SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tariikh kooban.Gabayagii Waynaa.Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule (Loodh) iyo gabaygii Holland kama qadeeyeen ninkii Hala dhex joogaa.

 
Jiritaanka ummadi ay jirto waxaa sal u ah,hadba inta uu gaadhsiisan tahay ,kaydinta iyo ururinta hal-abuuradoodii caan baxay ,kuwaasi oo ay markasta ka helayaan sooyaalka iyo tariikhdii ay umadani lahayd.
 

Waxaa suura gal ah ,hadii umadi ay ilaashan waydo tariikhda ay sooyaalkii ay lahayd waxa dhici karta in ay garan wayaan halka ay u socoto ,madama aanay haynin oo ay ka maqan tahay halkii ay ka yimadeen.Tariikhda Abwanada oo la qoraa amma
la kadiyaa waa Muraayad aad iska daawato ,taaso kuu tilmaanta halkii aad ka timi iyo halka aad hada u socoto.
 
Alla ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule oo ku magac dheeraa loodh,waxa uu ka mid ahaa Abwanaadii Somaliyeed ee sida aadka ah uga qaybqaatay dhinacyo badan oo ay suugaanta Somalidu ay leedahay.
 

Waxa uu ahaa abwaan Soomaliyeed oo aad iyo aad u caana ,kaasi oo leh halabuur dhinacyo badan leh iyo Taariikh-Faneed aan marnaba la ilaabi karin , Abwaan Loodh wuxuu ka mid yahay abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida,gaar ahaan kuwoodii ugu hor ilbaxay.
Abwaan Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule(Loodh) waa nin dad badani ku xusuustaan kaalinta uu ka qaatay Kobcinta Suugaanta Soomaaliyeed, hase yeeshee, waxaa dhici karta in dad badan oo maanta nooli aanay isu aqoon Loodh iyo fankiisa.
 
Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule (Loodh) waxa uu ku dhashay Miyiga ,gaar ahaan magalada layidhaa Daba'gorayaale, oo ku taala gobolka Daad-madheedh ee Oodwayne,Abwaanku waxa uu dhashay Tariikhdu markii ay ahayd 1950 ,halkaas oo la odhan karo abwaanka waxa ay u ahayd asaaskii noloshiisa.
 
Abwaan Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule waxa la odhan karaa xiligii Kuraynimadiisii waxa uu kusoo qaatay Raacista xoolaha Geela,oo wakhtigaasi Somalida u ahayd waxa kaliya ee ay ku faanto,nolosheeduna ay ku dhisan tahay .
 
Abwaan Maxamed Xaaji Cabdi Dhuule (Loodh) wakhti sidaasi u badan kumuu sii lumin jogitaankii Miyiga iyo Geel raaca ,balse waxa uu usoo bakhoolay dhinaca Magalada Hargaysa tariikhdu markii ay ahayd 1972 ,halkaasi oo uu kala qabsaday magaalo joognimadii.
 
Abwaan Loodh markii uu wakhti aan sidaasi u badnayn uu joogay Magalada ,waxa uu u bakhoolay dhinaca Wadanka Yemen gaar ahaan Magalada Cadan ,oo wakhtigaasi ahayd meesha kaliya ee dadka Somalida qurbaha u ahayd ,kana mid ahayd magalooyinkii wakhtigaasi ugu ilbaxsanaa Aduunka.
 
Abwaan Loodh sidiisaba waxa lagu yaqaanay in uu yahay nin hawl-kar ah meesha uu tagana si fiican uga muuqda,waxa uu ahaa nin xarago badan,sheeko badan,farxaana oo markaliya meesha uu soo fadhiisto ay dadku kusoo xomaan si ay u dhagaystaan sheekooyinkiisa xigmada u saxiibka ah.
 
Abwaan Loodh waxa intaasi u dheeraa in wakhtigii uu joogay Magalada Cadan uu bartay luqada Carabiga iyo Ingilishka ,kuwaasi oo iyaga laftoodu ka saaciday in uu Abwaan Loodh uu magalada ku yeesho saxiibo aad u farabadan.
 
Madamaa sida aynu soo sheegnay Abwaanku uu ahaa nin aad u galan-gal badan,waxa uu Abwaanku shaqo ka helay Marakiibtii waa-wayneed ee Aduunka u-kala gooshi jirtay, mid ka mida oo laga leeyahay Wadanka Giriiga.
 
Madama uu Abwaanku Markabka uu shaqada ka helay uu yahay mid laga leeyahay wadamadaasi Yurub,waxa abwaanka usoora gashay in uu noqdo Badmareen-nadii u horeeyay ee Somalida ee wakhtigaasi .
 
Allah ha u naxariistee waxa uu Abwaan Loodh uu Geeriyooday tariikhdu markii ay ahayd 2009 isaga oo ku geeriyooday wadanka Giriiga oo inta badan Abwaanka Saldhig u ahayd.
 
Inkastoo wali aanay noo suura galin in aan si fiican usoo ururini Tariikhdii iyo gabayadii baaxada lahaa ee abwaanka,balse hadana waxa aan jeclahay in aynu bal waxoogaa kasoo qadano Gabayadii Abwaanku uu caanka ku noqday mid ka mida,kaasi oo ah Gabayga ay Somalidu aadka u taqaano lee la magac baxay Holland.
 
Gabaygii Holland.
 
Abwaan Loodh waxa uu gabaygan la magac baxay Holland uu tiriyay wakhti uu joogay wadankaasi Giriiga isaga markaasi cabiraaya noloshii Geel jira nimada ee uu ku noolaa iyo midan uu hada galay heerka ay kala jogaan .
 
Waxa kaloo Gabayga Abwaanka ka laga dhan-dhan-san karaa ,in uu leeyahay amma uu tilmaamaayo kala duwanashaha dhinaca nolosha wadamada Yurub iyo midii uu isagu wakhtigaasi ka tagay ee Somalida .
 
Waxa iyana hadii Gabayga Abwaanka loo fiirsado ,laga dareemi karaa ,waxoogaa faan ah oo uu markaasi saxibadiisii uu ka tagay ee wali iyagu Geelii raacaya uu ugu sheegaayo in uu noqday nin waxba bartay Dunidana Mushaaxay ,waakan gabaygii:-

Horwayn badan haleelada dhashiyo heeshinkiyo qaanka

Haawayda raacdaa mo oga heerka nololeede

Haraad se waxaan ka tagey maalintaan dhigay hadhuubkii

Holland kama qadayn karo ninkii halo dhex joogaaye

Horaan uga maray yuusufoow hayla xumadiiye.

Kuwii adhiga hawd daajin jiray nama huruufaane

Hubka waxaan u qaataa sidii haydhka faransiise

Hoori kama baxeen meelahaan haw ka leeyahaye

Sida haadka duuloo kalaan hayga marayaaye

Habinimana waxaa iigu wacan haynta lacageede

Ha wo nimaan lahaynbaa jaboo haynin meel sare’e

Imikaa habkaan dooni jiray hawl yaraan yimi

Iyagaase aduunyada hantiyay hiilna noo taraye

Ha-noolaato haabada badiyo hoonka reer yurub.



Xigasho .Suxufi /Cabdiwahaab Ismaciil Toox.

Cida laga soo wariyay/Maxamed Guhaad Xuseen.

Qalinkii/Khadar Ibrahim Aar