SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saxiibkay ayaa Email Aakhiro iiga soo diray .

Wakhti kasta oo aad firaaqo hayso waxa aad jeceshahay in aad furato Computarkaga , adigoo raba warar amma barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato amma aad ka akhrisato




Adiga oo soo daalay isla markasina yimi Gurigaagii amma Xafiiskagii kuu gaarka ahaa ,markii aad fadhiisatay ,ma laactay oo ma soo qabsatay Conputarkagii adiga oo donaya in aad danahaga ku fushato.


Markii u horaysay ee aad dhex gashay Email kagii si kadisa ah indhaha ma ugu dhufatay fariin muqaal ah oo dhex taala,taasi oo kaaga timi Saxiib aad lahayd oo wakhtigan xaadirka aad ku og-tahay Geeri amma dhimasho,walibana aad joogtay Xabaala qodkisii .


Runtii waa Sheeko layaable ,isla markana marka hadii aad u kuur gasho waxa aad dareemaysaa in qofkasta shaqada iyo camalka uu Aduunka intuu joogay uu hayay ay Akhirana kaga horayso.

Runtii qisadani waa qisso dhab ah oo dhacday ,kana dhex dhacday laba nin oo dhalinyaro ah oo saxiib ah ,iyada oo mid kamidiina uu hada nool yahay kan kalana uu wakhti aan sidaas usoo fogayn uu Geeriyooday.

Hadaba labadasi nin ee dhalinyarada ah waxaa qisada ka sheekaynaya midkii nolaa isaga oo ku bilabaya:-

Waxa aan saxiib aad u dhaw la ahaa Wiil dhalinyaro ah,waxa aanu ahayn saxiibo aad isu jecel, balse hadana waxa uu ahaa saxiibkay mid ku baas isla markana ku baloobay fiirsashada iyo soo kiraysiga Filimada aadka u dhaqanka xun.

Waxa kaloo uu saxiibkay ahaa dadka aadka u dhiiri galiya filimada Faxishada ah,waxa uu jeclaa in qofkasta oo yaqanaa uu la wadaago fiirsa shadaasi qalbi madobaadka ah.

Waxa uu iska diwaan galiya akoona uu ku lahaa Websidyada waxaasi ku shaqada leh, waxa uu bixin jiray bilkasta Lacag aad u badan,waxa uu ku dadaali jiray in markasta filimaadasi kuwooda ugu fiirsashada xun in loosoo diro.

Todobaad kasta waxaa usoo dhici jiray Video iyo Sawiro Anshi xumo iyo akh'laaq xumo isugu jira , waxa uu ku dadaali jiray in uu markasta dawad siiyo lana share gareeyo dhalinta aan iyagu waxaasi xun aan xiisaynin kana helin ,balse waxa uu noqday in dhalintii oo dhan ku baleeya kuna baabiyay ceebahaasi.

Waxaa u suura gashay isaga oo garabna ka helaya shaydaanka in dhalinyaradii aadka u baariga ahayd uu balwadaasi ku baleeyo , kuwaasi oo markasta jeclaan jiray in ay agtiisa jogaan si ay uga helaan filimada iyo anshi xumada cusub ee markasta usoo dhacaysa ee uu aduunkusa ku bixiyo.

Dhamaan Asxaabtisii oo dhan waxa uu ka wada qortay Emaila doodii , si uu todobaad walba Filimada anshi xumada ah ee Emailkiisa ugu soo dhaca uu iyagana ugu soo gudbiyo ,taasi oo u suura gashay, kadibna uu awood u helay in uu dhalin-yaro aad u badan uu toobad seejiyo .

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacay in wiilkii dhalinyarada ahaa ee ku caan baxay faafinta faaxishada iyo xumaanta ayaa waxa uu kaxaystay oo uu ku safray Babuur uu leeyahay ,kadibna isaga oo socod xawli ah ku jira ayaa Gadhigii waxa uu la galay shil ,kadibnay Saxiibkay halkaasi ayuu ku naf waayay kuna Geeriyooday.

Waxaan ka imi aaskii iyo Xabashii saxiibkayga shilka Gadhiga ku dhintay ,markii aanu aaskii iyo Xabaashii ka nimi kana soo dareernay ,ayaan anigu waxa aan si toos ah u imi Gurigii aan ku jiray aniga oo daalan isla markana ka murugaysan saxiibkay geeridiisa iyo camalkii xumaa uu samayn jiray.

Markii GFuriga aan soo galay ayaa waxa aan soo qabsaday Computarkaygii oo aan sidaba iiga fogayn ,markii aan shiday ayaa waxa aan damcay bal in aan fiirsado wax E,mailo cusub ah oo iisoo dhacay,kadibna waxa an Isha ku dhuftay fariim Emayl oo dhex taala Box kayga ,markii aan guji'yayna waxa ay labadayda Indhood ay qabteen Filimaam xun oo la isoo diray.

Waxa aan fahmi waayay meeshay Filimadani iiga yimadeen ,aniga oo marlabaad hadana bal eegaya filimadani cida iisoo dirtay ,ayaa waxa aan arkay in filimadani ay iiga yimadeen saxiibkaygii aan hada Xabaashisa ka imi .

Waan argagaxay Shaydaanka Ayaan iska naaray, Indhaha ayaan maran-maray kadibna hadana dib ayaan u eegay ,aniga oo hubsanaya qaabka ay filimadani isoo galeen,kadibna waxa aan ogaaday in Shirkadii saxiibkay uu xidhiidhka lalaha ay filimadan isoo dirtay ,kuwaasoo saxiibkay intii uu noola uu siyay Emaylkayga isaga oo aniga Hadyad iyo waxtar uu iiga dhigayay .

Waxa aan sameeyay waxa aan ka saaray Filimadii Emaylkayga wanan ka delete gareyay ,hadana sidii oo kale ayaa markii Todobaad laga joogay waxa isoo galay isla filimadii oo kale oo waliba kasii anshi xun , waxa aan Email u diray shirkada waxan isoo diraysa aniga oo ka codsaday in ay iga joojiyaan filimadan ay markasta isoo dirayaan.

Waxa kaloo aan u sheegay in uu Geriyooday saxiibkii iyaga xidhiidhka la-lahaa ,isla markana aan anigu u bahanahay in filimadan la iga joojiyo,kadibna waxa ay iigu jawabeen ma heli karaysaa oo ma nasiin karaysaa Paswodka saxiibka si aanu filimada kaga joojino,kadibna waxa aan u sheegay in anan helayn,gaba-gabadiina waxa ay i yidhaahdeen iska samir filimadani Emaylkaga waxa ay ku shub mayaan muddo dhan 4 sano oo aanu heshiis la galnay Emailkasi aad leedahay .

Runtii waa qiso aad u xanuun badan dhalinyarada maantana aan dareemi karo in ay aad ugu bahan yihiin in ay iska ilaaliyaan waxyabahasi faxishada ah ee lagu naar galaayo.

Ifka Waxaad la joogta Janaduun ku Geeya amma-se Naarka Jahanama
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

W.Q Qareen /Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment