SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Saxibadayda Qaaliga Gacmo Furan kusoo dhawaada.

Waxa aan halkan aad uga mahad celinayaa Asxaabtayda Rag iyo Dumarba leh ee ku Xidhan Qoraladayda aadka u faraha badan  ee aan kusoo Qoro Baraha Websidyada ,Facbooka ,Twitterka iyo Blogayga khada-aar.blogspot.com .

Waxaa igu kalifay in Qoralkan yar ee kooban in aan usoo Qoro Asxabtayda qaliga kadib markii Dad aad u badan oo Boqolaal gadhaya ay iga mahad heliyeen Qoraladayda gaar ahaan Sheekada hada Akhriskeedu socdo waxbadana ay ka dhiman yihiin Isha Allah dhakhsana aan usoo dhamays tiri doono.

Somalidu waxa ay halku dhig u leeyihiin Wax la'raaja Rag kuma samma alaylahe waxa aan odhan lahaa Rag iyo Dumarba kuma sama.

Waxa iyana aan si gaar ah ugu mahad celinayaa Dadkii Faraha badna ee sida gaarka ila soo xidhiidhay igana Codsaday in marba marka ka danbaysa aan ugu soo dhakhsato soo gudbinta Sheekada TAHRIIBKA QAYBAHA DHIMAN..

Anoo idinka mahad celinaya xidhiidhka gaarka ah ee aad ila soo samayseen ,waxaan idiin balan qadayaa in markasta aan jeclahay in Qoraalkaygu uu idinku soo gaadho sida ugu dhakhsaha badan  ,Isha Allah hadana idinkama ragayaan.

Aad ayaad u mahad san tihiin
Soo dhawada
Guul iyo Gobanimo Ayaan inoo rajaynayaa.

Qareen / Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment