ahaan la beddelayo qaabka aynu u fiirinno waxyaabo badan oo innagu xeeran, sida fikiradaha, hab-maamuleedyada, dhaqannada, iyo waliba nolol maalmeedka caadiga ah ee ashkhaastaba. Qaabkaas wax loo eegayo waa inuu ahaadaa mid ku dhisan kalsooni iyo khayr filasho (Positive), kaas oo ficilka midho-dhalintiisuna uu ku gebogeboobi karo badhaadhe iyo negaanshiyo.

Shar-filashada bulsho iyo ta qofeedba waa caado aan ammaannayn oo ay habboon tahay ka-diga-rogashadeedu. Waxa lagu gaadhi karaa beddelka qaab-fikirka iyo qaab-dhaqanka, iyada oo loo noqonayo Yaqiinta iyo Diinta Alle, taas oo dhayi kara iimaha ku yaal darisnimada, walaaltinimada, wax wadaagga, wax qaybsiga iyo guud ahaan xidhiidhada bulshada, dadkana ku midayn karta kalsooni iyo is jacayl xooggan oo gun u dhiciisu yahay addoominnimo buuxda oo Alle (SWT).

Dhamme Maxamuud A
Abdirahman431@hotmail.com

No comments:

Post a Comment