SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hadaad tahay Ruux gaaban, talaan kuu hayaa aad ku dheeraanaysid.


Aduunyadan aynu ku nool nahay Ilahay dadkiisa uu ku abuuray rooxna ruux-kale umuu eekaysiin ,Ilahay SW qofkastaba waxa uu u abuuray si gooni ah, qofkasta oo uu Ilahay abuuranay qaabkan uu u sameeyay maaha mid aynu inagu doorasho ku leenahay.


Waxa aynu isgu jirnaa ,kuwo dhaadheer iyo kuwo dhex-dhexaad ah ,waxa kaloo soo raaca iyaguna kuwo aad u gaa'gaaban, sidoo kale waxa aynu leenahay kuwo aad casaan u ah iyo kuwo waxa loo yaqaano mariinka ah,waxa iyaguna soo raaca kuwo madaw.

Fariidnimada iyo iyo nacasnimada midina kuma xidhna dherer keena iyo kolba caynka aynu u eegnahay ,balse hadana qofkastaba waxa uu iska jecel yahay in uu noqdo qof quruxbadan,hadaba waxa aan kuu hayaa kaarto ku dheeraynaysa hadaad gaaban tahay .

Hadaba hadii aad tahay Qof gaaban nin iyo gabadh kaad doontid ahaw,waxa aan kuu hayaa talo ku tusinaysa sidii aad ku dheeraan lahayd,amma dadku ay kuu arki lahayeen in aad tahay qof aan gaab-nayn waxa alaga yabaa hadii aad arintan tijaabiso in aad ku najaxdo.

Waatan taladii.

Hadii aad tahay ruux aad u gaaban ,balse hadana saxiibkaa amma saxiibadaa iyo qof kasta oo aad la socotaaba uu yahay ruux kaa  dheer ,talada aan ku siinayaa waxa ay tahay ,marka aad wada socotaan garabka-garabka haw saarin ,si aanay gaabnidaadu u muuqan ,waxa aan kugula talin lahaa ugu yaraan hal talaabo u jirso adiga oo dhinac socda. Hadii aad wada taagan tihiina isla sidaasi oo kale hal talaabo yuu kusoo dhaafin.

Waxa laga yabaa qofkan kaa dheeri in aanu kaa warhayn xeeladan iyo xisaabtan aad gaabnidaada ku qarinayso,kadibna waxa dhici karta  in uu kolba haltalaabo kugu soo turkaayo,si farsamaysan uga siko kolba ,waligaa ha u sheegin sirta iyo xeelada ka danbaysa dib u gurashadaada, taas haduu ogaato ama ay ogaato ,waxa laga yabaa in uu qofkaasi dheeri ku talagalo in uu si toos ah kuu fashiliyo.

Qofkasta oo kaa dheer hadii aad hoosta ka gasho ,waxaa muuqanayaa gaabnidada ,qofkasta oo agtiina marayaana waxa uu dareemayaa in aad tahay ruux gaaban ,balse hadii aad saxiibkaa amma saxiibadaa marka aad dariq wada tagan tihiin aad markasta hal talaabo dib uga qaado waxa hubaala in aanay gaabnidaadu muuqanayn.

Hadii guri fooqa oo aad u dheer hoostiisa laga dhiso aqal aad u gaaban ,maxaa kuu muqanaaya,sawmaha in markasta gurigaa dheer ay dadku isha laracaan,balse hadii guriga fooqaa iyo kan gabani ay kala fog-yihiin waxaa hubaala in kan gaaban gaabnidiisu aanay muqanayn.

Khadar Aar.