SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tolka iyo Walalahaa waxa ay ku jeclayeen , markaad Aduunka haysatay ,.

Hantida iyo maalku waa wax aad u fiican,marka uu qofku hayana dadku waxa ay u yaqaanan qofkaasi mid aad u wanaagsan,iyaga oo danaynaya oo kaliya ,kolba waxa uu siinaayo marka ay uga baahdaan.

Dadka inta badan ma jecla qofka hantida haysta ,balse waxa ay si dhab ah u jecel yihiin hantidiisa,hadii ay ka waayaana agtooda waxa uu ka yahay mid xun oo aan marnaba wanaagsanayn.

Nin ka mida dadkii Muslimiinta ahaa ee haystay maalka aadka u badan,balse maalkii iyo xoolihii ay ka baxeen ,wakhtigan xaadirka ahna u muuqda in uu yahay mid aan wax hantiya habayaraatee aan hada gacanta ku haynin; ayaa maalin maalmaha ka mida waxaa la hadashashay xaalkiisii.

Gabadhii ayaa waxa ay ninkeedii ku tidhi,waligay maan arkin dad ka xun ehelkaaga iyo qaraabadaada,waayo waxa aan arkay markii aad xoolaha lahaydna,habeen iyo maalin kamaad hadhsan jirin ,baryadooda iyo baahidooda, markii ay hantidii kaa baxdayna,dhamaantood waa ay inagooyeen ,xataa waxa aynu waynay qof inasoo bariidiya.

Dadkaagu iyo ehelkaagu maaha kuwo fiican,marka aad xoolaha haysatana waa ay kugu soo ordayaan, marka aad hantida iyo maalku uu kaa baxana wa ay kaa cararayaan oo xataa dib kusoo eegi mayaan.

Sida runta ah dumarki aad ayay u jecel yihiin in ay markasta hadal hayaan,dadka uu ninkeedu waxsiin jiray markii uu maalka lahaa,balse iminka xidhiidhkiisii gooyay oo aan marnaba la soo xidhiidhin.

Ninkii markii ay xaaskisii intaasi ku tidhi,ayaa waxa uu ugu jawaabay hadal aanay markaasi kaba filayn oo ah,waxa uu yidhi isaga oo raba in uu ehelkiisa iyo qarabadiisa qariyo ceebtooda.

Walaahi ayaan ku dhaartee,taas waa ay ku saxsan yihiin ,waayo waxa ay unoo yimadaan marka aynu hantida haysano ee aynu iyagana wax tari karayno,culaysna aanay inagu lahayn waxsiintoodu ,waxaanay inaga maqnadaan oo aanay inasoo booqan, markay aynu wax aynu ku marti galino aynaan haynin.

Hadii aad u fiirsato,arintani waxa ay ku tusinaysaa sida sharafta iyo karamada leh ee uu ninkani ukala ilaalinaayo xaaskiisa iyo raaska uu kasoo jeedo,waayo hadii uu ka dareen ciliyo ficilada iyo xumaanta ay samaynayaan reerkodu taasi waxa ay keenaysaa in isaga iyo walaaladii ama qaraabadiisu ay isnacaan.

Inkastoo aanay wanaagsanayn in qofku inta uu hantida gacanta ku hayo oo kaliya in aan lala saxiib noqon,ay fiican tahayna in markasta la isxaal ogaado,walibana ninkii markii aad baahnayd ku gacan iyo garab qabtay in aad ka tagtaa oo salaanta kala baydhaa,waa gunimo tii u danbaysay.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment