SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa qaybtii 10 aad sheekadii tahriibka .

Akhris'tayaal dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa waxanan idin leeyahay SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Sagalaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Ninkii dhalinyarada ahaa iyo
Inankii yaraa ee uu dhalay ay ka badbaadeen dhibatadii aadka u xumayd ee Badda kasoo qabsatay .

Waxa kaloo iyadana aynu ka warhayna in ay intii Safarka Badda ay kusoo jireen ay ku Geeriyotay Xaaskii ninkan dhalinyarada ah,kadibna isaga iyo Inankisii yaraa uu soo badbadiyay Markab laga leeyahay Dalka Talyaniga ,kaasi oo keenay Dekadda Lampedusa oo Somalidu aad u taqaano .

Waxa aan waydiiyay Dhibanaha sheekada inoo wada ,maxay ayay dareentay markii adiga iyo Inankaga yari aad Talyaniga timaadeen.

waxa uu ku jawaabay :-

Runtii waxa ay ahayd Qisso aad u xanuun badan ,waxa aan dareemayay in Jidhkayga Waax ka mida ay go'day,waxa aan dareemayay in aan kala dhan'talanahay,waxa kaloo iiba muuqatay xataa Maskax ahaan in anan dhamayn ,oo ilaa hada waxa aan dareemaa dhibatadii Tahriibka iga soo qabsatay taasi oo Maskaxdayda ku noqotay Nabar ku yaala oo aan waligiina ka go'ayn.

Dhalinyaraha hada Tahriibka u xamaan guranaysa waxa aan leeyahay qisadan aan ka sheekaynayo uun dhagaysta kadibna dhagahiina u raariciya naftiinana ha ku haligina dhibatoyinkaa aan idin kasoo sheekeyay iyo kuwo kale oo ka badan.

Saxiibayaal Sacadu waa Sagaalkii Aroornimo , markii aanu kusoo xidhanay Dekada Magalada Lampedusa ee Talyaniga, waxaa markiiba afafka Markabka noo istaagay Rag iyo Dumar Afku ku wada duuban yahay , kuwaasi oo iska kaya ilaalinaya in aanu cuduro qaadsiino, madamaa aanu nahay dad uu korkooda ka muuqdo argagax layaablehi ,korkayagana laga dheeehan karo darxumo iyo daal badan .

Waxa aan tahli kari'waayay in aan lugahayga ku istaago ,kadibna waxa la'igu qaaday Anbulanza aniga iyo Inankaygii yaraaba kadibna waxaa nala geeyay Dhakhtarka, waxa aniga oo aan is ogayn jidhkayga la igu rakibay Faleboyin aad u fara badan.

Markii Faleboyinkii ugu yaraan ay Todoba sacadood igu xidh'nayeen ayaan maskax ahaan wax kala gartay,kadibna inta aan booday aniga oo aan is ogayan ayaan qaliyay, aniga oo leh, mee mee Inankaygii yaraa ,markiiba waxaa igu soo cararay Kalkalisooyinkii dhakhtarka waxa ay ii sheegeen in Inankii yaraa lagu hayo dhakhtarka Caruurta oo uu fiican yahay, mardhawna lay keeni doono.

Balse maan yeelin waxanan ka codsaday in ay i tusaan , way i kaxeyeen waxana la i dul keenen Inankaygii yaraa oo Madaxa iyo Minjahaba ay qalab iyo tuunboyin ka xidheen , markii aan dul istagay ayuu madaxa lasoo kacay isaga oo i gartayna in aan Abihii ahay , inta aan Ilmeeyay ayaan dhabanka ka dhunkaday.wakhti yar ka bacdi waxaa aniga la igu soo celinyay Dhakhtarkii aan jiifay.

Muddo Dhawr maalmood ah markii aan Dhakhtarka ku jiray ,ayaa waxa la igu wargaliyay in aan Dhakhtarka ka bixi doonno aniga iyo Ilmahayga yariba isla markana la ii gayndoono Xafiiska laanta socdaalka ee Migrationka si faraha la iiga qaado,kuwaasi oo aan markii hore la iga qaadin,Ilahay amarkii .

Markii fariintaasi la ii keenay ayaa waxa ay maskaxdaydu aad u rugrugtay sidii aan farahaasi uga badbaadi lahaa ,waayo waxa aan intii badnayd ee aan Tahriibka kusoo jiray markasta dhalinta tahriibku ay ka sheekaysan jireen,qofka faraha Talyaniga lagaga qaada in Mustaqbalkiisii uu lumaayo ,isla markana aanay u suura galayn in Wadan Labaad oo Yuruba in uu sharci ka raadsado,waayo waxaa qabanaya xeerka Dublin.

Waa maxay Xeerka Dublin .

Saxiibayaal xeerka DUBLIN waa heshiis ay wada gadhaan dhamaan wadamada Yurub ,kaasi oo cadaynaya in anad wadanka u horeeya ee aad fara dhigatay mooyane aanay kuu suura galayn in aad wadan labaad amma mid sadaxaad aad u talawdo adiga oo sharci ka raadsanaya ,waa xeer caqabad wayn ku noqday dadkii magan galyo doonka ah .

Waxa aan go'aan saday in aan ka fikiro sidii aan Inankayga yar iyo aniguba Wadanka talyaniga uga bixi'lahayn annaga oo bilaa faro ah ,waxa aan tagay Dhakhtarkii Ilmahayga yar lagu hayay,sida cadada markasta waa ay ii ogolayeen Ilmahayga in aan la jooga ,wehelna u noqdo,waaxaba mararka qaar ay ii ogolayeen in aan meel Beer ah oo dhakhtarka gudahiisa ku taala in aan aniga iyo inankayga yari aanu ku soo nasasho qaadano .

Kadibna aniga oo taas ka fa'idaysanaya ayaan waxa aan tagay Xadiqadii amma Beerkii Dhakhtarka gudahiisa ku taalay,aniga oo halkii Inankaygii yaraa la fadhiya kuna ciyaar siinaaya ,ayaa waxaa isla Beertii soo gashay Gabadh Somaliyeed waxa ay soo fadhiisatay meel aan igaba dheerayn,kadibna waan salay ,salaantii markii ay iga qaaday,ayaa nasiib wanaag waxa ay ii waydiisay Inankayga yar hoyadii .

Kadibna waxa aan uga sheekeyay Dhibatadii nagu soo dhacday Bilaw ilaa dhamaad,Gabadhii Somaliyeed waxa ay dareentay in aanu nahay aniga iyo Wiilka yariba kuwo dhibataysan,waxa ay isiisay talo ah in aan hada ka baxsado Dhakhtarkan si aanay Faraha Talyanigu iiga qaadin.

Waxa ay igu takulaysay qaabkii aan dhakhtarkan uga baxsan lahayn ,kadibna Ilahay mahadii waxaa noo suura gashay in dhamaan Dhakhtarkii aanu dibada uga baxno ,waxa ay nagu qaaday Gadhigii ay wadatay kadibna waxa ay na gaysay Gurigii ay ka daganayd Magalada.

Gabadhii Somaliyeed Gurigeedii waxa aanu kusii nasanay muddo ku dhaw ilaa Toban casho ,waxa ay noo qalqaalisay sidii aanuTalyaniga uga bixi lahayn,waxa ay ii sheegtay in aanay suura'gal ahayn in Ilamahan yar ee Caruurta aan Tareenada iyo Babuurta la raaco,waxa ay ii sheegtay in meelkasta oo aan tagaba la i waydiinayo Ilmahan yar meesha aan ka keenay .

Hadaba si aan dhibatadaa uga badbaado , gabadhii waxa ay isoo heshay gabadh Somaliyeed oo iyaduna Safarka Tahriibka ku socota waadanka Norwey ,taasi oo anigana iga saacidi doonta Haynta Ilmaha yar ,iyada oo aanu u muuqan doono in aanu nahay Faamli wada socda .

Aniga iyo Gabadhii cusbayd waxaaanu Gaadhi kasoo raacnay Talyaniga ,nasiib wanaag iyada oo aanay wax dhibaati nala soo kulmin ayaa waxa aanu wakhti Habeenima ah soo galnay Wadanka France (Faransiiska)

Habeenimadii aanu Faransiiska nimi dhamaan tayo waxa aanu seexanay hadiiba ay Hurdo naga imanayso ,Goobta laga raaco Tareenka Jarmarka u socda ,waxaa Gogol iyo Barkimooyinba noo ahaa Karatoonta meesha aanu ka helnay, waxa aanu goobta ku kulanay Somali badan oo sidayada silic iyo darxumo usoo dhamaatay kuna socda Jarmalka .

Dhibta ugu wayn ee i haysata waxa ay tahay, aniga markasta inanka yar ee aan dhalay u radinaya cunto iyo cabitaan iyo aniga oo markasta Saxarada amma Kadida ka biinaya ,sababta oo ah aniga ayaa u Hooyo ah isla markana Aabo u ah .

Markii aanu raacnay Tareenkii Jarmalka inta badan Ilahay waa uu naga indha saabay in ay na waydiyaan wax sharci ah ,iyadoo meelkasta oo Tareenku istagaba ay soo korayeen Poliska oo watta Eeyda wax baadha .

Saxibayaal safirkasina waxa aanu kusoo galnay Dalka Jarmalka,oo aanu isagana ku nasanay Laba casho,kadibna waxaanu safar usoo galnay wadanka Denmark, ma hawl yara safarada Yurub gudaheeda la isaga gudbaa adigoo wadanka ku cusub .

Asxaabey wadanka aan ku socdaa waa wadanka Norwey ,waa wadan Jacaylka aan u qabo uu igu dhaliyay Saxiibkaygii Tahriibka igu qalqaliyay markii danbana Talafoonada iga xidhay ,kaasi oo aan odhan karo waxa uu qayb wayn ka ahaa dhibatoyinka faraha badan ee igu soo dhacay .

Saxiibkaygii xumaa waxa uu iiga sheekayn jiray Norway iyo wanageeda,waxa uu i odhan jiray waa Wadan Lacag intaad doonto aad ka helayso, waxa uu isoo diri jiray Sawiro aad u qurux badan ,kuwaasi oo inta badan uu ku gali jiray Gobaha Tareenada iyo Buundoyinka ay Biyahu hoos maran.

Waxa uu i tusi jiray Sawiro ka turjumaaya Guriga uu ku jiro iyo quruxda uu leeyahay,waxaa sawir kasta oo uu isoo diro ka muuqan jiray isaga oo marba Babuur cusub dacal kiisa taagan ,waana waxyabaha inta badan i hammo galiyay iguna kalifay in aan Tahriibka iyo tahlukada kusoo dhaco .

Akhristayaal waxa aan idiin hubaa in sheekadani marba marka ka danbaysa,ay galayso marxalado layaable .

la soco qaybta 11 aad.

Qofkasta oo Sheekadan Qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconaya, barahayga hoos ku magacaban :-

khadar-aar.blogspot.com


facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com
https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment