SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso dhacday: facebook iska hubi inta aadan Tahniyad iyo Tacsi isku qaldin .

Facebook waxa uu noqday goob dhalinyaro iyo wayeel ay dadku ku kulman,kagana faloodaan waxyaabo badan oo aad u kala duwan, isuguna jira qaar bulshada faa'ido u leh iyo kuwo aan u lahaynba.

Waxa kaloo facebook uu qayb wayn ka qaataa, soo gudbinta ,tacsiyadaha dadka Geeriyooda iyo tahniyadaha dadka isguursada ama Meherkoodu uu dhaco,dadkasi oo badankooda loogu hanbalyeeyo ama loo tacsiyeeyo.

Gabadh ayaa waxa ay soo dhigtay barteeda facebooka ,tahniyad iyo hanbalyo ay u dirayso gabadh saxiibadeeda oo dhawaan meherkeedu uu dhacay , waxa ay soo raacisay, labadii sawir ee ninka iyo gabadha is mehersaday ,iyada oo markaasi si farshahanimo lehna ugu dulqortay ducadii balaadhnayd ee rasuulka swc .

Sida inta badan caadada u ah dhalinyarada,waxa la arkay markiiba hanbalyada iyo meherka ay labadaasi qof loo diraayey ,taas awadeed ayaa dadkii markiiba waxa ay ku boobeen leki iyo commonti ama faalo ay ugu ducaynayaan caruuska iyo caruusada.

Wakhti aan sidaasi u badnayn markii ay hanbalyada iyo boogaadintu ay socotay,ayaa waxa dhexda kasoo galay nin dhalinyaro ah,kaasi oo markiiba indhaha ku dhuftay ,hanbalyada meherka ay dadku u dirayaan ,gabadh uu wajigeeda si fiican u garanaayo.

Ninkii dhalinyarada ahaa indhaha ayaa caad ka fuulay ,waxa uu si dhakhsa ah usoo saari waayay wajigii gabadhan caruusada ku suntan, balse mardanbe oo uu indhaha waxbadan maraan-maray ,ayaa waxa uu gartay in ay tahay gabadhii uu wakhtiga kooban la sheekaysanayay.

Waxa si fiican u fahmay in gabadhani ay tahay ,gabadh ay wada-lahayeen xidhiidh joogta ah, sheekaduna ay u maraysay meel fiican,oo ay ka hadhsanayd oo kaliya in si fool ka fool ah la isu arko.

Ninkii dhalinyarada ahaa talo waa ay ku cadaatay,waxa uu ka xumaaday in la guursaday gabadhii uu jeclaa ,waxa taas kasii daran ninka guursaday oo isaguna ahaa mid uu facebook kula saxiib ahaa .

Waxa uu dul-fadhiyaa Computarkisii,waxa hortiisa yaala oo ka muuqda sawiradii gabadha iyo saygeedii ay is calfadeen ,waxa ku adkaatay in uu leki ama mashaa Allah yidhaado una hanbalyeeyo gabadhaasi ninkaasi ay guursatay.

Markii danbe ayaa waxa uu ku fikiray,isaga oo aad uga cadhaysan arintan dhacday,in uu qoraalkan farxada iyo hanbalyada ah uu u badalo ,mid murugo iyo tacsi ku dheehan tahay ,kadibna waxa uu mar iyo laba iyo sadax goorba ku qoray meeshii faalada kalmadda ah:-

Allah ha u naxariisto lamaanahaasi oo dhawaan is mehersaday ,hadana si lama filaana u geeriyooday.

Dadku inta badan ma jecla in ay si dhamaystiran wax u akhriyaan,bal adba sheeg meel ay ku degdegayaan,tacsidii iyo murugadii uu ninkii dhalinyarada ahaa uu qoray ,waxa ay noqotay tusbax furan,qofkastaaba markii uu arkay kii ka horeeyay oo tacsi qoraaya isna waxa uu ku daba qabtay hadal ah ,Allah naxasiirtiisa janada ha ka waraabiyo,qoyskaa cusub ee geeriyooday.

Meeshii hanbalyada laga sugaayay,waxa ay isu badashey, Tacsi iyo Murugo ,waxaa batay dadkii faalada ka bixinaayay,kuwaasi oo layaaban geeridan iyo mawtul-qaflahan ku habsaday dadkii caruuska ahaa.

Tacsidii iyo geeridii wax ay dadku laki iyo sheer ku boobaanba ,mardanbe ayaa waxa uu warkii gaadhay ,caruuskii iyo caruusadii ,markii la ogaaday in aanay dhiman ee ay nool yihiin,ayaa waxa loo sheegay in facebook tacso looga fadhiyo.

Dadka waxa aan kula talin lahaa, in ay waxbadan iska akhriyaan inta aadan like ama aanad faalo ka bixin barnaamij lasoo dhigay baraha warbaahinta ,gaar ahaan facebook,hadii kale waxa aad ku dhacaysaa khatar iyo dhibaato adiga iyo dadkaba soo gaadha.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment