SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tartanka Madaxda iyo Maal-qabeenada.

Hoggaamintu waa shay muhiim ah oo aanu ka maarmin Adanahu ,waana mida kaleya ee lagu gaadhi karo horumarka iyo horusocodka arimaha Bulshada ,hadii aad aragto umad aan lahayn Madax hogaamisa waa umad an jirin .

Hoggaamiyuhu sidiisaba waa kan sameeya jeexana jidka horumarka iyo hanaanka Dawladeed ee Dalkasi maraayo , waxanu qiimeeyaa waxyabo ka baxsan waxa ay dadka shacbigii is waydinayaan amma
ka fikirayaan, waxa uu aqoon iyo garasho dheerada u leeyahay fahamka iyo odoroska waxyabo badan oo Qarankasi kusoo fool leh .

In badan ayaynu Quraanka Kariimka ah ku aragnay isaga oo ka waramaya Hogaminta wanaagsan Nabigena csw in badan waxa uu inagula dardaarmay in markasta aynu doorano hogamiyaha wanaagsan ee kasoo baxaya wajibaadka saaran .Haddii aan hoggaamin fiicani jirin laguma guuleysan kareen horumar badan oo maanta aduunka ka muuqda .

Hadaba akhristaw aan usoo gudda dhaco ujeedada qoraal kaygan oo ah Tartanka ka dhexeeya Madaxda iyo Maalqabeenada maxay ayuu yahay ,waxaa laga yabaa in Dadka qaar iswaydiiyaan Madaxda iyo Maalqabeenadu maxay ayay ku tartamayaan maxaase ka dheexeya?

Waxaa marag madoona in dhamaan madaxda aynu leenahay ay tartan dhinaca maalka iyo muuqaba ay kula jiraan dadka Maalqabeenada ,qof Ilahay u naxariistay mooyane inta badana waxa ay u muuqdaan kuwo dadaal ugu jira sidii ay Maal uga kasban lahayeen shaqooyinkan ay umada u hayaan.

Dadka maalqabeenka ahi waxa ay leyihiin dabeecado iyo dhaqamo ay kaga duwan yihiin Dadka intiisa kale ,dhaqamadaasi iyo cadooyuinkaasi waxa Laf dhabar iyo asaas u ah isla markana ay ka samays meen Dhaqalaha ay haystaan ,sida iyaga oo ku raaxaysta Guryo aad u qurux badan,Babuur aad u qaali ah ,iyaga oo markasta Aduunka meesha ay ka donaan Daqiiqad ugu safri kara ,Caruurtooda oo hesha Waxbarasho heer-saraa oo ka duwan mida dadka cadiiga ahi ay haystaan iyo iyaga oo Bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo ,taaso lagu qiimaynayo Maalka Ilahay siiyay .

Bal hadaba akhristaw waxaa marag madoona in maanta ninkasta oo Madax ahi uu u dhaqmaayo sidii Ninkii maalqabeenka ahaa ee isagu Xoolahisa ku Takrifalayay ,ninkasta oo madax ahi maanta waxa uu u raxaystaa si kasii xeel-dheer ninka maalqabeenka ah ,waxa laga yaba in Ninka Maalqabeenka ahi in uu Hantidiisa u tudho, oo mararka qaar ay lexejeclo qaado balse Madaxda maanta marnaba ka dareemi maysid wax lexejeclo layidhaa ilaa mid Ilahay u naxariistay mooyaane .

GURYAHA MADAXDA
Hadaad maanta booqato Guryaha qaar kamada madaxda qaranka
waxa laga yabaa in aad la kulanto Tacajab iyo layaab ,waxa aad arkaysaa Guryo loogu talagalay Raaxo dhamays tiran oo marnaba ishaadu anay ka jeed sanayn qurux dooda,waxabay kula eekanayaan Guryahii Boqorada Carbeed .iyada oo ilaalada Guryahaasi joogtaa ay tahay mid ka badbadis ah oo aan loo baahnayn dhaqale badana uu ku baxo.

Haday kuu suura gasho in aad Guryahaasi gudaha aad u gashana waxa aad dareemaysaa isla markana aad indhaha ku kala qaadaysaa quruxda iyo qalabaynta Gurigaasi ka muuqda ,waxa markaba caqliga cafimaadka qaba ee dalka iyo Dadkaba u damqanaya kusoo dhaacaya boobka iyo dhaca lagu hayo hantida umadan Gajadu dishootay ,ee qaarkood iska daa Guri ay u hooydaane aanay haysan Bac yar oo ay Cedceeda ka dalalimaystaan .

BAABUURTA RAXADA
Waxaa ku yaab galinaya mararka qaarna aad is odhanaysaa malaha
ma joogtid ! Wadan ay dadkiisu baahan yihiin ,sababta oo ah waxa aad arkaysaa Babuurta Shaaximan ee ay wataan Madaxdeena qaranku , waa ay adag tahay in Babuurtasi qaar ka mida aad ku aragto waddamo badan oo inaga dhaqale badan.

Sida aan wararka ku hayo amma aan ogahay Babuurtasi qaar ka mida hadii ay waxyeelo soo gaadho looga helimaayo wadanka gudahiisa wax lagu dayactiro ,kadibna waxa khasab noqonaysa in laga dalbo Shirkadii soo samaysay amma dalka Dibadiisa ,isaga oo ninka madaxdaa ee Babuurkasi soo iibsaday heli kara Babuur ka jaban Shaqadiisana uga adag umadana waxa uu u bad-badin lahaa dhaqalaha uu ka baabinaayo .balse waxa uu tartan kula jiraa nin maalqabeen ah.

Ninkasta oo Madaxa waxa Guriga u yaala ugu yaraan 3 Sadax Babuur hadii anay ka badnaynba ,Babuurtasi qaar ka mida daqadahooda Murayada lama dajiyo loomana ogola in boodhka iyo Sigadu ay soo gaadho kuraastiisa sharaxan ee Shaalka ku hagoogan,balse akhristaw aan ku xasuusiye dhaqalaha Baaburkan lagu soo Iibiyay waxa uu wax tari lahaa dadka matida ah ee aan lahayn Hoy ay Robabka iyo Cedceeda kaga hoydaan .isla markana aan haysan wax ay cunaan.

RAAXADA IYO NOLOSHA CARUURTOODA MADAXDA
Waa wax lala yaabo isla markana lagu qoslo in nin Shalay aad
taqanay isagoo oo Faqiir ahaa in marka Madax uu noqdo uu si dhakhso ah u noqdo nin maal qabeen ah ,waxa aad arkaysaa nin reerkiisa iyo caruurtiisu ay cagaha Dhulka ku hayeen oo malintii xilka Madaxnimo loo magacabay daruuraha is yidhi ka dhaanso .

Ficilka iyo dareenada ay mujinayaan Madaxdu waa wax caqligu diidayo ,ninkasta waxa uu jecel yahay maalinta Madax uu noqdo dhamaan caruurtisa waxa uu gaynaya Iskuulada Lacag toodu ay qaaliga ay tahay ,xataa ma qiimaynayo dhinaca waxbarashada lakiin waxa uu wax ku qiimaynayaa dhinaca dhaqalaha iyo ku dayashada dadka Maalka leh , ilayn waa maalqabeene !!

Waxa uu tamaniyayaa in uu lasoo baxo qorshayashii u yaalay ee ay ka mid ahayeen in uu caruurta uu u radiyo Iskuulo iyo Jamacada dibadaa ,sababta oo ah waxa uu helayaa garab iyo gashaan aanu hore u haysan una dheertahay Khasnadii Dawlada oo u furan .





MADAXDA IYO WAKHTIGA NASASHADA
Madaxda waxaa u caado iyo dhaqan u noqotay xiliyada ay
firaaqada leeyihiin in ay u nasasho tagaan Hotolada qaliga ee kuyaala Magaloyinka dafahooda ,waxa laga yabaa in Hotelkasi Koobka Shaaha lagaga cabbo Lacag dhan ugu yaraan 1$ (Hal Dolar) qado iyo cashana daa hadal keed .way adag tahay in Nin madax ah aad ku aragto goobaha bulshada ee danyartu wax ka cunto kuna kulanto ,ISLA WAYNI IYO KIBIR AWAADII waayo waa Nin malqabeen ah .sorry maalqabeenow .

Mayla aragtay Madaxdu xiliga ay casuumadaha gaarka ah cid u samaynayaan waxa ay tagaan Hoteladasi wax waliba ay qaaliga yihiin ,waxana dhici karta in hal habeen lacagta casumad kaga baxda ay quudin lahayd hal Bil qoys wadanka dagan oo faqiira.
wakhtigasi ninka madaxdii uu nasashada ku jiro way adag tahay in aad hesho waayo goobta uu u Nasashada u tagay waxa ku gayn kara oo kaliya Babuur aad goonidaada u wadato , Basna daa hadalkii waayo waa nin Maalqabeen ah !!

GOOBAHA SHAQADA
Majirto inta aan ogahay Madaxda cid shaqada ku kantaroosha oo ilaalisa wakhtiga ay shaqada soo galayaan iyo wakhtiga ay ka baxayaan ,sidaa awgeed waxa uu ninka madaxdii shaqada imanaya xiliga uu kasoo tooso hurdada waxanu shaqada ka tagaya xiliga uu doono ,taasi waxa ay keentay in dadkii Shacbiga ahaa ay ku kadeed maan radinta Madaxda .

Waana astamaha dadka maal qabeenka waayo ninka maal qabeenka cidina lama xisaab tamayso goorta uu doono ayuu shaqada soo galayaa kana baxayaa sababta oo ah waa shaqo isagu uu leeyahay ,inta badana waxaaba shaqada sii wada dadkale .

Waxaa dhaqan iyo caado inoo noqday in aad aragto malinkasta qof shacbi ah oo warqad amma fayl meelaha la wareegaya kaasi oo doonayaa cid si gaar ah u garanaysa wasiirka sababta oo ah waa ay adag tahay in uu xafiiska ka helo amma loo sii daayo, wakhtiga yar ee uu yimadana xafiiskana waxaa suragal ah in uu ku mashquulo soo dhawaynta Madax isaga la mid ka ah iyo la sheekaysigooda.
Qofkasta intii aanu Madaxda noqon hadii waxoogaa xanuun ah uu iska dareemo waxa uu daawo u raadsan jiray dhakhtarada wadanka iyo Farmashiyada balse hada madama uu madax noqday waxaaba caado u noqotay hadii uu iska dareemo waxooga xanuun ah sida duray ,madax xanuun iwm waxaa laga yaaba in uu sida ugu dhakhsa badan uu ugu dhoofo wadamada jaarka,hadii xaaladu sii xumaatana xaalku waa Dubay amma Yurub ilayn waa nin maalqabeene .

XAQIIQDA JIRTA
Akhristaw ma og tahay in mushkilada jirtaa ay tahay in dadku aanay dareen sanayn in ninka madaxda ahi uu yahay nin iyaga u shaqeeya balse ay u haystaan in ninka madaxda ah isaga loo shaqeeyo, hadii uu noqdo mid ku caan ah boobka hantida umada waxa ay dadku u yaqanaan geesi (nin rageed xiniinya cadde) haduu noqdo Nin ILAHAY ka cabsado oo xumaanta ka dhawr sadana waxa loo yaqaana ma tabcade nacas ah iwm
Wadamada Afrika qaar ka mida halka ay madaxdu hanti urursi ka gadheen waxa ay ku xaragoodaan in ninka madaxdii marka uu Gurigiisa Babuurta sida darasiinta u taala mid ka mida lasoo baxaayo waxa uu isla eegaa in ay isku soo baxayaan qurux ahaan Gadhiga uu watto ,Sacada uu Xidhan yahay ,Fargalka gacanta ugu jira iyo Suudhka uu ku labisan yahay ,hadanay intaasi islahayn dib ayuu ugu noqdaa labiskiisa ,tasi waxa ay keentay in boobkii hantida umadu uu noqday wax aan laga sheekayn karin.

AKHRISTE QISADAN ILA AKHRI KADIBNA WAX QIIME.
Habeen habeenada ka mid ah ayaa Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Ibnu Khattab rdc oo dhex lugaynaya Magalada Madina si uu ugu kuurgalo dadka dhibataysan. ayaa waxa uu maqlay oohin, kadibna waxa uu ku leexday Gurigii oohinta uu ka maqlaayay. waxa uu arkay haweenay iyo carurteeda oo OOHIN ISKU DARAY waxa kaloo uu Idhaha ku dhuftay digsi yar oo Dabka saran. Haweenaydii ayaa waxa uu waydiiyay waxa ay la ooyayan iyada iyo Caruurtu. kadibna Gaajo inay hayso ayay uga warantay. waxa uu waydiiyay digsiga waxa saaran ,waxay tidhi Biyo caruurta aan ku sasabayo ayaa ii saaran mana garanayso in ninka la hadlayo yahay Cumar Madaxwaynahii umada .

Waxa ay bilowday inay dhaliil dusha ka saarto Cumar ayada oo ku dhaliilaysa inuu iska indhatiray dhibatada haysta iyada iyo caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa waxa uu waydiiyay Cumar maxay ayuu idiin qaban lahaa .waxa ay ku tidhi ,waxaa waajib ku ah in uu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Madaxwaynahii umadan.

Cumar oo murugaysan ayaa waxa uu usoo kacay dhinacii baytul maalkii isaga oo uu weheliyo ninkii gacan yaraha u ahaa ,kadibna waxa uu soo raray cunto farabadan sida Bariis ,Saliid, Subag iyo wa xooga Lacag ah.

Markuu jawaankii buuxiyay ayuu gacan yarahiisii waxa uu ka codsaday in uu Tunka u saaro . Gacan yarahii ayaa diiday isaga oo ixtiramaya inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo Tunka u rito , Cumar waa uu ku adkaystay, isaga oo leh :-

Ma adiga maalinta qiyaamaha culayska iga qaadi doona. xaq waxaan nu leeyahay in aan aniga xanbaaro jawaankan.

GUNTII IYO GUNAANAD
AFEEF :-Yaan la ii arkin nin Madaxda si toos ah uga soo horjeeda iyada oo aan ogahay in Madaxdu ay tahay hadii ay si daacada u shaqeeyaan ,Laf-dhabarta iyo horumarka dalka, lakiin waxaan donayaa in ay wanagsanadaan kuna koobnadaan dhaqalaha yar ee xalaasha ee ay qataan ,waayo ILAHAY iyaga ayuu kala xisaab tamayaa akhiro xaqna uma laha in ay ku dul nooladaan dadka maatidaa .

Caqliga dadka oo isbadala moyaane isbadali mayaan sidan ay Madaxdu u fikirayaan.

khadar-aar.blogspot.com
twitter: https://twitter.com/
Blog :khadar-aar.blogspot.com
W/Q Qareen / Khadar Ibrahim Aar .