SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

SUUGAAN




Maanso cusub oo la magac baxday :BULSHOOY DHAQAN BEEL DHEH,waxa tiriyay Abwaankii waynaa ee , Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)
Gabayaagu waxa uu wax badan tilmaama ama uu hogo'tusaaleyaa bulshadiisa,isaga oo si taxadar-leh farta ugu fiiqaaya  hadba halka uu isleeyahay dhaliil iyo hag'rasho ayaa ka jirta;waana mid lagu yaqaano Abwaanada iyagu sida toolmoon had iyo goor ula socda bulshadoodu halka ay hadba ka liidato.
Maansadan waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon) .Abwaanku waxa uu si kooban oo hal abuurnimo ku dheehan tahay  maansadan kula talinayaa, Madaxda iyo hogamiyayaasha dalka,isaga oo hadba tilmaamaaya halka uu isleeyahay in wax la dhiso ayay ku haboon tahay,kana digaaya in ay madaxdu noqoto, kuwo iyagu dadka ka shaqaysta,balse aan u shaqaynin.
Waxaanu yidhi Abwaanku:

Adduunka dhibkiisa
Dhacdooyinka daadsan
Dharaaraha qaarba
Dersay dhigayaane
Dhulaan biyo oollin
Dhallaan ku harraaday
Ninbaa beri dhaami
Nin awr ugu dhiibey.
Markuu la dhaqaaqay
Dhabbaa kula daalay
Ayuu dhexda seexday
Awrkii dhacan oo lun
Dhurwaana cun mooyi.
Dhiggiisa waxaa ah
Dharaarta codaynta
Dhawaaqiyo sawt'ka
Ninkii lagu dhoobay
Nicmaa dhalanaysa
Masuulka ku dhaartay
Inuu dhimrinaayo
Dalkiisa dhisaayo
Dhaqaale sameeyo
Sinnaan ku dhaqmaayo
Dadkiisa dhammaanba
Wanaag dhaxalsiiyo
Markuu dharab kayn leh
Dhexdeeda ka toosay
Dhawaaqa baxaaya
Hayayda dhacaysa
Dhaliilaha muuqday
Dhibaatada taagan
Hadduu dhugan waayey
Dhegaa ka furaystay
Dadduu ka dhaqaaqay
Bulshooy dhaqan beeldheh.
Dhallinta habawday
Shisheeye dhulkiisa
Dhalaal uga muuqday
Intuu u dheg taagay
Tahriib u dhaqaaqay
Dhulkooda ka yaacay
Badaa ku dhammaaday
Masuul dhugan waayey
Ba'ayda dhacaysa
Dhegaa ka furaystay
Bulshooy dhaqan beeldheh.
Miskiin dhinac jiifa
Dhibkiisu u muuqdo
Intuu u dhawaado
Masuul dhuganwaayey
Jalkiina la dhaafay
Markuu dhimanaayo
Dhafoorrada taabtay
Bulshooy dhaqan beeldheh.
Dhirteenna magooshay
Dhillowyahan-keeda
Caleenta ku dheehan
Bur dhuub iyo doogleh
Dabkuu dhejinaayo
Nimaanay dhibayni
Masuul dhuganwaayey
Bulshooy dhaqan beeldheh.
Dhambaalka warkaygu
Dhabtuu ka hadlaaye
Xumaan ha u dheehan
Samaanta ka dheego
Dheel dheel talo seegga
Jidkuu Dhahar eeday
Dhabbii dib u raaca
Ku dheel ummad maaha.
Dhashaada cun maaha.
Badh jeelka dhig maaha.
Dhurwaa noqo maaha.
Lafaa dhilo maaha.
Bukaan dhakhtar jiifa
Jalkooda dhan maaha.
Dhammaan ummaddiina
Hantida ka dhaxaysa
Dhaqaalaha booba
Dhacoo gurta maaha.
Dadkoo dhaxan jiifa
Dhagxaanta ku seexda
Sardheer dhiso maaha.
Hurdada dhacadiidsi
Dhakool keli maaha.
Masuul dhaban daade
Tolkiisa dhawayste
Qabiilo ku dhuunte
Dhankiisa ka hooste
Lugtuu dhudhub haysto
Dhiraan-dhiriskeedu
Ku soo dhufo maaha.
Dhammaw calankeenna
Raggii dhicinaayey
Kanay u dhinteene
Ha dheeliyo maaha.
Waxaa tiriyay Abaanka wayn ee Somaliyeed .Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)

No comments:

Post a Comment