SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

QAADKA


  
Dhibatooyinka Qaadka iyo Sigaarka,dadka cuna qaadka iyo Sigaarka
Dadka cuna qaadka iyo Sigaarka ee Soomaalida waxaa u badan Ragga ,inkastoo wakhtigan aan ku jiro Dumarkuna kusoo bireen ,qaadku waa nooc kamid ah waxyabaha keena waaalida ,Somaliduna u taaqano MIRQAAN, waa maxay Mirqaanku? waxa weeye miskaxdada oo ku tusisa kuuna muujisa Dhalan teed iyo Riyo been ah .

Mirqaan-sane! waa Nin wakhtigii iigu danbaysay ku noolaa magalada Hargaysa waxa uu ahaa Nin ku caan baxay Cunista Geedka loo yaqaano qaadka ,kaaso Somalida Badankedii ku noqday aafo qaran oo si looga baxana la garan la'yahay ,Mirqansane maha Nin Da'wayn hadana Gabax ayuu yidhi ,Aduun ma hayo, Aakhirana ma haybsado ,isma Xisaabiyo mana xisaabtamo ,Guur iyo Gabadh ma hawasto ,mana haleelo in uu ka fikiro .

Mirqaansane waa Nin runtii dhalinyaro ah ,waxa uu subax kasta oo Ilahay keenaba u shaqo tagaa Saylada Xoolaha ee Hargaysa si uu uga raadsado waxooga dhaqala ah oo uu ku noolado Balwadiisana uu ku dabaro,waxyar iyo wax waynba wixii uu kasoo kasbado intaanu meelkale kula leexan ayaa waxa uu la tagaa kabadhada qaadka lagu iibiyo ,loogana dhawaqo laba'daba lix dhe ,laba'daba Lixdhe laba'daba Lix dhe ,kadibna waxa uu ka iibsada Qaadki lagu baleeyay ee uu ku baaba'ay .

Waa malin Sabti ah ,Xiligu waa Kaliil ,wanaa duhur ,qoraxdu korkiisa ayay saran tahay, faladhaha Cedceeduna dhakadiisa ayay ku dhacayaan, dhidid ayaa dhafooradisa qooyay , Dheehee iyo dhalaalkii wajigiisu waa hore ayuu Qayirmay ,dhibta ugu weyn ee haysata. waxkale maaha ,Madama dhaqalahii yaraa ee uu soo shaqaystay Qaad iyo Sigaar uu siistay ,Sacadu yar ka bacdi ayuu Caloosha gaajo ka dareemay, ilayn maba uusan Quuracan saaka ,Qadadiina la dhaaf .

Waxa uu iigu yimi goobtii aan joogay ,waxaanu soo istagay kor kayga isaga oo Afka uu uga buuxo Qaad ,Labada Gacboodna ku sita isala markana Jeebadahuna ay u dhooban yihiin ,isaga oo Hiinragaya ayaa waxa uu Cod Xabeeble igu yidhi Saxiib waxaan kaga bahanahay wax aan Qado siisto, Gaajo ayaa i haysa Cunto iyo Omatana Xalay ayaa igu danbaysay .

Runtii aad ayaan uga naxay Wiilkan dhalinyarada ah ee Noloshisii Bilaw ilaa dhamaad ku mashquulay Geedka QAADKA iyo cabitaanka Sigaarka ,waan ku dhici wayay sidad dadka qaar sameyaan in aan idhaahdo Lacagtaad qaadka soo siisatay orodoo ku qadee ,waayo waxa aan dareemayaa bal xilli kale iyo wax isu sheeg ha danbeeyee in iminka Gaajo waa Cudure Caloosha aan u buuxiyo .

Mirqaansane markii aan qaday siyay ,waxooga Nafina kusoo noqotay waxana na dhex martay sheekadan .

Mirqaansane madama uu ahaa Dhalinta marka ay duruuftu iyo darxumadu damaqdo Miciinka isoo mooda, isla marekana wixii karaan kayga anan waxba ka hagran jirin, ayaan waxa aan waydiiyay madama anan arag Muddo Laba Sano ah meesha uu ku maqnaa .


Waxa uu iiga sheekeyay 2 Sano in uu Xabsi (Jeel) ku jiray waxanu ku bilabay shekadii:-

Saxiib waad i ogayd in aan Shaqo iyo Camal aan ka dhigan jiray Dilaalka iyo Kala Iibinta Xoolaha,waagii Ilahay kenana aan ku kalahi jiray Saylada Xoolaha ee Magalada Hargaysa ,si aan uga soo helo dhaqalaha aan Noloshayda ku maareeyo Balwadayda iyo Baladan i qadatayna anan ku Baryootamin .

Isagoo sheekadii wada waxa uu yidhi :-

Aroor arooryaha ka mida ayaan aniga oo ku jira hawl-maalmeedkaygii shaqada ee Dilaalka ayaa waxa ii yimi Nin doonaya in uu Iibiyo Dameerkiisa ,kadibna waxa uu iga codsaday in Dameerkan aan cid uga iibiyo Dilaal fiicana uu iga siinayo ,waa dilaal iyo cadadiiye waxa aan u hawl galay sidii aan ugu iibin lahaa .

