SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Way isoo korisay iyada oo i moodaysa Ilmaheedii !

Dagalada iyo durufaha kala gadisan ee dalka wakhti aad u badan kasoo dhacayay ,waxa ay noqodeen kuwo umada gaadhsiiyay dhib aanay kasoo kaban karin,taasi oo ilaa iminka wali ay ku kala maqan yihiin qoysas iyo dad yaw aad u fara badani.

Waa subax Jimca ah,waxa aan ku socdaa Masaajidka iigi dhaw xaafada aan deganahay,waxa aan soo raacay baska,waxyar ka bacdi waxaa isna Baskii soo fuulay nin dhalinyaro ah oo Somali markaasi ila muuqday, intaanu meelkale fadhisan ayaa waxa uu yimi kursigii agtayda ka banaana.

Markii u horeeyay ee uu fadhiistay,ayaa waxa uu igu yidhi ma Somali ayaad tahay? kadibna waxa aan ugu jawaabay haa,waxa uu ii xigsiyay,waxa aan u malaynayaa in wajigaaga aan meel ku arkay.

Aniga oo la kaftamaya ayaan waxa aan ku idhi "wajigayga halkee ayaad ku aragtay oo aan kaga imi amma kusoo ilaabay" inta uu qoslay ayaa waxa uu yidhi ,maya taas Adeer ugama jeedin macnaha ,waxaad ilaa muqataa in aad tahay nin aan baraha warbaahinta ku arkay.

Ninkii dhalinyarada ahaa si fiican ayaanu isu fahanay,kadibna waxaanu wada tagnay masaajidkii,markii aanu salaada kasoo wada baxnay, ayaa waxa uu iga codsaday in duruufo noloshiisa soo maray in uu iiga sheekeeyo,taasi oo aan ka ogolaaday.

Waxa uu iiga sheekeeyay qiso iyaab galisay ,aadna aan u jeclaystay in aan idiin soo gudbiyo,aniga oo isagana ka idim dalbaday ,madama uu yahay qofka ay shekadani khusayso.

Waa qiso xanuun badan oo si dhab ah usoo martay,waana tan:-

Waxa aanu deganayn aniga iyo qoyskii aan ka dhashayba sida la ii sheegay magalada Muqdisho,waxaa magalada ka dhacay dagaladii Maxamed Siyaad Barre lagaga saarayay Muqdisho.

Waxaa dhacay Qax iyo kala carar aad u xun,dhamaan reerkayagii midkastaaba markii uu u adkaysan waayay xabbadii iyo qoryahii xooga waynaa ee dhacayay,waxa uu u cararay meeshii uu islahaa waad ku bad-baadaysaa.

Aniga waxa iyada oo dhabarka igu sida ila carartay Hoyaday macaan , waa sida aan wararka ku helay wakhti danbe,nasiib xummo iyada oo hoyaday dhabarka igu sida,ayaa waxa ku dhacay xabad taasi oo keentay in ay halkii ku geeriyooto Hoyaday aniga oo wakhtigaasi dhabarkeda saaran .

Madamaa ay dadku markaasi ku sugan yihiin xaalad kala guur ah,isla markana aanu qofna qofkale aanu u arxamayn,waxaa maydkii hooyaday iga dulqaaday aniga ku fooldhaqday dhiigii hoyaday ka yimi , dadkii dagalada ka cararayay qaar ka mida ,waa sida wararku igu soo gadheen markii layga sheekeeyay .

Dadkii i qaaday waxa ay iila qaxeen dhinacaa iyo magalada Kismaayo,halkaasi lafteeda waxaa nagu qabsaday dagaalo,balse hadana danbaa na dhigtay ,waxa aan la noolaa dadkii markaasi maydka hoyaday iga dulqaatay.

Dhib-kastaaba haysoo gaadhee waxa aan noqday nin Todoba sano jira, waxna si fiican u kala garanaaya,waxa aan dareemay in reerkan aan la joogo aanu ahayn kii aan ka tafiirmay,macnaha hoyaday iyo Abahay.

Waxa aan maqlaa markasta oo dhagahayga kusoo dhacaaya ,hadalo tilmaamaya in ay i heleen ,balse aanan anigu ka mid ahayn qooyskan,taasi ayaa waxa ay i galisay dareen iyo farxad la'aan ,waayo marnaba maskaxdayda maan galin in qoyskani ay yihiin mid meelahaasi iga soo helay.balse muddo yar ka bacdi ayaa Islaantii isoo qaadatay waxa ay iiga sheekaysay,xaalkii an ku sugnaa markaasi ay isoo qaaday.

Hadaba iyada oo Dareenkii iyo cabsidii ay aad iigu beeran tahay ,ayaa waxaaba geeriyootay oo tii Alleh u timi Islaantii isoo korsatay ee Hoyadayda Labadaan ahayd,taasina waxa ay igu soo kordhisay culays labaad.

Waxa aan waaway cid ii arxanta,waxa aan waayay cid ii gargaarta, waxaa igu bilaabmay warwar iyo walbahaar,dadka markaasi Guriga aanu ku wada nool nahayna waxa ay noqdeen kuwo ka warhaya xaalkayga iyo sida aan guriga ku imi ,taas awadeed waxa ay i galiyeen geesta,waxaanay ii mujiyeen nacayb-shiiyo aad u badan.

Nafi orod ayay kugu aamintaa ,waxa aan go'aan saday , madamaa aan in badan dhagaha ka maqlay in deegaankaygu ahaa Xamar in aan ku noqdo oo aan gaadhi u raaco.

Maalin maalmaha ka mida ayaan waxa aan soo raacay,faamli u guuraaya ,magalada Muqdisho ,waxanan ka codsaday in ay i caawiyaan,si aan muqdisho ugu tago reerkayagii kadibna way iga aqbaleen baaburkiina waa ay isoo saareen.

Markii aanu magalada Muqdisho nimi kana dhaadhacay Babuurkii,qofkastaana uu goobtii iyo gurigii uu ku socday uu tagay,saacaduna ay tahay abaara habeen badhkii ayaa waxa ay duruuftu igu kaliftay in aan habeenkaasi Gidaar seexdo .

Markii waagii baryay ayaan waxa aan tegay goob makhaayad ah oo laga cuntaynaayo,ma haysto wax lacaga,mida kale waxa aan ahayn inanyar oo cid iyo ciiirsi toona aan lahayn,waxa i haysa Gaajo aad u ba'an.

Markii aan galay Makhayadii ,qofkasta quraac ayaa hortaala ,Ilahay amarki isma ogi ,hadana qofkasta oo cunto afka galiyaba waxa aad mooda in uu afkayga ku wado,dadka qaar ka mida ayaa anoo arkaaya cuntada ku saxanaaya,malahayga waxaan is idhi waa cawriday ,xaqna waan u lahaa.

Aniga oo joogahaa maqan ah, ayaa halmar waxaa madaxayga ka yeedhay dhirbaaxo aanan garanayn meel ay ka timi iyo sababta laygu dhuftay ,waxkale kuma garatide sida Orgiga ayaan jalaaday(qayliyay) xanuunkii ay lahayd, kadibna sidii qof miyir doorsoomay ayaan dhulka ku dhacay.

Cid ii naxariisatay ma jirto,waxa aan xasuustaa iyada oo dad badan oo makhayada ka cuntaynaya ay leeyhiin naga saara ciyaalkan,waa aniga iyo koox sidayda u baahan in la daryeelo, waxaa la isoo tuuray markiiba aniga oo dawakhsan dibada.

Been idiin sheegi maayee gaajo awadeed xataa waan ooyi kariwaayay,ma jirto afkayga wax candhuufa uu ku jiraa,dibnaha ayaa i qalalay,dhib kasta hayga gaadhe hadana kamaan hor dhaqaaqin Makhayadii,waayo waxa aan dugsanayaa Urta iyo carafta kasoo baxaysa cuntada.

Markii aan arkay in aan goobta la iiga naxariisanayn ayaan waxa aan u aag badashay Makhayad kale,sidii ii cadada ahayd aniga oo aan is ogayn ayaan dhex istaagay goobtii laga cuntaynayay.

Markii aan arkay in aanay jirin cid marqudha dhankayga soo jaleecaysaa,ayaa aniga oo aan isogayn waxa aan cantoob-saday cunto uu markaasi nin oday ahi faraha kula jiray,caqli xumo ismuu odhan waa caruur gaajo waddo,isla sidii hore waabu igu garaacay Ushuu sitay,markan wax badan oo xanuuna maan dareemin madamaa aan hal mar afka wax gashaday.

Muqdisho caado uma lahayn jirin naxariisdarada intan leeg, balse waxa magalada markan ka jira ,xaalado dagaalo oo aad u badan,taasi ayaa waxa ay keentay in aanu qofna yar iyo wayn toona aanu hoos u eegin.

Waxa aan sidaasi kusoo nolaa ayaamo aad u fara badan, waxyabahaaan aadka u xasuusto waxaa ka mida ,waxa aan tagaa wadada babuurta si aan u Dawarsado(tuugsado)baaburkasta marka aan garab istaago waxa dhacda inta badan in ay daqadaha iga dalacdaan,calashaan in ay iga qashafayaan,waayo ma xidhni dhar fiican cawradayda ayaa dibada taala.

Waxa aan seexdaa agagaarta wadooyinka iyo darbiyada ,inkastoo wadanka oo dhan xaalad dagaal ay ka jirto, hadana mararka qaar marka aan arko caruur Abahood amma Hoyadood la socdo waa aan ilmeeyaa ,waxanan iswadiiyaa halka ay waalidkay ku danbeeyeen.

Maalin maalmaha ka mida,ayaa aniga oo goob Makhaayad ah,albaabkeeda taagan,kana sugaaya in aan ka helo cunto ay cidii soo hanbaysay ,ayaa waxa aan maqlay Idacad ka dhex hadlaysa Makhaayada gudaheeda oo leh ,waa in caruurta loo naxariistaa.

Markii aan maqlay nin leh caruurta ha loo naxariisto,ayaan aad u farxay, waxa aan u tagay ninkii makhayada maqalkeeda hayay ,waxa aan ku idhi adeer ninkani halkee ayuu jogaa leh caruurta ha loo naxariisto,ma ii sheegi kartaa.

Kadibna isaga oo aan u fiirsan su'aasha aan waydiiyay waxa ay tahay ,ayaa inta uu dib ii riixay,waxa uu igu dalbaday in ay dibada ii saraan shaqaalahii Makhayada,kadibna dibada laysoo tuuray.

Dantii iyo duruuftii waxa ay igu khasabtay in aan suuqyada ka dawarsado, waxa aan jidhkayga ku sameeyay nabaro si ay dadku iigu naxariistaan,marka aan nabarada iyo dhawacyada isu gaysanaayo waxa aan tagaa meel darbi ah oo aanay markaasi dadku iga arkayn.

Maadama aan ahay caruur ,balse aanan wali wax saaxiba duruuftu i barin ,waxaa markasta dhaqalaha yar ee aan dawarsiga ku helo iga qaado kooxo iga waawayn ee sidayda kusoo koray rafaad,taasi waxa ay keentay in maalinba aan meel cusub amma suq cusub aan u tuugsi tago.

Duruuftii iyo darxumadii hadana waxa ay ii gaysay in aan noqdo Tuug dadka wax xada,waxa kaloo iyana noloshaydii kusoo biiray balwada loo yaqaano *Xabagta, waxa aan ka gudbay noloshii markaasi aan ku jiray ,waxa aan noqday nin ka caan ah kolba aaga uu joogo,cid isii firdhisa mooyaane wali maan arin cid isoo dhawaysa.

Markan cimrigaygu waxa uu joogaa ugu yarayn Laba iyo toban sano,waxaa iga guurtay naxariistii ,waxa aan noqday mid hadii maal Nabi csw uu kusoo baxo aan bixinin ee afka u dhigta,waxa aan noqday darjiif kii u xumaa .

Iyada oo noloshaydu ay halkaasi marayso ,ayaa maalin maalmaha ka mida ,ayaa waxa meel aan jiifo soo istaagtay gabadh markaasi aanan garanayn,aniga oo labada indhood is-daba dhigaaya ayaa waxa ay igu tidhi, ma waxa aad tahay hebel? waxa aan iska idhi "haaaaaa"

Gabadhii inta ay barooratay ayaa si degdeg ku jiro gacanta ii qabatay,kadibna waxa ay iila dhaqaaqday halkii markaasi gurigeedu ahaa,anigu waan yaabanahay, balse ujeedadaydu waxa ay tahay oo kaliya in aan hele cid aan la noolaado,inkastoo aan noqday nin nolosha si aad ah uga dhacay, hadana igama maqna dareenka iyo fikirka igu jira in aan mar uun nolol heli doono.

