SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sida loo kala cunto badan yahay, looma kala caqli badna.

Qoraalkaan kooban ayaa si diiran u taabanaayo caqli badnida iyo qiimaha cilmiga. Damcan cidwalbo ayaa og qiimaha uu leeyahay cilmiga iyo caqliga. Caqligu wuxuu qabto waanu ognahay cilmigana kaba sii daran.

Qofka jaahilka xittaa wuu ogyahay maanta qiimaha uu leeyhay cilmiga. Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaad ku qabsani kartaa caqliga iyo cilmiga. Waligaa ha u noolaanin oo kali inaad wax cunto. Sababtoo ah dad badan ayaa cilmiga iyo caqliga u isticmaalo inay wax ku cunaan.

Hadaba aqristoow isweydii meeqo qof ayaad taqaanaa oo jecel inay caqli wax ku cunaan mise leh cilmi oo jecel inay cilmiga wax ku khiyaameeyaan.

Waligaa ha u noolaanin inaad wax cunto oo kali ee u noolaaw inaad bulshada wax kusoo kordhiso. Sababtoo ah aadanaha wuxuu Illaahay swc u abuuray inay wax kusoo kordhiyaan bulshadii uu ka dhex abuuray.

"Cunto u Noole uun ha ahaannin Ee Cuntada Ku Noolaasho U Quudo" maah-maahdaan waxay leedahay macno aad u weyn, waxaana looga jeedaa in qofka uusan u noolaanin inuu wax cuno ee loo baahan yahay inuu sameeyo wax qabad balaadhan. Maxaa yeelay cuntada waxay kaa caawinaysaa inaad ku noolaato oo aad dhabarka ku adkeyso si aad ugu sii shaqeyni karto nafsadaada.

Caqliga iyo cilmiga u isticmaal inaad bulshada, dalka iyo diinta wax ugu qabato. Sababtoo ah labaduba waxaa kusiiyay Illaahay swc.

 
"Qofka bini’aadamka ah waa inuu noqdaa shaqsi wax soo saar leh. Si aad wax soo saar fiican u yeelayo waa inaad ogtahay qiimaha ay kuu leedahay inaad hesho cunto kugu filan si aad u noqoto qof wax soo saar leh.
Xigmad: Cabduljabaar Sh. Axmed

Marwalbo oo aad wax cunto waxaa wanaagsan inaad nafsadaada isweydiiso waxaad ku qabani doonto cuntadaas gashay caloolshaada. Haddii aad ogtahay qiimaha ay kuu leedahay inaad noqoto qof wax soo saar leh, waxaad ku guulaysani kartaa nolosha qeybaheeda kale duwan sidda heerka guusha aad ka rabto nafsadaada inay gaarto.
Dadku waxay u kalla horumarsan yihiin ma aha sida ay u kala cudud weyn yihiin, waase sida ay u kala caqli badan yihiin. Noolaha kale ee aan dadka ahaynna waa sida oo kale. Waana kii abwaan Xasaan Sheekh Muumin ka hadlay ee lahaa "caqligii wanaagsani itaal in uu ka roon yahay bal eegoo u fiirsadaay"

Waligaa ha noolaanin hadaf la’aan. Nolol aan hadaf lahayn waa nolol mugdiga dhex fadhida. Waa inaad marwalbo yeelataa hadaf cadeynaayo inaad tahay shaqsi nool. Markaad leedahay aniga waxan leeyahay hadaf waxaad tilmaamaysaa inaad tahay shaqsi leh shaqsiyad fiican, waxaadna u qalantaa inaad ku noolaato adduunkaan si sharaf leh, balse haddii aadan lahayn hadaf waxaad ku wareeraysaa nolosha dhabta ah ee aad u nooshahay adiga.

Waligaa ogsoonow ,sidaasi ay u kala caqli iyo cilmi badan yihiin,ayaa bulshooyinka aduunka ku noolina ay u kala hormar san yihiin.

Xigasho.Tukesomalism.com