SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Halku dhigga maanta: Bud ayaa madaxa laygala dhacayaa habeenkiina......

Dad badan oo Somali ah, ayaa waayadan danbe waxa ay soo galeen, wadamada Qurbaha gaar ahaan wadamada Yurub iyo Maraykan iwm, amma hadaan si kale u idhaahdu wadamada Gaalada.

Dadkaasi waxa ay isugu jiraan dad waawayn iyo dad dhalinyaro ah oo badan koodu ku yimi waxa loo yaqaano tahriibka, taasi ayaa waxa ay sababtay in dadka badankiisii ay la qabsan wayaan waxyabo badan oo ka mida dhaqamada laga isticmaalo wadamadani.

Aduunka cidkastaba waxa ay leedahay dhaqan iyo caado u gooni ah,oo ay u isticmaasho marka ay wax sheegayso amma ay ka waramayso,taasi oo ah wax ay isku afgartaan oo iyaga gaar u ah.

Hadii aynu nahay dadka Somalida, waxa aynu leenahay caado inoo gaar ah,khaasatan marka aynu dhakhtaradeena Somalida ah aynu uga waramayno xanuunka ina hayaa nooca uu yahay iyo kolba sida xanuunku uu inoo qabto.

Hadaba waxaa jirta in wadamada Gaaladu ay ku jaha-wareer san yihiin qaabkan waraysiga caafimaadka ,marka aynu dhakhtarada wadamadan aynu u tagno,taasina waxa ay keentay in ay isba afgaran wayaan dhakhtarkii iyo qofkii bukaanka ahaa.

Hooyo Somaliyeed oo qurbaha markaas uun soo gashay,ayaa waxa ay ka cabanaysaa xanuun jidhkeeda qaar ka mida ka haya,balse dhibtu waxa ay tahay kalmadna ha ahaatee ma garanayso luqadii wadankan ay timi.

Waxa ay xaafad jaarkeeda ah oo Somali ah ,ka dalbatay in laga caawiyo dhinaca dhakhtarka oo la raaciyo cid u turjumaanta si ay iyada iyo dhakhtarku isu fahmaan,xafadii ay tagtay dhamaan dadkii joogay waxa ay noqdeen kuwo wiigan soo socda oo dhan aan lahayn wax firaaqo ah.

Balse madamaa ay xaalka islaantu uu meel xun maraayo ,waxa la isla gartay in Inan (wiil) yar oo isagu aan baritoola wax iskuula lahayn in islaanta lagu daro ,si uu uga caawiyo danta ay u sheeganayso dhakhtarka gaar ahaan dhinaca luqada.

Markii Islaantii iyo wiilkii yaraa ay israceen,kadibna ay tikidkii goosteen dhakhtarkiina ay u galeen, ayaa dhakhtarkii waxa uu islaantii ka codsaday in ay u sheegto waxa ay ka cabanayso iyo sida loo hayo.

Islantii waxa ay hadalkii ku bilawday:-

Dhakhtaraw habeenkii oo dhan ma seexdo

Bud ayaa madaxaa laygala dhacayaa.

Korgaygana markasta waa laga dulqaylinayaa

Mararka qaarna si xoogle ayaa la ii qabanayaa

Markaliya la ima sii daynaayo ,ilaa aan miyir doorsoomo

Waa dad badan oo quruumo ah

Kadibna marka uu waagu baryo ayaa la iga fuqayaa.

Inankii yaraa madamaa uu yahay Wiilyar oo isagu ku dhashay wadamadan Galada,dhaqankeenan iyo qaabkan aynu isticmalaynana aan waxba kala socon,waxa uu dhakhtarkii ugu turjumay eraykastaaba sidii uu ahaa.

Gabadhii dhakhtarada ahayd inta ay yaabtay,oo qalinkii iyo qoraalkii ay waday ay joojisay ayaa waxa ay u fahantay in islaantanu ay ka sheekaynayso,in Gurigeeda ay dad habeenkasta usoo dhacaan ,oo ay dilaan.

Bud ayaa madaxa laygala dhacayaana waxa ay u fahantay dhakhtaradu ,macnaha waa laydilayaa oo bud ayaa layla dhacayaa.

Markii ay islaantu tidhi habeenkii oo dhan ma seexdo,waxa ay u fahan tay dhakhtaradu in habeen oo dhan ay tuug iska ilaalinayso.

Iskusoo wada duuboo ,Dhakhtaradii waxa ay islaantii u dalabtay Bolis,kadibna inta ay Adarayskii Islaanta ay Boliskii siisay ayaa waxa ay leedahay dhakhtaradii iyada oo Boliskii la hadlaysa:-

Islaantani waa ajanabi,dhawaan ayay dalka timi,waxa ay ka cabanaysaa in habeen oo dhan ay dad dilayaan,oo ay budad u sitaan,marka uu waagu baryana ay ka tagayaan,waxaan idinka codsan lahaa in bal dadkaa dilaya laga qabto oo arintaasi la baadho.fadlan caawiya idinka oo raali ah.