SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

WAA QISO KU YAAB GALIN DOONTA,SHEEKADII JULEYBIIB.

Saxaabiga Julaybiib waxa uu ahaa Nin Faqiir ah, oo midabkiisu madawyahay, dhererkiisuna gaabanyahay oo ka mid ahaa dadka ugu liita dhaqaale ahaan iyo magac iyo sumcad ahaanba magaalada Madiina. Qabiilkiisa lama garanayo, wuxuu Nabiga ugu tagi jiray maryihiisa oo jeexjeexan, manuusan lahayn wax hanti ah marka laga reebo kabaha uu sito iyo maryahaa uu gashan yahay. Wuxuu seexan jiray Masjidka Rasuulka (N.N.K.H).

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Nabigii Ilaahay u yeedhay kuna dhahay "Juleybiiboow Miyaanad guursanayn Julaybiibow?" Juleybiib waxa uu dhahay; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya? Qurux, jaah iyo xoola toona malihi.

Hadana maalintii xigtay ayuu Nabigu waydiiyey isla su’aashii shalay, waxaanu dhahay; "Juleybiibow Miyaanad guursanayn?" Wuxuu dhahay Juleybiib; Rasuulkii Ilaahayow yaa ii guurinaya! Muuqaal, xoolo iyo qurux toona ma lihi. Maalintii xigatay ayuu hadana Nabigu sidii oo kale u waydiidyey, Juleybiibna sidii unbuu ku jawaabay.

Nabigu waxa uu ku dhahay; Juleybiibow bax oo tag guri uu lahaa Nin saxaabadii Ansaarta a mid ahaa kuna dheh; "Waxa isoo diray Rasuulkii Ilaahay waxaanu idinka doonayaa gabadhiina si aan u guursado".

Markii hore reerkii waxay moodeen in Nabigu gabadha soo doonay markaasay isku dhaheen; Cidna uma diidayso gabadhan Rasuulkii Ilaahay. Kadibna waxa loo sheegay in Nabigu aanu nafiisa u rabin ee uu Juleybiib udoonayo.

Gabadha aabaheed waxa uu yidhi; "Ma Juleybiibkan faqiirka ah ee muuqaal iyo xoolaba aan lahay ayaa gabadhayda soo doonay!! Markaasuu yidhi; waxaan la tashanayaa gabadha hooyadeed.

Gabadha hooyadeed markii loo sheegay in Juleybiib oo ah dadka ugu faqiirsan magaalada Madiina soo doonay gabadheedii ayey dhaaratay oo tidhi; Gabadhayda oo aan u diiday hebel iyo hebel sideebuu usoo doonay Juleybiib oo aan qurux, muuqaal iyo xoola toona lahayn!!!!

Gabadhii lasoo doonay oo ahayd gabadh Mu’minad ah oo ku kalsoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa waxay ku tidhi waalidkeed; Aabe iyo Hooyo Ma waxaad celinaysaan Nin uu soo diray Rasuulkii Ilaahay, Eebaan ku dhaartee waan guursanayaa Juleybiib, markaasay sii raacisay hadalkeedii Aayada Quraanka ah ee suurada Axzaab: 36

{وما كان لمؤمن ولا مؤمنة اذا قضى الله ورسوله امرا ان يكون لهم الخيرة من امرهم ومن يعص الله ورسوله فقد ضل ضلالا مبينا}

{kuma haboona (umana banaana) nin Mu’min ah iyo Haweenay Mu’minad ah Marka Eebe iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan Inay khiyaar u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Eebe iyo Rasuulkiisa wuxuu dhumay lumid Cad}. Axzaab:36

Gabdhii qalbigeeda iimaanku ka buuxay ayaa dhahday; Eebaan ku dhaartee Juleybiib waan guursan, Rasuulka Ilaahayna ima dayacayo. Markay gabadhii go’aankaa gaadhay ayey aabaheed iyo hooyadeedna waafaqeen, waxayna gudo galeen in laysu arooso.

Juleybiib gabadhii ugu qurxoonayd Ansaar ayuu guursaday, balse markii la gaadhay habeenkii arooska ama dhawr casho kadib arooskii ayaa yeedhmo yeedhay oo waxa loogu yaboohay dadkii Mu’miniinta ahaa Dagaal lagu dirirayo Jidka Ilaahay.

Juleybiib waa soo baxay oo wuxuu soo qaatay aaladii uu ku dagaalamayey, waana ka qaybgalay dagaalkii. Markuu dhamaaday Dagaalkii ayaa la tiriyey dadkii muslimiinta ka geeriyooday (Shuhadadii). Kadibna Nabigii Ilaahay ayaa waydiiyey saxaabadiisii; "Yaad maqan dadka geeriyooday? Saxaabadii waxay tiriyeen dadkii ay garanayeen, waxayna ka tageen Juleybiib. Markaasuu dhahay Rasuulkii Eebe; (Anigu waxaan waysanahay walaalkay Juleybiib)

Dabadeed waa la raadiyey Juleybiib oo waxaa la helay isagoo geeriyooday oo agtiisa ay yaalaan todoba ka mid ah gaaladii la dagaalamaysa oo mayd ah, kolkaasuu Nabigii Ilaahay ooyey oo dhahay; " Wuxuu dilay Todoba, Isagana way dileen, kani aniga ayuu iga ahaaday, aniguna isagaan ka ahaaday waana ku celceliyey weedhaas Rasuulkii Eebe dhawr jeer. Kadibna waxa uu madaxii Juleybiib saaray dhabtiisa (N.N.K.H)

Nabigu waxa uu faray saxaabadiisa inay qabri u qodaan Juleybiib, waana loo qoday qabrigii lagu duugayey saxaabigan qaaliga ah. Anas ibnu Maalik oo xadiiskan warinaya waxa uu leeyahay; Eebaan ku dhaartee intaan qodaynay xabaashii lagu aasayey Juleybiib waxa uu saarnaa jirkiisii daahirka ahaa bawdada Nabiga, kadibna isaga oo aan la maydhin ayaa la duugay.

Gabadhii uu ka dhintay Juleybiib oo ajiibtay amarkii Rasuulkii Ilaahay ayadana waxa markay cido baxdayba soo doonay saxaabadii waaweynaa. Nabiguna gabadhaas waa u duceeye oo waxa uu dhahay;


"اللهم صبَّ عليها الخير صبّاً، ولا تجعل عيشها كدّاً كدّاً"
{Rabbiyow waxaad ku shubtaa ama ka buuxisaa (marwadii Juleybiib ka geeriyooday) khayrka shubis, hana ka yeelin nolosheeda mid kadeed ah.}

Eebana ducadii waa ka ajiibay Nabigiisa oo gabadhii waxay noqotay dumarka ugu xoolaha badan magaalada Madiina.

Juleybiib ilaahay raali haka ahaadee cidna maysan aqoonin, waxa uu ahaa miskiin faqiir ah oo gaaban oo madaw, cidna maysan danaynayn laakiin waxa uu ka cabsaday Allah subxaana wa tacaalaa, markaasu Eebana ku arsaaqy shahaadada xaqa oo isaga oo jidkii Ilaahay u dagaalamaya ayuu geeriyooday. Sidoo kale waxa lasoo arooriyaa in markii uu Nabigu dhabta ku hayey maydkii Juleybiib la tusay haweenkiisa Xuural Caynta ahaa oo u kala dheeraynaya si ay soo dhoweeyaan xabiibkooda usoo kallahay maalintaas ee ay mudada dheer sugayeen.

Xigasho:

Tafsiirka ibnu kathiir, majalada 6aad, bogga 423.
Ibnu Al-Jawsi Safwatu safwa, bogga283
Saxiix Muslim, kitaabka Fadaa’il Saxaaba, Baabka Fadaa’il Juleybiib (I.R.H.), xadiiska 2472.
Musnad Imaam Axmed 33/28.

WD: Shiikh: Abdulaziz Mohamed Oogle.