SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

WhatsApp sir malahee yuu ku sahayanin.


Wakhtiyadan danbe ee casriga ah waxaa so shaacbaxay, isla markana ay aqoonta tiknolajiyadu ina gaadhsiisay in aynu ku wada hadalno inaga oo yar iyo inaga oo tiro badanba ah aalada casiriga ah ee loo yaqaano WhatsApp .

WhatsApp waa aalad casiriya oo ka mida waxyabaha wakhtiyadan danbe lagu sameeyo xidhiidhka dad waynaha,aaladani waxa ay sahashay in dadyawga kala fog ee ku kala dhaqan daafaha aduunka ay ku wada xidhiidhi karaan.

Marka aad eegto ,waxyabaha ay aaladan WhatsApp ay fuday-disay, waxa aad dareemaysaa in ay tahay mid loo baahnaa,waxa ay sahashay , in dad yaw kala jooga wadamo kala wada gadisan,in ay ku kulmi karaan kuna samaysan karaan is-gaadhsiintan gudaheeda Ururo, guddiyo iyo kooxo ay danahooda ku qabsadaan.

Is-gaadhsiinta WhatsApp waxa ay qayb laxaadle ka qaadatay qadhaan ururinta dad wayne isku dan ah, balse aduunka daafahiisa ku kala wada firidhsan, Is-gaadhsiintani waxa ay sahashay is xog waraysi iyo iska warhaynta bulshada gudo iyo dibadba.waxa ay wax badan ka tartaa gurmadada abaaraha iyo bahiyaha degdega ah.

WhatsApp-ka faa'iidooyinkiisa waxa ka mida ,waxa isku barta isuguna yimaada dad badan oo aan hore isu aqoon iyo qaar wakhtiga iyo waayihu uu kala lumiyay,kadibna halkaasi waxaa ka dhaco isbarasho iyo isu-boholyoow.

Dhibaatoyinka WhatsApp:-

Ma odhan karto is-gaadhsiintani iyada ayaa sideedaba wadata dhibaatoyinka ,balse waxa soo baxay in is-gaadhsiintii ay dad badani u isticmalayaan dhinaca xumaanta iyo iska horkeenka bulshada ,taasi oo waayadan danbe aad arkayso in ay bulshada kusoo badanayso.

Waxyabaha kale ee is-gaadhsiintani ay leedahay waxa ka mida shirarka iyo wada hadalada inta badan ka dhacayaa maha kuwo ay ku kulmayaan dad isku *gireedh ahi ,balse waa dad ay isu keentay arimo qabiil ,kuwaasi oo ka kooban ,dhalin-yaro, dumar,odayaal,siyasiyiin,culimo iyo bulshada inteeda kale ,waana ta keenta inta badan ,in markasta uu fashilmo kulamadaasi lagu qabto WhatsApp-ku.

Waxa laga yabaa in aad ila-aragteen, inta badan kulamada WhatsApp-ka lagu qabtaa ma yeeshaan hogaamin si fiican looga amar qaato,taas waxa aan uga jeeda waxaa badan khilaafka iyo amar-diidada lagu samaynaayo hogaaminta shirka ,waxaana u sabab ah, madamaa dadka kulankan kuwada jiraa ay yihiin, dad aan is-arkayn oo Indho-la'aan ku wada sheekaysanaaya ,arin kooduna uu yahay "dhagaha uun igala-soco" markasta waxa badanaaya khilaafkooda.

Hadiiba ay dhacdo ,in dadka furaha add-minka hayaa, in ay ka fikiraan in ay dadka ku wacyi-galiyaan in la ilaaliyo an-shaxa iyo as-luubka shirka,waxa lagayabaa in dadka qaarkii ay ka xanaqaan ,taasina ay sababto in ay shirkaba ka baxaan,iyaga oo taabanaya xarafka yar ee *clik amma block, bal-adba dib usoo qabo.

Waxaa kaloo iyadana wax lagu qoslo ah,in dadka qaar ay usoo madadaalo doontaan goobtaasi ,iyaga oo markasta soo dhigaya waxyaabo aan khusayn madasha danta loo furtay ,iyaga si daran-doori ah usoo dhigaaya waxyaabo anshaxaba ka baxsan.

Dhinaca Sirta:-

WhatsApp marka ay ku wada hadlayaan dad isku dan ahi sida urur,guddi,koox iyo qabiil , ku kala nool aduunka dafahiisa ,waxa uu la mid tahay dad ku wada sugan hal guri amma hal qol oo kaliya.

Hadaba miyaanay wax lala yaabo ahayn, dadka iyaga oo ka mid ah kooxahaa dantu ay ka wada dhaxayso, hadana sida qaldan ee danbiga ah inta ay codkii dadka qaar ka mida soo duubaan , geeynaaya goobaha bulshadu ay ku kulanto.

Waxa aynu maalin-kasta aragnaa, amma aynu maqalnaa ,qof madaxa oo magac-leh oo layaqaano, oo hadalkii uu ka jeedinaayay WhatsApp-ka gudahiisa isla markana uu kula hadlayay dadkiisa,qabiilkiisa iwm ee sirtana ahaa ,in dibada losoo qaado oo lagu fadeexadeeyo.

Waxa aad ogataa qof-kastawba ,in marka aad reerkaga ,amma Groupkaga ,aad la hadlayso ,waxa aad kula hadlaysaa waa wax sir ah,maaha wax dadka oo dhami kula wadaago ,xaqna uma laha in ay dadku kula wadagaan iyo in ay ogadaan.

Waxkasta oo sir laga dhigay, macnaheedu waa in aan cidkale ogaan, ,waxa aad in badan maqasheen ,wax la-yidhaa shir al-baabadu u xidhan yihiin ,wax uun looga jeedaa ,in la diidan yahay in dadka loosoo bandhigo,iyada oo lagaba yaabo in ay dantoodu ku jirto.

Qofkasta oo inaga mid ahi marka uu la hadlaayo qabiilkiisa ,ururkiisa amma cidkasta oo ay sir-wadaag leeyihiin ,waxa hubaala in uu kula hadlaayo, hadalo xanaf iyo uurkutaalo ku noqonaaya dadka kale ee aan ka midka ahayn.

Wakhtigan xaadirka ah ,WhatsApp-ku waxa uu inoo noqday ,aalad ay ku kulmaan kuna wada hadlaan cidkasta oo isku qabiil ahi,waxa uu noqday goob caan ah oo lagu wada sheekaysto ,la iskuna waraysto,shar iyo khayrba lagaga wada hadlo.

Waxyabaha aadka u yaabka badan ee uu WatsApp-ku leeyahay waxaa ka mid ah,dadka qaar marka ay shirarka joogaan aan hadli karin talana soo jeedin karin,ayaa marka ay aaladan ku jiraan,ayaad ka yaabaysaa guubabada iyo xamaasada ku jirta.

Waxyabaha kale oo qosolka ah ee WatsApp-ku uu leeyahay waxaa ka mida,waxa is-gaadhsiintan ka wada hadlaya dad aan intooda badani aanay is aqoon,isku rayi iyo isku fikirna aan ahayn .

Waxa kaloo iyana meesha ka muuqada in markasta dadkaasi aanay haysan wakhti ku filan oo ay arimahooda si fiican ugu gorfeeyaan ,taasina waa mida markasta keenta in sherarkaasi oo muddo yar shaqeeyaan.

Waxyabaha aan inta badan dadkeenu dhaadin ee ay leeyhiin isgaadhsiintaasi waxa ka mid ah, in siirtooda ay hayaan dadka amma shirkadaha iska leh aaladani aynu ku wada xidhiidhayno ,taasina ay mustaqbalka keeni karto dhibatooyin.

Waxaa fiican in ay Ilahay ka cabsadaan ,dadka inta ay ka mid noqdaan dadkaasi sida sirta ah u wada hadlaaya, dadka hadaladooda dibada usoo sarayaa ,kadibna u diraaya baraha warbaahinta.

Qofkasta amma koox kasta, waxa ay leeyihiin sir ay ka qarsadaan kuwa kale,mana aha wax danbi ah,in aad sir yeelataa waa mid ka mida nolosheena,waxanay ka mid tahay waxyabaa aakhiro layna waydiin doono hadba sida aynu siraha u xafidno.sir waxaa loo yidhi waa** SIR waa Xafid ,waa qari ,waa ilaali"!

