SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Marwadii indhaha beeshay, ee dalka Japan kicisay !

Waa dalka Japan iyo sannadihii 1970-meyadii haweenay dalkaas u dhalatey ayaa waxa ay gurigeeda uga baxday si ay u tagto goobta tareenka laga raaco iyadoo ay weheliso usha caawinta indhoolaha.

Balse markii ay gaartey goobtii tareenka wey taraaraxdey ama sibatey waxeyna ku dhex dhacday jidka tareenku ku rooro ama ku cararo, waxaa Afka ku qaatay tareenkii ordayey wayna geeriyootey.

Dhacdadaa awgeed waxaa kacay shacabkii reer Japan oo idil. Si sandule ama qasab ah ayey xukuumadii markaa jirtey isu casishey waxaana durba la dhisay dowlad siyaasadeedii koowaad ka dhigtay dhisida iyo horumarinta Sharciyada dadka lixda lixaad la', sharciyadaasina keliya kuma ekayn dadka indhoolayaasha ah ee Sidoo kale waxaa dib u qaabayn ama dib u habeyn lagu sameeyey dhammaan jidadka dalka iyo goobaha tareenada.

Waxaa dadka lixda lixaad la' loo dhisay xaafado, jidad, astaamo iyo weliba in cod caawinaya lagu xiray jidadka waaweyn si ay uga gudbi karaan mar walba. Mashruucaan dalka Japan oo idil ayaa laga hirgeliyey.

Mar kastaad booqato Japan waxaad arkeysaa in jid walba uu u diyaarsan yahay marista dadkaas lixaadkoodu kala diman yahay iyadoo Laguna asteeyey "Waariddii Haweeneydii Damiirka dadka reer Japan kicisay".

Haa, waxey marwadaasi u dhimatay bedelida dalkeeda, waxeyna rajo iyo yididiilo wanaagsan u samaysay bulshada dalkaas oo idil. Waxaa jira dad musiibooyinka u bedela fursado si nolol bidhaamaysa loo gaaro. Taas lidkeedana waxaa jira dad fursadaha u bedela mushkilado murugo iyo guul darona ka dhaxla.


Xigasho: Abdi Aziz Bandirad-

No comments:

Post a Comment