SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaa Lagu ogaan karaa in Ganacsigaagu horumar sameeyay?

Horumarka uu sameeyo ganacsigaada ma ahan wax hal maalin ku yimaada ee waa wax marwalbo qaato wakhti dheer. Si aad u hesho guulo la taaban karo ee ku aadan ganacsigaada waxaa wanaagsan inaad ogaato waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga. Mudooyin badan ayaa aad loo tafatiray waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga (business development). Ganacsiga wuxuu kasoo bilow maa meel hoose waxaana marwalbo sarre u qaadi karo waa aas-aasihii fikrada ganacsigaas.

Marwalbo markii aad bilaabayso ganacsi waxaa wanaagsan inaad ogaato ama aad ku sameyso qiimeyn tafatiran ee ku aadan inaad faa’ido ka heli doonto ganacsigaas iyo inkale. Maxaa yeelay haddii aadan ogaani Karin inaad faa’ido ka heli doonin ganacsigaas waxaa adkaani karayso inaad ku guulaysato tartamada ka jira suuqa.

Si marwalbo aad ugu guulaysani karto awooda suuqa waxaa wanaagsan inaad wax badan ka ogaato wax ay jecelyihiin macaamiishaada iyo sidda aad ku xalini karto dhibaatada haysato macaamiishaada.

Haddii aad ogaato dhibaatada haysato macaamiishaada waxaa kuu fududaanaayo inaad ku guulaysato suuqyada lagula jiro tartanka adag.

Waxaanu la wada soconaa in dadka ay jecelyihiin sheyba inta uu ka dambeeyay soo bixitaankiisa sheyga kale ‘’version to version’’. Sawabtoo ah Soomaalida waxay tiraahdaa ‘’wixii cusub caalamka ayaa jecel’’. Ganacsatada waxaa u wanaagsan inay marwalbo ku dadaalaan siddii ay u qancini lahaayeen macaamiishooda. Haddii aad aragto macaamiishaada oo kugu faraxsan waxaad horumar weyn ka gaari kartaa ganacsigaada.

Ogaaw marwalbo ganacsiga guulaysta waxaa sal u ah qancinta macaamiisha. Ganacsigaada guul haka filanin haddii qaabka aad ula dhaqanto macaamiishaada ay xun tahay. Kuna dadaal inaad wanaajiso macaamiishaada, sawabtoo ah ganacsi ma jiro illaa ay macaamiil fiican jirto, macaamiisha fiicana waxay ku timaadaa sidda aad u qanciso adiga.

Waxaa wali jira dhibaatooyin ku wajahan qaabka ay shirkadaha diirada u saaraan macaamiishooda. Waa qodob muhiim ah inaad ka warqabto baahida macaamiishaada, sawabtoo ah waxaan iri waa waxa aad ku taagantahay ganacsigaada waa macaamiishaada. Balse yeysan kaa xumaanin qaabka aad u wajahayso raadinta baahida macaamiishaada. Raadinta baahida macaamiishaada waxay u baahantahay taatik ka wanaagsan ganacsadayaasha kale ee suuqa aad ku tartamaysaan.

La soco, inaad marwalbo ogaato guusha rasmiga ah ee ganacsigaada waa sidda aad u hesho macaamiil fiican. Macaamiishaada waa kuwa kali ee horumar gaarsiini karo ganacsigaada.

Daryeelka macaamiisha waa waxa lagu qeexi karo sidda fudud ee aad ku gaari karto horumar fiican. Dabcan ganacsi walbo waa inoo lahadaa hadaf cadeynaayo inuu yahay midka rasmiga ah ee u qalmo inuu helo macaamiil badan. Hadafyada noocaas oo kale sawabta kali ee ugu guulaysani karto ayaa ah inaad la imaado taatik qeexi karto inaad tahay qofka kali ee daryeeli karo macaamiisha ku jirta suuqa.

Markii ganacsigaada gaaro horumar fiican waxaad ku qiyaasi kartaa sidda aad u hesho faa’ido badan oo la taabani karo. Faa’idada la taaban karo waxay timadaa marwalbo oo aad horumar fiican ka gaarto suuqa markaas aad tartanka kula jirta dadka kale. Tartanka wuxuu leeyahay noocyo badan sidda:
Inaad dhinto qiimaha badeecada oo ka duwan qiimaha kale ay iibiyaan ganacsadayaasha kale ee ku jira tartamayaasha suuqa.
Inaad sameyso xayaysiin badan si aad usoo jiidato macaamiil badan oo aad ka wanaagsanaato dadka kale ee ku jira tartanka suuqa markaas aad ka hawl gasho.
Inaad ka qadamaad fiicnaato ganacsadayaasha kale oo iibiya alaabtaada oo kale, iwm

Hadaba aqristoow haddii aad doonayso inaad guulo fiican kagaarto ganacsigaada waa inaad la timaado aragtiyo cadeynayso inaad diyaar u tahay inaad ka guulaysato ganacsiga kale ee luulanka ku wada jirtaan. Sidda aan soo sheegay sawabta kali ee aad ku ogaani karto inaad guulo fiican ka gaartay ganacsigaada ayaa ah:

In maalgashigaada kusoo noqday intiisa badan ‘’Return on investment (ROI)’

Inaad ku guulaysatay suuqyada tartanka wareega ah.

Inaad kasbatay macaamiil intii aad u baahneed iyo

Inaad kusoo kordhisay ganacsigaada wajiyo cusub sidda inaad kor u qaadatay sidda fudud ee macaamiisha ay ku heli karaan ama ay ku isticmaali karaan badeecadaada.

Ganacsiga wuxuu kasoo bilow maa meel hoose waxaana marwalbo sarre u qaadi karo waa aas-aasihii fikrada ganacsigaas. Horumarka uu sameeyo ganacsigaada ma ahan wax hal maalin ku yimaada ee waa wax marwalbo qaato wakhti dheer. Si aad u hesho guulo la taaban karo ee ku aadan ganacsigaada waxaa wanaagsan inaad ogaato waxa loo yaqaano horumarka ganacsiga. Waxaan jeclahay in dad badan wax badan ka barani karaan in qodobadaas ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu sheego horumarka ganacsiga.

Fadlan haddii ay jiraan fikrado kale oo cusub dadka usoo gudbi oo kusoo qor qeyb hoose ee maqaalkaa. Fikradaha ha noqdeen mid khuseeyo cinwaanka maqaalkaan.

Xigasho.Tukesomalims.com