Nabigeenii csw waxa uu ahaa mid sir leh,Nabigu csw maalin maalmaha ka mida ayaa waxa uu u yeedhay inankii yaraa ee adeegaha u ahaa ee Anas Ibnu maalik, isaga oo caruur la ciyaaraya, kadibna dhagta ayuu wax u saaray (waxbuu u dirtay) Anas ciyaartii inta uu ka tagay ayaa waxa uu u anba-baxay in uu soo fuliyo hawshii Nabigu csw sirta ugu sheegay.

Anas Ibnu Malik waxa la-yidhaah-da sirtii Nabigu csw yaraanta (caruurnimada) uu ugu dhiibtay waa uu la dhintay ,iyada oo cimrigiisuna gaadhay sida ay culimadu sheegaan wax ka badan 120 Sano.

Sirtu waa shay qaali ah ,waana shayga la odhan karo nolosha oo dhami waxa ay ku dhisan tahay sir iyo qarsoonaan, hadii midkasta oo inaga mida sirtiisa la heelaayo maalinkasta ,waxaa hubaala in noloshan aduunkuba aanay jirteen.

Qofkasta oo aduunka ku nool waxbaa sir u ah,labada walalaha ah ayaa kala sir ah ,aabaha iyo caruurtiisa ayaa kala sir ah nin iyo xaaskii ayaa kala sir ah,sirta aan ka hadlayaa waa mida markasta horumarka iyo wanaaga ku salaysan mahan mid khayaano iyo wax isdaba marini ay ku jirto.

Maanta hadaad qof aad taqaano amma saxiibka ah aad sir u dhiibato waa ay adag tahay in uu kuu xafidaa amma uu kuu ilaaliyaa ,ilaa mid Ilahay u naxariistay mooyaane ,taasi markaasi waxa ay keentay in qofkastaba uu qofka kale sirtiisa raadiyo , oo dadkii akhyaarta iyo saaxibada ahaa ay iyagu isugu dara-daan.waxaa batay is-daba galkaa,usu fiir-shasadii,xantii ,xaasidkii ,nacaybkii iyo qabiil isugu hilintii.

Fiiro gaar ah:-

Madama ay wakhtiyadan aynu joogno ay adag tahay in sirta laysu xafido,waxa aan kula talin-lahaa waxgaradka ,odayasha iyo dhalinyarada rag iyo dumar ,in qofkastaba uu taxadar sameeyo marka uu ku jiro shirarta iyo abaabulada lagu sameeyo isgadhsiinta sida Facbook gaar ahaan WhatsApp .

Qofkastay ka fikir amma ku talagal hadii aad hadalo xanafle ka tidhaado meelahaasi oo aad wax kaga sheegayso cid-gaar ah, in aanay kuu qarsoomayn, ee ay soo tabinayaan dadkaasi markasta ka shaqaynaaya in ay faafiyaan siraha dadka muslimiinta ah.

Waxa kaloo iyaduna fiican ,madamaa aan laga maarmayn Isgaadhsiintaasi ,duruufo badan oo ina horyaalana ay inagu khasbayaan in aynu ku kulano, kuna wada xidhiidhno,waxaad ku dadaasha qof-kastaw in aan hadalkaaga miisaanto,si hadii bari hadalkaagu dibada ugu soo baxo aanu u noqon mid dadka xumaan ku abuura adigana murugo ku galiya.

Anigu markii aan u fiirsaday ,faa'idada uu leeyahay WhatsApp-ku marka loo isticmaalaayo Group-ahaan ,waxa aan kusoo koobay laba arimood oo kala ah:-

1.In lagu ururiyo qaadhanada iyo sadaqaadka dadka baahan.

2.In lagu iclaamiyo baaqyada iyo ogaysiisyada shirarka la rabo in la isugu yimaado.

Waxaan kaloo talo aan usoo jeedinayaa dhalinyarada iyo aqoonyahanka inta badan ku wada xidhiidha aaladahaasi WhatsApp-ka ,in ay soo koobaan barnaamij-yada ay inta badan kaga wada xidhiidhayaan isgaadhsiintaasi ,oo aanay jaanta-rogon ka dhigin hawlaha ay ku qabsanayaan WhatsApp-ka.

Waa in Ilahay looga cabsado waxkasta oo la samaynaayo,qofkastawna waa in aad ogaata in bari lagu waydiinaayo ,hadii aad siraha dadka muslimiinta u qarsoon amma ay ku wada hadlaan aad dibada keento.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com


W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar