SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faallo;.Yaa ku guuleystey dacwaddii Xisbiga Ucid ?

Waxaa dhowrkii bilood ee ina dhaafey ,dacwad xagga sharciga ahi ka aloosneyd Xisbiga UCID gudihiisa iyada oo ay soo martey marxalado kala geddisan ,aakhirkiina ay soo gaadhey halkii ugu danbeysay ,oo ah maxkamadda sare ee Jamuhuriyadda Soomaliland.

Waxa dad badan oo reer Soomaaliland ahi, rajo wanaagsan ka muujinayeen ,guddoomiyaha Maxkamadda sare ,oo ah nin dhalinyaro ah wax bartey laguna majeeraney in uu isbebel la taaban karo, ka sameeyey ,dhinaca garsoorka muddadii yareyd ee uu xilka hayey.

Waxa dadka aqoonta u lihi ku sheegeen in uu yahey nin go'aan qaadasho leh,hase yeeshee go'aankii taariikhiga ahaa ee uu maanta guddoomiyuhu ridey ,waxa ay hal-bacaad lagu lisey ka dhigtey ,hankii loo hayey, ka dib markii uu mar labaad isa sudhay gud:FaysaL Cali Waraabe iyo musharrax Jamaal Cali Xuseen; go'aanka uu Gaadheyna yahey mid aad ugu eeg kii Beesha Hawiyey u qaaddey, sannadkii 1993 Cali Mahdi iyo General Caydiid, go'aan kaas oo ahaa Caydiid na gar-leh Cali Mahdina gar-leh taasi oo magaalada Xamar dhaxal siiyey natiijo aan la mahadin.

Waxa isla saacaddii xukunka UCID lagu dhawaaqeyba, dib u istaadhmey murankii labada garab oo mid waliba uu sheegtey in uu guulo la taaban karo ,soo hooyey natiijadii soo baxdey.

Su,aasha la isweydiin karaa waxa weeye, maxaa ku kellifey in gud:Maxkamaddu, uu go'aan cad ugu kala saari waayo ,muranka ragaadiyey Xisbiga UCID ee uu u qaatey go'aanka madhaleyska ah ,ee aan soo afjari doonin khilaafka ba'an ee xisbiga ka dhexjira.

Sida ay ila tahey gud: Maxkamadda waxa culeys weyn kaga yimi dhinaca madaxtooyada ,oo uu ugu horreeyo madaxweynaha iyo marwadiisa; waxa kale oo culeys aan la qiyaasi karini kaga imanayey dhinaca guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, mujaahid Muuse Biixi ,oo aan odhan karo waa shakhsiga isagu ku guuleystey go'aankii maxkamadda ee maanta dhacey, ka dib markii uu soo af-jarey loolankii ka dhexeyey isaga iyo Jamaal Cali Xuseen.

Loolankaasi oo ka jirey gudaha beesha ay ka soo wada jeedaan, taasi oo micnaheedu yahey, in aanu xisbiga UCID ,awoodin tartanka madaxtinimada ee dhici doona bolowga sannadka 2017,muranka iyo isqabqabsiga UCID na uu taagnaan doono illaa maalinta loo dareeri doono doorasha madaxtinnimada rajadii Jamaal na halkaa ay ku soo ururutey.

Ibrahim Deria

London:UK

Ibrahim Deria

ibrahimderia@yahoo.com