Akhristayaal aniga ayaa markaa waxa aan waydiiyay ninkii dhalinyarada ahaa ,gabadhan aad racday,maxaad u malaysay in ay kaa rabto amma ay kugu qaldaysaa.waxa uu iigu jawaabay:-

Madamaa magalada dagaalo ka dheceen ,waxa aan dareemay in ay raadinayso ilma yar oo muddo hore ka lumay,balse aan anigu ula eekoonaaday,kadibna gabadhii markii ay gurigeedii i gaysay,ayaa waxa ay ii diyaarisay,biyo aan ku maydho iyo cunto aan cuno.

Bal u fiirsoo gabadhaasi intaa ay wax ii diyaarinayso waa ay ooyasaa,waxa hadaladeeda ka mid ah ; bal caynkuu noqday eega,ma sidanuu ku danbeeyay hebel,waxa markaaba maskaxdayda kusoo dhacay in gabadhan uu ka maqan yahay Ilama yar oo ka halaabay waxa ay kolba ku soo celcelinaysaa Ilamaha ka maqan magaciisa,taasi oo aan aniguna ka fa'idaystay kadibna aan magacii u sheegtay.

Saxibayaal waxa ay gaadhay gabadhaasi in ay gacanteeda iigu maydho,waxkasta oo aan rabana ii samayso,iyada oo markaasi ii haysata Ilmahay dhashay ,aniguna waxa aan isu diyaariyay laga bilaabo iminka in aan noqdo Ilmihii yaraa ee ay gabadhaasi raadinaysay.

Noloshaydii waa ay isbadashay,waan fiicnaaday,farxad iyo waxa aan ku noolaaday daryeel cusub,gabadhii iyada ahayd waxa ay noqotay hoyadaydii sadaxaad ee aan lasoo kulmo,waxa ay iiga sheekaysay ,sidii aan kaga lum yaraan taydii !! ,madamaa ay ii haysato Ilmaheedii yaraa.

Waxa ay iiga sheekaysay sidii ay Aabahay ku kala tageen iyo halka uu hada ku maqan yahay "waa marka ay ii haysato wiilkii yaraa ee ay dhashay" waxa ay igu tidhi waxa uu Abahaa ku nool yahay wadanka Yemen ,waxa ay gabadhii noqotay mid aniga uun iga fikirta habeen iyo maalin.

Aniguna madamaa aanan horeba u aqoon cida aan ahay iyo qabiilka aan kasoo jeedo,wakhtigii dagaladana ay Hoyaday ku dhimatay ,reerkayaga intii kalana aanan garaynayn meel ay ku nool yihiin ,waxaa dantu igu khasabtay in aan gabadhan u muujiyo in ay hoyaday tahay aniguna aan wiilkeedii ahay.

Markasta oo qabiilka iyo cida aan ahay la i waydiiyo waxa aan sheegtaa qabiilka hada ay iigu abtirisay hoyadayda cusubi, waxa aan ku abtirsadaa ina hebel-hebel oo ah ninkan Yemen ku maqan ee ay Hoyadayda sadaxaad ii sheegtay.

Akhristayaasha sharaf ta lahaw waxa aan gaadhay xilli aan noqdo nin wayn,da'daydu markan kama yara 19 sano,Ilahay mahadi ha ka gaadhee Balwad iyo darxumo waa aanu kala raysanay,aan faane ilayn nin qurux u shashay ayaan ahee waxaa soo ifbaxday bilicdaydii shacnigii iyo wanagii aan lahaa ayaa dibada loo soo saaray.

Ma jirto waxbarasho la taaban karo madamaa wadanka ay dagaalo ay wali ka socdaan,hadana waxa aan ku dadaalay in goobaha gaarka loo leeyahay aan Buug iyo qalin u qaato,oo aan anigu iskay wax isu baro.

Waatan markii ay iigu naxdinta badnayn:-

Saxibayaal maalin maalmaha ka mida ayaa Hoyadaydii sadaxaad waxaa looga yeedhay goob talafoon,waxana lagu yidhi aniga oo maqlaaya waxa ku doonaya hebe-hebel oo markaasi ah ninka aan aabaha macmalka ah ugu qoraa ee joogay Yemen.

Hoyadaydii sadaxaad inta ay isoo eegtay ayaa waxa ay tidhi,ina mari waxa aynu tagaynaa goobtaasi talafoonka,waxa kasoo hadlaaya Abahaa,waanu israacnay,inta aanu dhexda kusii jiro ayaa waxa ay iskula hadlaysaa ,iyada oo aniga igu soo hal-qabsanaysa "ma markii aan helay inankaygii yaraa ee aan koriyay kuna tabcay ayuu hada ila soo hadlayaa,alla kaasi doqonsanaa iwm .

Waxa aanu soo fadhiisanay goobtii,waxa soo garaacay Telafonkii Abihii Yemen ,waxa uu hadal ku bilaabay isaga oo hoyadayda sadaxaad la hadlaaya,ma sidaasi ayaad hooyo ku tahay,maxaad Inankaagan yar marqudha ula soo hadli wayday!

hoyadaydii sadaxaad waa ay naxday kadibna waxa ay tidhii?" inankeeeeeeeee"

Abihii waxa uu ku celiyay isaga oo xanaaqsan, malaha inanba maad dhalin!

Inankaagii yaraa ee hebel goormaa kuugu danbaysay ?

Magaca la sheegayaa waa kaygan iminka aan ku qoranahay dadkuna ii yaqaano.

Hoyadii waxa ay ku celisay ,waa maxay inanka aad sheegaysaa?kumaan fahmin.

Abihii oo yaaban ayaa waxa uu mar sadaxaad ku yidhi,malaha waa lagu guursadoo waxa aad isku qaldaysaa inankii yaraa ee aad aniga ii dhashay iyo midka-kale oo aad nin kale u dhashay,anigu waxaa aan ka hadlaya waa hebel, wanan kan ila jooga ee la hadal!!

Kadibna sidii aan wax kale uga sugaynay waxaba Talafoonkii qabsaday wiilkii yaraa ee aan booskiisa ku jiray,kuyee "Maama keef xaal,sidee tahay maxaad markaliya ila soo hadliwayday,aniga aabo ayaan ka jeclahay waad i nacday.

Hoyadii wali waa ay naxsan tahay,qalbigeedu ma joogo,waa ay isku darsan tahay,mar aniga ayay i eegtaa marna waxa ay dhagaysataa talafoonka,sidoo kale dadkii oo dhan ayaa yaaban!

Balse akhriste markii Abihii iyo Hoyadii ay si fiican isu waraysteen,waxa soo baxday in ilmahan yar ee ay moodaysay in uu ka lumay in uu Abihu la baxsaday iyadana aanu u sheegin.

Waxaa taasi nagaga sii daraa dadkii goobta Talfonka jogay,oo aniga si fiican ii yaqaanay iguna tirinayay reerkan hada xaalkiisu fashilmay in ay yaab iyo amakaag ka qadeen arinta,waxa iyana goobta joogtay oo fajac kala tagtay gabadh aanu sheeko wadaag lahayn,iina haysatay faamligan.

Waxa aanu kusoo noqonay Gurigii,durba mooralkii iyo farxadii hoyo nimo ee la ii hayay waa ay yaraatay,kalgacalkii iyo yididiladii i haysayna waa ay is dhintay,gurigii aan ku noola waxa uu noqday mid loo soo sheeko doonto,oo dumarku is waydiyaan sida ay wax u dhaceen.

Xafadii aan deganaa ayaa la'igaga sheekaystay,culays ayaa igu soo biiray,maalintii danbe Hoyadii waxa ay iigu jawaabtay,waxbadan ayaan ku soo koriyay oo aan ku moodayay Ilmahaygii,balse maanta Ilmahaygii waan helay,adigana intii aan wax kusoo taray Ilahay ajar iyo xasanaad ha iga siiyo,adigana waxaan kugula talin lahaa,Lacagtan qaado wadanka ka Tahriib kana tag anigana hay ilaabin.

Akhristayaal sidaasi ayaan wadankii kaga soo tahriibay kuna imi wadamada Yurubta,waxanan idiin sheegayaa in Hoyadaydii sadaxaad ee isoo korsatay iyo Inankii isaga ahaa ee aanu isku qaldanay iyo Abihii dhalayba aanu ilaa hada wada xidhiidhno iskana warqabno.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com
W/Q-Khadar Ibrahim Aar.