SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hadii lagu ka dooran siiyo ? Dukhsiga iyo Shinida iyamaad ku dayan lahayd?

Waxaa laga yabaa in ay kugu yara adkaato amma aad la yaabto su'aashan ah:- *Dukhsiga iyo Shinida iyamaad ku dayan lahayd !! Alla jawaabtu fududaa : waa midnaba!! sababta oo ah ;waxa aan ahay makhluuq Ilahay CW uu karameyay,sida ay sheegayso Ayadan Qur'aanka ah لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنْسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ ,markaa maxaan uga bahanahay ku dayashada Xayawaanka.

Hadana marka aad aragto in labada lagu kala dooran siiyay, ayaad inta aad dib u fikirto ayaad waxa aad odhan lahayd ayay ila tahay ,dee Shinida waayo Malab ayay noo samaysaa balse Dukhsugu waa Cuduro gudbiye.

Waa jawaab waafiya meesheediina haysata,balse hadana iyada oo aynu sidaasi nahay,ayaa maanta Bini'aadmiga qaarkii uu ka liitay xayawaankii ,taasi awadeed ayaa waxa ay ila noqotay bal in aynu ku GOOGAA-LAYSANO ,su'aashan

Mukhluuqa Ilahay SW uu abuuray ,ma jiro mid kan kale shabahaa,waxa ay ku kala wada gadisan yihiin waxyaalo badan ,midkastabana waxbuu caan ku yahay oo lagu yaqanaa, looguna soo hagaagayaa .

Hadii aynu maanta waxyar ka faalono labada dhaqan amma labada shaqo ee ay kala qabtaan labada Xayawaan ee yaryar ee la kala yidhaa Shinida iyo Dukhsiga ,waxa laga yabaa in aanay uba baahan tafsiir sidaasi u badan ,marka aad maqashaan labadoodan magac.

Anigu kama hadlaayo qaabka iyo sida ay u samaysan yihiin lakiin waxa aan ka hadlayaa oo qoraal aad u kooban aan kusoo gudbinayaa shaqooyinka ay kala qabtaan iyo midkastana faa'ido iyo khasaare waxa uu inoo yahay.

Waxa kaloo iyana aan ka hadlayaa ,labadaasi yaryar ee xayawaan ,keebaa ku haboon in lagaga daydo dhinacyada dhaqanka iyo wax-soosaarka.wax badan waxaa tusaale lagu soo qaataa Qudhaanjada iyo habka ay isu maamusho isagana amar qadato , bal hada aynu wax yar ka nidhaahno dabeecadaha Shinida iyo Dukhsiga.

SHINIDA IYO FA'IDADA AY NOO LEEDAHAY.

Shinidu waa xayaan ka mida kuwa yaryar ee Balalayda ah ee duula,waxana la odhan karaa Shinidu waa xayawanaka yaryar ee Ilahay SW uu Qur'aankiisa ku xusay kagana faaloday.inkasto Tukhsiga laftiisa Qur'aanka lagu xusay.

Shinni hadad maqasho Malabna xasuuso , waxa aynu marka u horaysa ku xasuusanaa shayga ugu macaan wax lacuno oo ay inoo samayso waa Malabka,kaasi oo aynu uga fa'idaysano waxyaabo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karayn.

Shinidu waa xayawanakaa yaryar ee leh hogaaminta aadka u fiican,waana xayawaan aan marnaba ka hor-imanin amarada iyo talooyinka uu soo jeediyo hogaamiyahoodu,taasi oo ah mida ay inta badan ay horumarka ku gadheen, waana mida keentay in aynu waxbadan ka faa'idno wax soo saarkeeda.

Shinidu waxa ay ka mid tahay xayawaanka aadka u yaryar ee quuta kuna nool waxyabaha aadka u bilicda-san ee bini'aadmigu u jecel yahay waa Ubaxa iyo dhirta ,Shinidu waxa ay kasamaysaa Malabka aadka u macaan ee aynu jecel nahay , Dhirta aadka u kala gadisan ee uu ka mid tahay Ubaxu.

Waxyabaha kale ee Shinida u cadada ah ,waxaa ka mid ah in meelkasta oo ay wax bacaan ay ku aragto in ay dul-fadhiisato iyada oo ka raadsanaysa wax ay quudato,waxana la odhan karaa waa xayawaanka macaan-jecesha ah.

Shinada ku arki maysid dhaqan keedana maha in ay ku noolaato dhulka ay ku badan yihiin Kudafadaha iyo waxyabaha aan fiicnayd,Shinidu waa xayawaan aad u xarago badan oo aan jeclayn in ay ku noolaato nolol dulli ah.

Waxa aad in badan aragteen marka ay dadka qaar Shinida Malabka kala baxayaan,waxa ay ku shidaan *Qiiq ,si ay dhib la'aan ugala baxaan Malabkaasi oo aanay wax u yeelin,taasi waxa ay ku tusinaysaa in *Urta uu leeyahay Qiiqaasi ay Shinidu ka cararayso oo aanay jeclayn.

Shinida mooyaane ma jiro xayawaan iyada la itaal ah uu Dunida kusoo kordhiya wax soo saar intaasi leeg,hadaad maanta qimayso Malabka ay Shinidu samaysaa miisaanka uu Aduunyada ku leeyahay waxa aad dareemaysaa in uu yahay mid ay maanta ku shaqaystaan Campaniyo aad u waawayn uu Aduunka magac ku lahi.

Fa'idooyinka Shinida waxaa kaga marag-kacaaya ,in Malabka ay samaysaa markii uu Dunida kafayn waayay in la sameeyo Malab been abuura , taasi waxa ay ku tusinaysaa Shinidu kaalinta wax soo saar ee ay Dunida ku leedahay.

Dad yaw badan oo ku takahsusay cilmiga Shinida ,waxay yidhaahdaan xataa waxa la ogaaday in Qaniiyadeedu ay tahay daawo, khaasatan dadka qaba xanuunada ku dhaca Murqaha ,shinidu maha wax aynu halkan faladeeda kusoo koobi karayno.

KHASARAHA DUKHSIGA.

Dukhsiga malaha marka aynu magaciisa maqalno ayaba laga yabaa in aynu dib uga fadhiisano,dadku ma jecla xayawaankaasi yar ee la yidhaahdu Dukhsiga,xataa hadii qof dadka ka mida loogu yeedho Dukhsi waxa laga yabaa in uu aad uga xanaaqo.

Dukhsigu waxa uu ka mid yahay xayawanada aadka Dunida dhibatada ba'an ku haya,Dukhsi lama arko ,ilaa iyo la arko Kudaafad iyo Qashin ,dadka caafimaadka ku shaqada lihina waxaba halku dhig u ah,inta uu Dukhsigu kuu jiro ayuu caafimaadkuna kuu jiraa.

Majiro mana la helaayo aniga aqoontayda gaaban ,faa'ido uu leeyahay Dukhsigu aan ahayn khasaare iyo in uu yahay mid cudurada laga bogsoon waayo gudbiya , waana mida keentay in Dukhsiga Dunida oo dhan loo aqoon saday in uu yahay cuduro side .

Hadii aynu dhini Shinada waxa loo samaystay Companiya wax soo saar ,taas cakiskeeda ayaa Dukhsigana waxa loo samaystay Shirkado dhaqaale ku bixiya sidii loo dabar gooyn lahaa,aduunkana looga cidhib tiri lahaa ,taasina waxa ay ku tusinaysaa khasaraha dhaqaale uu uu Dunida ku hayo.

Hadii maanta Koob Shaaha uu Dukhsi kaga dhaco ,waxa laga yabaa in aad ka kacdo amma aad daadiso ,waayo waxa aad aamin san tahay ,in Dukhsigu uu yahay xayawaan cudurada la iska qaado gudbiya, ,balse lagama yaabo hadii ay Shiniyi kaga dhacdo in aan sidasoo kale samayso.

Adiga oo Gurigaga amma qolkaaga jooga hadii aad ku aragto Dukhsi ku jira, waxa laga yabaa in aad dadka Guriga jooga aad ku canaanato Dukhsigani sida uu guriga kuso galay,balse lagama yaabo hadii ay Guriga Shiniyi timaado in wax la iska waydiiyo amma laysku canaanto.

Ujeedada aan qoraalkan ka leeyahay :-

Fa'qidaadan kooban umaan-soo gudbinayn oo kaliya, in aynu wax ka ogaano hab-dhaqanka labadan xayawaan Shinida iyo Dukhsiga,balse muhiimada aan ka lahaa waxa ay tahay ,madamaa aynu nahay kuwii Ilahay Qur'aankiisa ku sheegay ee uu yidhi , لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنْسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ,(xaqiiqee waxa aanu idin abuurnay hadaad Insaanka tihiin Abuur kii u fiican)

Madamaa aynu nahay kan abuurkiisu yahay kan u fiican, isla markana dhinackasta ka dheeli tiran,ayaa hadana waxa soo baxaysa ,marka aynu caqliga iyo garadka si fiican u adeegsan wayno in aynu ka liidanayno xayawanaadka.

Maanta hadaad wadankeena u fiirsato,waxa aad dareemaysaa in ay inagu badan tahay,oo aan cidina iska xilsaarin Kudaafada iyo Qashinka oo meel walba buuxiyay,Dukhsigan aynu ka hadlaynaana waaba mid inala dhashay oo nolosheena ka wageertay.

Waxa aan xasuustaa nin aanu saxiib nahay ayaa waxa uu igu yidhi,markii aan wadanka kasoo dhoofay,ayaa waxa aan imi wadan ku yaala wadamada aduunka kuwooda ugu nadafada badan ,markii aan joogay in muddo ah,ayaa waxa aan dareemay in ay naftaydu wax ka maqan oo ay tabaysaa uu jiro.

Saxiibkaasi waxa uu ii sheegay in uu ayaamo dhan garan la'aa waxan ka maqan ee uu tabaayo,balse waxa uu ogaaday in waxa ka maqani uu yahay waxyabahii aan Urtoodu fiicnayn ee markasta laga dareemi jiray Suuqyadeena iyo aragtidii Dukhsiga.

Runtii saxiib-kaygaasi lamaan yaabin ,waayo waxa aan ogahay in waxani ab-ka-ab ay inoo noqdeen dhaqan, kadibna ay maskaxdeena ku sawirmeen,waana mida inoogu wacan in aynu maanta ka fikirno cidii Kudaafada inaga guri lahayd iyo Hay'adii inaga qaadi lahayd.

Waxa aynu nahay maanta dad looga fadhiyo in ay horumar sameeyaan , Aduunkana wax faa'ido leh ku soo kordhiyaan ,bal hadaba akhristaw labadaasi xayawaan ee aynu kor kusoo sheegnay iyamaa kudayasho mudan ma Shinida mise Dukhsiga.

W/Q.Khadar Ibrahim Aar.