Nasiib wanaag waxa aan helay Nin Mustacajal u ah in uu Dameer iibsado, kasoo doonaya in uu ku Xamaasho kuna Biyooleyo .balse Ninkan Dameerka doonaya wax aqoon iyo macluumada kama haysto shayga amma Xayawaanka DAMEERKA layidhaa ,kaliya waxa uu wax ku qiimaynayaa waxa ay tahay in uu helo DAMEER XOOG WAYN shaqadana uga adag .

Lasoco wali waxaa ii sheekaynaya Mirqaansane :-

Hadaba sida cadada marka Xoolaha Nool lakala iibsanayo waxaa jira qaab lagu ogaado Neefkan iyo Xaladiisa iyada oo laga eegaayo meelo fara'badan ,Dadka yaqanana sidayda waxabay Xaalada Neefka ku qiimeyaan ILKA CABIR wax dhibata ah oo igaga soo noqdana waligay maan arkin.


Balse Saxiibow waligay Dameer iyo Dameertona Dilaal kamaan noqon Risiqna kamaan dayin ,oo waxaban u aqaanay Xoolo Shaydaan ,balse kan (Dameerkan) waxaa igu kalifay Suuqa oo malinka yar liitay iyo Xoolaha Saylada la keenay oo aan badnayn.

Markii Iibka Dameerku dhamaday aniguna aan Dilaal Fican oo kii Adhigaba iiga badan aan ka qaatay ,ayaa sidii ii cadada ahayd waxa aan orod iyo ayaan ku tagay Goobihi aan ka qadan jiray kana Iibsan jiray Jaadka (Qaadka) kadibna malintaasi waxa aan qaatay Qaad anan waligay Iibsan isla markana Dhaqalahiisa anan Goyn jirin .

Waxaan imi Goobti yarayd ee aan ku Mirqaami jiray, kadibna Jilibkaan ayaan aastay, waxa la isoo hordhigay Rikoodh heesta ka baxaysa waa Khadra Dahir (Mariyaan soojeed ka dhigan ma dhibaan raaxo modayaa ) Farta iyo Suulka ayaan isku garacaya ,markasta oo Qaadku iga dhamado waan ku ceshanaya ,ma seexan karo inta shilin Lacagii Jeebkayga uu ku jiro ,Malintasi Mirqaan iga dheh ,alla dilaalka DAMEERUU macana yaa ii sameeya Saylada DAMEERA lagu dilaalo ayaan Taminiyay .

Mirqaansane haduu sheegaya meeshuu Labada Sano ku maqnaa :-

Saxiib waxba yaan hadal kugu daalinini Malintii malintaa xigtay ayaa anoo sidii cadada ii ahayd ka shaqaysanaya Sayladii Xolaha ,ayaa waxa ii yimi Laba Nin oo BOOLISA oo uu la socdo Ninkii shalay aan dameerka ka Iibiyay Dilaalkana aan uga ahaa ,waxaa kaloo isna lawadaa Ninkii Dameerka iibiyay oo magaciisa layidhaa Hadimo .

Intaan Gacanba layla soo gaadhin ayaan waxa aan maqlay ,makana mise waa kee ,ma hubtaa iwm ,kadibna Gacanta laygu dhigay waxaa la ii kaxeeyay dhankii Saldhiga Boliska ,waxaan inta la isii wado aan ku tirabayaa waar maxaa dhacay ,maxaan sameeyay ,halkee laywadaa .balse Nimanka Boliska ee i wadaa waxa ay ii sheegeen in Saldhiga layga soo dacweeyay ,Sababtana Saldhiga la iiga sheegi doono ,iyaga oo igula taliyay in aan is'dajiyo.

kadibna waxa la igeeyay Saldhiga Boliska ,waxa su'aalo kooban na waydiyay Ninkii Obiga Boliska fadhiyay kadibna Suumanka iyo Kabaha ayaa nalaga saaray, aniga iyo Alla uma naxariistii Iibka Dameerka ila soo doontay .

Sida cadada Malin ka bacdi waxaa naloo Gudbiyay Maxkamada ,kadibna Ninkii Xaakinka ahaa ayaa waxa uu su'aalo waydiiyay Ninkii Dameerka Iibiyay iyo kii iibsaday .

Qaabkan ayaa Su'aalaha loo waydiiyay Ninki Damerka Iibiyay :-

Xakinkii : Ninkan shalay ma ka iibisay Dameer aad leedahay ?

Hadimo : haa waan ka ibiyay .

Xakinkii : Dameerka ad iibisay mid caynkeeya ayuu ahaa ? wax Dhaliila amma dhawaca ma ku ogayd?

Hadimo :Maya xaashaa Lilaah waxa uu aha Dameer dhamays tiran .

Xakinkii : Dameerka aad Ninkan ka Iibisay Wax ILKO ah ma lahaa ?

Hadimo : Nacam haa ,way u dhamayeen Ilkuhu Gawsna kama maqnayn .

Xakinkii : Maxaad ku ogaatay in Dameerkagu Ilko lahaa noo cadee ?

Hadimo : waxaan ku ogaday muddo badan ayaan haystay ,Sacadii aan Iibinayayna Rashin adag oo Arabikhi iwm ah ayaan soo siyay , si fiican ayanu u cunayay , hadii uu Ilka la'yahay ma'usan cuneen Raabsigiisana maan maqleen ,mararka qaarna Dameerkaygu wuu ilka cadeeyaa taasna kadibna Ilkahisa ayaan arkaa .

Dacwadii marka ay halkaasi marayso ayaa waxa wax la suä'aalay Ninkii Dameerka laga Iibiyay ee Mudiciga ahaa oo lagu Nanayso Daacad ,waxanay su'aaluhu u dhaceen sidan :-

Xakinkii :waxaan ku waydiiyay Yaabane Dameerkan markaad shalay iibsatay Ilko malaha

Daacad : In uu Ilko leeyahay iyo in kale maan eegin ,Dameeraha marka la iibsanayana qaabka la isaga eego aqoon umaan lahayn ,waxa kaliya oo aan radinayay uun Dameer Xoog wayn ,balse markii aan kaxaystay ee aan Gurigayga la tagay ayaan waxaan damcay in aan Raashin iyo Caws siiyo kadibna waa uu Cuni wayay ,kadibna waxaa aan doontay Nin dameeraha yaqaana kasaa ii sheegay in Dameerkani aanu wax Ilko ah aanu lahayn XABADNA HA AHAA TEE.

Waxaa halkan kasoo booday Ninkii Dameerka lahaa oo leh Dameerkayga Hal ILIG kama maqnaayn ,waa la qosqoslay .

Gartii waxa ay maraysaa meel adag kadibna waxaa wax la waydiiyay Mirqaansane .

Xakinkii :-waxaad noo sheegtaa Magacaga oo Sadaxan

Mirqaansane:- Magacaygu waa .......

Xakinkii :Ninkan ma taqanaa ? isaga oo farta ku fiiqaya Ninkii aan shalay dameerka u iibiyay.

Mirqaansane: Aqoonkale uma lihi lakiin shalay ayaan Ninkan Dameer u ibiyay .

Xakinkii : Dameerka aad shalay u iibisay mid caynkeeya ayuu ahaa ?

Mirqaansane : Waxa uu ahaa Dameer Lab , oo shilis .

Xakinkii : Dameerka aad Ninkan shalay u iibisay wax Ilka ah miyuu lahaa ?

Mirqaansane : Anigu Afkiisa maan eegin intii uu na'ag joogayna ma uusan Ciyin,

Xakinkii : Waligaa Dameer amma Dameer cid maw kala iibisay ?

Mirqaansane:maya Alahay ka Alle kan ayaa iigu horeeyay,balayaa kala iibisa waa xolo shaydan,hadii kani ILAHAY i dhaafiyo ayaban Nimcaa ,haygu soo qaadin .

Akhristaw sheekadu markii ay halkasi maraysay Ninkii Mirqaansane iyo Ninkii Dameerka lahaba waxaa uu Xakinkii Maxkamadu ku Xukumay Xukun ah :-

1. Maanta oo ay tariikhdu tahay .......isla markana ay maxkamadu u fadhiisatay kiiskii DAMEERKA waxa ay maxkamadu cadaynaysaa in Ninka Dameerka iibiyay uu yahay Khayin isla markana uu Iibiyay Dameer uu ku ogaa Dhaliil iyo Ceeb kasoo ahaa Dameer aan lahayn wax Ilka ah .

Waxa kaloo ay Maxkamadu soo ogaatay in Muddo Kooban Dameerkani Ilka la'aa Ninkan Dameerka iska lihina uu Cunto uga dhigi Jiray Waxyabo uu u Ridqo(shiido) madama aanu Dameerkani lahayn Ilko uu wax ku cuno .

Sidaas awgeed waxa ay Maxkamadu ku Xukuntay Ninkasi Hal Sano oo Xadhiga iyo Lacagtii Dameerka oo uu soo Celiyo .

2.Danbilaha Labaad oo ah Mirqaansane waxa ay Maxkamadu ku Xukuntay LABO SANO oo XADHIGA tasoo loo daliishaday , in uu Khayanada kula jiray Ninka Dameerka ibiyay ,isaga oo aan marna u kuur galin in Dameerkani Dhaliil leeyahay iyo in kale ,balse eexaystay Dilaalka fiican ee la siiyay .

Akhriste sheekadu waxa ay kusoo dhamaatay Qaabkasi , waxana suura gala in Ninka Odayga ee Mirqaansane waxa galiyay Xabsiga iyo Xadhiga in ay tahay waalida Qaadka oo ah mid maanta Somali oo dhan aafaysay gar ahaan Da'yarkii .

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh

W.q Qareen /Khadar Ibrahim Aar




No comments:

Post a Comment