SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Haddii aynu isku Qabiil nahay,isku aragti ma nihin.

Bini'aadmiga uu Ilahay SWTC uu abuurtay fikirka iyo aragtida waa ay ku kala duwan yihiin,khasab maaha in shaykasta iyo waxkasta oo nolosha ka mida in aynu isku aragti ka noqono ama aynu isku si u wada fahamno.

Qofkastaa nolosha wax gaar ah ayuu xiseeyaa, waxgaar isaga u ahna waa uu ka helaa.Aragtida kala duwanaashahu waxa ay ku timaada laba arimood oo kala ah, mid ku dhisan abuurka Ilahay iyo mid ka timaata rabittaanka qofka iyo hadba sida uu nolosha u arko.

Hadii aynu nahay koox wada socota isla markaana aynu si wadajir ah aynu gudaha ugu galno Dukaan ama Macdaar iibinaaya dharka,waxa laga yaaba in qofkasta uu yeesho dookh iyo jacayl u gooni ah oo uu ku xulanaayo dharka iyo alaabta Dukaanka taalla.

Siyaasadu wa shay dabiici ah in lagu kala aragti duwanaado,fikir aad adigu u aragto in uu sax yahay ayaa aniga iila muuqda si khaldan.Halbeega siyaasadu waa shay markasta isla badala habka nolosha daadkaasi meel ku wada nool.

In aynu isku Qabiil nahay isla markaana aynu kasoo wada jiidno hal oday iyo waliba hal Islaan ,taas macnaheedu maaha in ay isku aragti iyo faham ka nahay isbadalada siyasadeed ee maanta dalka ka socda.

Xaajo nin la toosani nin la tuurleh,dareen iyo hawl aan dibindaabyo dal u arko ayaa adiga daawasho farxadeed kuu ah; khasab maaha in aan anigu adiga noqdo aduguna aad aniga noqotid,sida ay wajiyadeenu u kala aragti duwan yihiin ayay fikradaha iyo dareenadeena ku wajahan horumarka dalkuna yihiin kuwo aynaan isla keenayn.

Waxaa dhici karta in aad dagaal iyo Xabad u taqaano xal iyo xulashada u danbeysa ee dal cadaaladii lagu heli karo,sidoo kale ayaan aniguna dood , isqancin iyo isu tanaasul u aqaana dal horumarkii.

Aynu wada tashano oo talo midaysan oo waxtarleh aynu Diinta,Dalka iyo dadkaba ku hormarino waa fikirka iyo fayoobida maskaxda caafimaadka qabta.Aynu kala tagno isla markaana aynu isku taagsano colaad iyo ciilna aynu ku kala calaf qaadno waa caqliga iyo garaadka gunimada aan laga bogsoon.

Qofkastaa malahayga waxa uu isleeyahay wax hagaaji,balse jidka iyo dareeqa hagaajinta loo maro ayaa lagu kala aragti duwan yahay.Marnaba dhici mayso caqli iyo cilmitoona noqon mayso dagaal iyo Dulaan ayaad dan aan leeyahay ku gaadhayaa.

Curfiga iyo caydu waa awooda iyo aaladda ay adeegsadaan dadka aqoontoodu gaaban tahay.Hadii aad la kulanto qof markaasi ka fikir iyo aaraa duwan macnaheedu maaha in uu kaa gardaran yahay, balse waa uun saxiibkaa oo si kale u arka ama ay ula muuqato sida ay isaga la tahay.

Waa run isku qabiil iyo isku qolo ayaynu nahay,balse isku qiimayn teenu waa ay kala duwanaan kartaa.Qabiilka ku kala tagi mayno balse qiimaynta hadba qodobka ina horyaala waynu ku kala qaybsami karnaa.

Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment