SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shahaadada PHD ayuu sitaa wax ha ku dooran .

Saxibayaal waxa aan halkan doonayaa in aan kusoo bandhigo,aqoonta iyo aragtida aan ka qabo kana aamin sanahay ,in aan la isku qaldin hogaaminta iyo shahadada la magac baxday PHD.

Ma-jecli in aan dhaliilo saxibadayda dadaalka aadka u badan sameeyay,kuwaasi oo ilaa heer ay ka gaadhaan in ay hantaan gacantana ku dhigaan shahadada la magac baxday PHD ,dadaal ay galeen awadeed.

Waxaa kaloo iyana aan caad iga saarayn in ay adag tahay sida lagu gaadha aqoonta lagu kasbanaayo shahadada PDH ,waxa marag madoonta ah in dhaqaale aad u badan iyo wakhti aan la qiyaasi karani uu rag iyo dumar farabadan kaga baxay sidii ay u heli lahayeen una gaadhi lahaayeen shahadadaasi PHD.

Waxa laga yaaba in dadka qaar ay isleeyhiin madamaa uu qofku sooba qaatay shahadada aduunka u saraysa,maxaa u diidaaya in uu umad amma dawlad uu hogaamiyo ,gadhwadeena uu u noqdo.

Balse ujeedada aan qoraalkan qalinka ugu qaatay waxa ay tahay ,in aynu kala saarno, oo yaanay iskaga-keen darsamin ,hogaaminta iyo shahaadada la magac-baxday PHD,taasoo lagu qaato fanni amma xirfad gaar ah.

Inta aanan wax ka taataaban shuruudaha looga baahan yahay qofka hogaamiyaha ah ee umad raba in uu madax u noqdo ,horta aan wax ka sheego oo aan ku horeeyo shahadada PHD iyo sidaa loo qadan karo amma looba qaato.

Horta muran kama taagna in ay tahay shahada-daasi mida maanta Aduunku isla aqoon san yahay,in ay tahay heer waxbarasho mida ugu saraysa ee uu qof qaato amma uu kaga qalin jabiyo jaamacad.

Balse iswaydiintu waxa ay tahay qofkaasi qalin jabiyay ,waa maxay shayga u gaarka ah ee uu ku takhasusay amma uu ku mutaystay in uu shahaada-daasi qaado ,maxay ayaa la odhan karaa qofkaasi waxa uu ku qaatay shahadada misaan kaa leh.

Hadii aan si yar oo fudud aan idiinku sheego ,waxaba dhicia karta in ninka amma gabadha qaadatay shahadadaasi aadka u saraysa ,waxaba laga yaaba in cilmiga lagu siiyay shahaadadaasi in uu yahay aqoonta *Digaaga amma aqoonta Dhismaha guryaha iwm .

Haw-qaadan in aan Digaaga amma dhismaha wax ka sheegaayo oo aan liidaayo xaasha,balse wali waxa aan daba socda ,sidii aan u kala saari lahaa, idiinna tusi lahaa in aanay sax ahayn in qofkasta oo PHD sitaa aanu hogaamiye ahayn.

Tusaale ahaan nin ayaa waxa uu soo qaatay shahadada aynu hadal hayno maanta,waxanu takhasus-kiisu yahay oo kaliya cilmiga *Hawada iyo sida ay u shaqayso loogana faa'idaysto ,waa sax waa loo bahan yahay,waanan hubaa in nin suuqa iska joogaa aanu ninkaasi ku qabsan karin cilmigaasi hawada waayo waxa uu u sitaa aqoonteedi.

Hadii aan dhan-kale wax kaa tuso,waxa aan kasoo horjeedaa qofkaasi PHD ayuu sitaa,taas awadeed waa in anu u dhiibanaa hogaanka,taasi waxa aan amin sanahay saxiib waa qalad.

Lakiin waan is-waafajin-karaa shahadada iyo hogaaminta,sidee ayay isu waafaqayaan,hadii qofka shahadada sitaa uu leeyahay garashadii hogaamiye-nimo , kartidii ,Diintii iyo aamin nimadii,waa sax waana ta aynu donaayay .

Laakiin "mayaaaaaa" waxaan sitaa shahaado PHD ee i doorta ,waxaan leeyahay ninkaasi adeer PHD astaan uma aha hogaamin-nimo,ee waxa ay astaan u yahay waxa aad ku qaadatay ee kuugu qoran.

Waamaxay hogaamini, kumaase wax hogaamin kara.

Hadii aad i tidhaahdaan wadigan qofkii shahadada aduunka u saraysay haysta aad kala lexejec-laabayso xukunkii iyo hogaamintiiye,bal hadaba waxa aad noo sheegtaa,hogamintu waxa ay tahay iyo qofka wax hogaaminayaa shuruudaha looga baahan yahay iyo shahadada uu sito.

Waa su'aal fiican, horta Maxaa la hogaaminayaa ?

Waxa la hogaaminayaa waa umad amma dal, kaasi oo loorabo in madax loo noqoda,iyada oo loo horseedaayo in dadkaasi iyo dalkaasi la gaadhsiiyo horumar dhinacyo badan leh ,sida waxbarashada Diinta, maadiga ,dhaqaalaha Beeraha,warshadaha iwm.

Waxaa kaloo loo baahan yahay in dadkaasi iyo dalkoodaasi loo sameeyo cudud ciidan mid gudo ,sida Poliska iyo mid dibadeedba sida Milatariga iwm, waayo dal aan cudud ciidan lahayni Aduunka meel gaadhimaayo.

Waa kuma hogaamiye ?

Su'aasha jawaabteedu aad ayay u fudutahay ,kaliya waxaa inagaga filan Qur'aanka khaasatan qisadii Nabi Yusuf cs ,markii uu Boqorkii xidhay ka dalbanaayay shaqada maxay ayuu yidhi? *WAXA AAN AHAY MID QAWIYA AAMINA AH.

Ufiirso labadaasi arimood,waa labada aynu ka dhimanay,qof Qa'wi ah macnaha karti leh, aqoonna u leh shaqada uu qabanaayo isla markaana ,aamina oo umada wixii ay u dhibaato ilaalinaaya.

Hadaynu doonayno in dalkeenu uu horu-mar sameeyo,waa in aynu hogaamiyaha ku xulanaa Diin ,isla markaana uu yahay mid wax badan ka yaaqana culuunta Diinta Islaamka ,karti,daacad nimo,aan qabiil hebel iyo qabiil heben aan inoo kala saarin.

Maha hogaamiye aniga dhankayga, nin af-miishaara oo af-tahanadu ka badatay kadibna dadka marka uu u khudbadaynaayo ka qosliya amma ku yidiidila galiya isuna tusa in uu yahay hogaamiye fiican.,

Waxkasta oo labada arimood lagu daraa waa naash-naash iyo qurxun ,balse hadii labadaa Nin leh la'isla helo, AWOOD IYO AAMINIMO ,waxaa hubaala in dadkeenu iyo dalkeenuba uu horumar gaadhaayo.

Waxaa kaloo hogaamiyaha fiican looga baahan yaay in uu markasta uu la tashado dadka wanaaga u saxiibka ah,balse aanu la tashan taladana aanu ka qayb galin qabqablayaasha maalinkasta TV iwm taagan ,iyaga oo ka hadlaaya qabiil iyo qolo-qolo.

Maanta Aduunku halkuu marayaa:-

Waxa aan maalin dhawayd waraystay nin dhalinyaro ah,waxa aan waydiiyay hadiiba maanta talada dalka laguu dhiibo ,oo lagu yidhaa waxa aad u samaysaa dalka nin hogaamiya ,nin sideeya ayaad keeni lahayd??

Waxa uu iigu jawaabay,aniga ak-tayda waxaa ku wayn oo aan keeni lahaa nin Laacib ah oo kubada sida Cidhibta loogu celiyo yaqaana,waayo waxa aan ogahay laacibkaasi in uu dhalinyarada codka helaayo!!!

Ninkaasi dhalinyarada ahi,masiirkii dalka iyo umada waxa uu wax ku qiimeeyay Kubad,anigu lamaan yaabin waayo waxa aan ogahay in maanta aduunka xaalkiisu halkaasi maraaayo.

Waxa aan ka warhayaa in madax badan oo maanta aduunka joogta lagu doortay waxaasi iyo wax kasii liita,taasina waxaa inoogu wacan aqoonta aadka u liidata ee aynu u leenbahay Diinteena Islaamka waayo Diintu waa Indhahii ku tusinaayay kuuna tilmaamayay waxa fiican iyo waxa xun.

Hadaba waxa aan hadal-kaygan kusoo gaba-gabay-nayaa ,maanta dalkii waxaa ka jira doorasho,ragga tartanka ku jirana waxa ay ila tahay in aynu qaarkood si fiican u naqaano,qaarka kalana ay inooga baahan yihiin jirabaad iyo in aynu tariikhdooda dib u raacno.

Hadaba Muwaadin hadii aynu nidhi ninkii PHD-da sitay xaalkiisu waa sidaa ,una diidnay dalkii in uu xukumo ,bal waxa aad ka warantaa kan aan waxba sidan ee kula hortaagan waxa aan ahay qabiilkaga,ee igu dooro,sidee ayay wax inoogu hagaagayaan saw xaalkeenu bariga dhexe maahan .

Wabilaahi tawfiiq.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar