SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Somalidu maxay uga caado dhigataa isku sawirka dhulka cagaaran.

Inta badan waxa aynu aragnaa, in dadka Somalidu marka ay sawir galayaan, amma ay isa sawirayaan waxa ay raadsadaan oo ay dhabarka saraan, goob doog iyo cagaar leh hadaba maxay ayay tahay sababtu.

Miyanay jirin waxkale oo quruxda sawirka lagu muujiyaa ,mise inaga ayaa macna gaar ah uu inoo samaynayaa hadii aynu nahay Somali ,malla ogaan karaa macnaha ugu wayn ee inagu kalifaaya in aynu ka caado dhigano isku muujinta goobaha cagaarka leg.

Hadii aad maanta wadankii joogto iyo hadii aad ka maqan tahay oo aad ku nooshahay wadamada dibata,qofkasta oo Somaliya hadaad inta aad Kamarad amma Mobaylkaga aad u dhiibto, kadibna aad ku tidhaahdo i sawir ,markaba waxa uu eeg-eegayaa hareeraha isaga oo raadinaya goob uu kugu sawiro oo doog iyo dhir leh ,xataa haduu waxkale kuuwaayo Geed ayuu dabada kuu sarayaa.

Waan ogahay quruxda iyo farshahanimada kasoo baxaysaa marka goobaha dooga ah la isku sawiro iyo faa'idada ay leedahay,wanan garan karaa oo ma halmaansani in dooga iyo ubaxu uu yahay wax aad u qurux iyo shacni leh.

Balse arintani inta badan innaga ayay inoo gaar tahay , sawirkasta oo qof Somali ahi uu ku jirana waa Habeenkii Xalay tagay in aad ka waydaa Doog iyo Ubax Qurxoon oo hareeraha amma dhabarka ka yaala,hadii adan aragba iyaga oo Dooga dhexdiisa jiifjiifa.

Bal u kuur-gal, dad-yawga kale ee Aduunka inagula nool,sawirada iyo qaabka ay u galaan waxa kuusoo baxaysa in aynu kala dhaqan duwanahay , faraq-waynina uu inoo dhaxeeyo, ojeedadaydu maaha maxaynu isugu Sawirnaa dooga,balse ujeedada aan qoraalka ka leeyahay waxa ay tahay ,in aan ogaana waxa inagu xanbaaraya in aynu sidan yeelno.

Ilahay SW waxa uu Aduunkan dhigay waxyaabo badan oo la isku qurxin karo,mararka qaarna laba odhan karo malaha waxa ay ka bilic fiicnaan lahayeen Dooga,sababta oo ah hadii sawirkasta oo aad gashaa uu noqdo mid doog mooyaane aan waxkale ka muuqan,adiga laftaada ayaa ka xiisa beelaaya .

Buuraha iyo dhulka biya-mareenadu waa waxyabaha iyaga laftoodu sawirada *bi'la amma qurxiya ,xiliyada cadceedu sii dhacayso amma ay soo baxaysaa waa wakhti aad ugu qaali ah qofkii raba in uu sawiro qurxoon galo,balse inagu xiligaa wabaynu horudnaa ,Buurahana sidoodaba xisaabta inooguma jiraan.

Waan ogahay in dhulkeenu aanu lahayn durdur iyo wabiyo ,balse hadana xataa kuwii Somalida ahaa ee yimi dhulalka aadka u leh durdurka iyo wabiyada, ayaa iyaga laftoodu Geed cagaara dabada la galaya .

Hadaba markii aan u kuur galay, sababta inoogu wacan ka caado dhigashada dooga amma cagaarka, in ay sawiradeena oo dhan ay ka muuqdaan, sawirkasta oo qof Somaliyii leeyahayna aad aragto %90 isaga oo Geed amma Doog dabada kula jira.

Waxaan is idhi waxaa inoogu wacan:-

Waxa aynu nahay dad dhaqan ahaan kasoo jeeda reer guuraanimo , ahna dad dhaqda xoolaha sida Geel,Adhi iyo Lo,da , waxa kaloo aynu nahay dad ku noor oo Ilahay ku abuuray dhul inta badan *oomane ah, roobabkuna ay ku yar-yihiin .

Waxa aynu nahay dad dhulkoodu u badan yahay dhul aan cagaar iyo doogtoona aanu wakhti aad u badan aanu ku oolin ,marka laga reebo xiliyada Gu'ga ee uu Roobku inoo da'o ,taasoo iyada lafteedu ah wakhti kooban.

Waxa aynu nahay dad xiliyada dhaqan ciyaareed-koodu uu yahay amma uu ku sar'go-an yahay xiliga Gu'ga ee uu Roobab-ku ay da'aan , inta kale sida Ra'ha Dhoobada ku dhagan ,waxa ay nu nahay dad dhaqankooda soo jireenka ahi uu ku salaysnaa in ay is-guursadaan oo kaliya marka Roobku da'o Xoolahuna ay dhalaan ,dhulkuna uu cagaar noqodo ,oo dooga iyo dareemadu meelkasta ka muuqdaan.

Waxa aynu nahay dad xataa hadii ay dagaalo iyo colaado isku qadayaan ,bilaaba marka ay caanaha geela dhamaan ,waxa aynu nahay dad heesaha iyo gabayadooda dhaqanka ay ka buuxaan marka aynu wax faaninayno,Dooga,Dhirta iyo barwaaqada.

Bal ila xasuuso heestii:-

Sida Geed caleenloo

Ubax guudka qariyoo

Oo gooni laamaha

aymidiba geesteed

hoobaan isgaadhiyo

Guntin midha ah leedahay.

Waxaasi oo dhami waxa ay ina tusayaan, sida markasta aynu ugu bohol'yawga nahay, Dooga iyo Dhirta,waxa kaloo iyana meesha ku jirta ,madama wakhtiyo badan ay inagu soo noq-noqdaan abaaraha iyo Biya-la'aanta , dhulkuna uu noqdo mid aanad indhaha siin karin, fool xumo awadii, markaas xaq ayaynu u yeelanay in meelkasta oo aynu Doog iyo cagaar ku aragno in aynu sida Dabagaalaha dabada galino.

Waxa aan qoraalkan ku soo gunaanadayaa ,madamaa aynu nahay Somali abaarta iyo xaalufkuna inagu badan yahay,tariikhna u lahayn awoow-ka awaaw, xaq ayaynu u yeelanay in aynu sawarideena ku muujino cagaarka iyo dooga yar ee hadba meel inooga iftiima.

Wabilaahi tawfiiq waa uun aragtidayda gaaban.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com



W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar