SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shacbigu ma waxa ay donayan in ay Nidaamka badalaan ,misse waxay doonayaan in ay Hebel iyo hebel isku badalaan.

Wakhti aad u badan ayaa waxa shacbiga kaga lumay dooroasho ku qotonta Hebello la isku badalo ,taasina waxa ay keentay in Magacya uun ay isbadaleen balse cabashadii iyo horumar la'aantii laga cabanayay ay halkii wali tagan tahay .

Hadaba su'asha is waydiinta lihi waxa ay tahay halkee ayay wax ka qaldan yihiin?

Ma shacbiga ayaa wax ka qalkdan yihiin oo nidaamkan iyo qaabkan ay wax u doranayaan ayaan ahayn kii saxa ahaa , ma shacbiga ayaa kala qaybsan oo iniba ay si gaara u aragta horumarka iyo horu socodka dalka.

Ma madaxda dalka ayaan dacad ahayn oo marka la doorto ,shacbiga iyo dadka ay u dhaarteen khiyamaynaya, mise madaxda la dooranayo ayaa qaabka loo doranayo iyo sida loo xulanaayo ayaa waxa ay ku salaysan tahay Qabiil iyo Qabyaalad.

Mise Madax iyo shacbiba hadii laysku keen'daro waxa aynu nahay dad aan aqoon iyo waya'aragnimo u lahayn hanaanka dawladnimo sax ah , isla markana aan garanayn waxa ay Dawladnimo tahay iyo waxa laga faa'iido.

Hadaba markii aan in badan u fiirsaday Cabashooyinkan shacbiga ee aan dhamanayn markastana soo noqnoqonaya,markii aan u kuur galay waxtarka iyo wax soosaarka madaxda dalkuba in aanu dhaafayn dharigooda iyo dhuunigooda .

Markii ay ii muuqatay in ninkasta wakhtiga uu Kursiga Madaxnimada ku fadhiyo iyo wax soosaarkiisu ay kala badan yihiin,markii aan fahmay in Madaxda Dalku ay ogadeen in Dadka shacabkii ay yihiin dad aan aqoon u lahayn Ninka madaxda wax ay ku doortaan iyo wax ay ku didaan.

Waxa aan maskaxdayda iyo waya'areagnimadayda markii aan la shawray iisoo baxay in qaladka u wayni uu ka jiro dhinaca shacbiga .

Sababahan hoos ku qoran awadood:-

1.Shacbigeenu marka hore ee ay qof doranayaan waxa ay ku doortaan Qabiil balse kuma doortaan yaa wax idiin qabanaya ,kuma doortaan wadankan kumaa horumar gaadhsiinaya ,ma yaqanaan shacbigu qaabka iyo hanaanka lagu ogaado ninka wax qabanaya iyo suurada uu leeyahay .

2.Shacbigeenu marka ay wax doranayaa waxa ay doortaan Hebel waxanay ku badalaan Hebel ,kadibna iyaga oo qaladka intaa leeg galay ayay waxa ay sugaan in ay helaan Dawlad horu-mar gaadhsiisa .

3.Shacbigeenu wax kuma doortaan cida ay is leyihiin Harraadka iyo Biyo la'aanta ayuu idinka sarayaa,ee waxa ay wax ku doortaan Jibbo iyo Xisbi hebel Caleemo loo-lulo iyo nin dantiisa ku gaadhaya oo kolba Suudh usoo tosha .

4. Ma jirto mana arkaysid meel iyo madal laysku waydiinayo Xisbiyada dalka ka jiraa iyo sharciyadoodu waxa ay tahay,ma maqlaysid Xisbi kaliya oo la waydiinayo waxa uu kaga duwan yahay kan hada Xukunka haya, cidii waydiin lahayd ee aqoon yahanka ahaydna iyadaba kow ka ah hanaan xumada ina haysata .

5. waxa aad maqlaysaa maalinkasta oo Allah keeno waxaa maanta Xisbi hebel kasoo diga rogtay Group hebel iyaga oo usoo diga rogtay Xisbi hebel,hadii aad waydiiso oo aad tidhaa ma ii sharaxi kartaa markii hore Xisbigan aad kasoo diga rogatay sharciyadiisa iyo wxii aad ku doratay,way adag tahay in aad ka hesho jawaab waafiya ,sida awadeed Xisbigan uu hada usoo diga rogtayna ma yaqaano wixii uu ku tageeray amma uu ku jecladay .

Maalin maalmaha ka mida ayaa aniga oo Hargaysa jooga isla markana lagu guda jiro Dorashadii Daahir Rayale Kaahin iyo Axme Silaayo ayaa waxa aan arkay Laba Nin oo Xamaalin ah saxiibna ah iskuna haysta cidda dorashada kusoo baxaysa iyada oo midkasataba kan la qabiilka ah uu si xun u tageerayo.

Kadibna madama aan labada Ninba aan aqoon u lahaa ayaa inta aan kusoo leexday ayaa waxa aan ku idhi, maxaad isku haysataan ee aad la xiiqsan tihiin maanta,maxase idinku dhacay oo idinku soo kordhay awalba waxa aad ahaydeen laba nin oo Saxiibo ahe.

Waxa ay iigu jawabeen:

Saxiib waxaa nagu soo kordhay waxa aanu isku haynaa Dorashada dalka ka jirta midkasta oo naga midiina waxa uu tageersan tahay Ninka uu la qabiilka iyo qolada yahay ,taasi ayaanu isku haysanaa .

Waxa aan waydiiyay Su'aal ah :

Su'aal. Labada Madaxwayne ee tartamaya aqoon gaar ahaneed miyaad isu ledihiin ?

Jawaab: Xaasha Dameerahayaguna isma gayaan, waayo annaguna Xamaalin ayaanu nahay iyaguna (madaxdu) waa nimanka kibray ee madaxnimada u tartamaya.

Su'aal: Ma waxa aad ku kala tageersan tihiin labadan Madaxwayne sida ay dalka iyo dadka u kala horumarinayaan ?

Jawaab: Xaasha ,maya Ilahay ayaa og midkii wax qaban doona ,lakiin anagu waxa ay doodayadu ku salaysan dadkuna uu nagala mid yahay , in aan sheekada fa-dhi ku dirirka aan nalaga badin hadii aanu Reer hebel nahay ,sidaa awadeed anaga waxa ay noogu dhan tahay in nin Qabiil kayaga ahi uu dalka u taliyo oo kaliya ,Jinna ha qabsadee.

Runtii hadalada Nimankasi odayasha kasoo yeedhayay waa mid jirta ,waana mida kaliya ee maanta lumisay Dawladnimadii iyo horu markii la rabay in dhakhso loo gaadho.

Waxa aan idinka iyo Naftaydaba kula talin lahaa wax isbadalayaa ma jiro ilaa aynu ka fikiro oo ay Maskaxdeena ku soo dhacdo in waxa aynu doonayna uu yahay horumar ee aanu ahayn Madax inala qabiil ah .

Ma nidaamkaynu badalnaa mise Hebel ayaynu Hebel ku badalna ?

Hadiiba uu jiro Nidaam iyo qoraal inoo yaala oo ay tahay in la raaco ,shacbiguna uu ku ilaaliyo Madaxda oo kii ka leexda meel looga soo wada jeesto markasi ayaa Dadka iyo Dalkuba uu horu mar gadhayaa .

Midna waa iga xasuus Dad waynaw.

Ma ogtihiin in aanu jirin Siyaasi siyaasi kale la col ahi,ma la socotaan in siyaasigu saxiibka kaliya ee uu leeyahay uu yahay siyasiga kale ee kasoo horjeeda ,ma u malaynaysaa in siyasiyiinta iska soo horjedaa ay yihiin kuwo ka midaysan kuna wada socda gaadhista kursiga Madaxnimada .

Ma filaysa in siyasiyiintu hadalada ay Idacadaha isu mariyaan ay yihiin kuwa shacbiga loogu talagalay ,balse ma isleedahay marka ay iyagu wada hadlayaan way ka gadisan tahay sidaasi.

Ogsoonow Ninkasta oo Madaxa oo xun hadii Shacbigu wanagsan yahay waa la toosin karaa ,lakiin hadii shacbigu aanu lahayn wax uu ku qiimeyo ninka madaxda way adag tahay in Madaxduna ay wanaagsanaato.

Gabayagii waynaa ee Axmed Diriye Qaasim ayaa wakhtigii uu Gumaysiga Ingiriisku xoriyada siiyay Somaliland ,ayaa waxa shaqadii iyo Xafiisyadii dawlada la wareegay oo Madax iyo Minjaba ka noqday ragii wakhtigasi wax ku soo bartay Iskulada Gumaysiga.

Hadaba halkii laga filayay in ay dhamaan kana wanagsanadan Gumaysigii Ingiriska ,ayaabay kasii dareen,kadibna Gabaygan ayuu ka tiriyay Qaasim oo aan qayb ka mida idiin soo qaaday .
Dambi ku hadli maayee ma arag dawladaan rabayee,

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galayee,

Dusha midabka soomaalibaad dugulka moodaayee,

Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e

Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaynay,

Iyaba waa darxumo ii hadhayee dacaro miyaan leefay,

Ma darraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay,

Sidii aan dayaysnahay miyaan dawga ka habaabay.


Fiiro gaar ah.Qoralkan waxa uun aan uga jeedaa Talo bixin guud, balse ugama jeedo in aad cid gaar ah ku dhalilaayo,waxa uun ay iga tahay tallo iyo tusaale aan isleyahay malaha hadii la raaco waxba idin hagaagi,iyada oo aan ogahay in intan aan soo qoray iyo in ka badanba ay dadku garanayaan balse hadana WAXBAA INA JIIDHAY.






W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar



No comments:

Post a Comment