SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Jacaylka wakhtigan iyo jacaylkii hore keeba qiimo badnaa.


Dunidan aynu ku nool nahay waxa ay soomartay marxaladu aad u kala gadisan , midkastana waxa uu watay wayahiisa, arinkasta oo dhacana waxaa jirtay qaab iyo xeelad lagu maarayn jiray ,laguna xalin jiray.

Intii aduunku jirayba wuu jiray Jacaylku marnaba Adanaha Qalbigiisa kama bixin waxa loo yaqaano jacaylku ,waxaba la odhan karaa waxa uu la kowsaday Dunida,iyada oo ay bilaaben Abaheen Adam iyo Hoyadeen Xaawa ,kuwaasi oo ahaa lamanahii ugu horeeyay Ilahay keenay Dunidan, udub dhexaadkana u ahaa.

Marka aan ka hadlayno Jacayl waxa aan uga jeedaa waxa ay somalidu u taqaana Cashaqa amma Jacaylka ka dhex dhasha laba qof ,sida Nin iyo Gabadh ,kuwaasi oo ku balama in ay is Guursadaan ,kalgacal iyo jacayl dhex maray awadood.

Hadii aan jacayl jirin

Jaar lama ahaadeen

Hadii aan jacayl jirin

Jagi lama cayareen

Hadii aan jacayl jirin

Aduunyadu ma joogteen

Ragga Somalidu waxa ay wakhtiyadii hore uu dhoofi jireen wadamada Carabta qaar ka mida ,waxaana dhacaysay in Ninku inta uu Gabadh kula heshiiyo Guur uu ka maqnaan jiray Sanado fara badan ,sida Laba Sano ilaa Afar sano, gabadhuna ay sugu jirtay oo aanay marnaba shaki ka qabi jirin in uu balantii amma wacadkii ay ku heshiyeen ee Guurka uu kaga baxo, ninkuna sidaa si leeg ayaa ku niyad samaa Gabadhaasi in aanay marnaba ninkale ka raaci doonin.

Hadii aynu wax yar ka tilmaano qaabkii iyo farsamooyinkii ay adeeg'san jireen dadkaasi marka ay doonayaan in ay wada xidhiidhaan ,faraq wayn ayaa u dhaxeeyay kan maanta ,waxanay ahayeen kaaf iyo kala dheeri .

Waxaa jiray wayadii hore waxyabo badan oo caqabad ku ahaa dadka is jecel ee dhoofka ku kala maqan ,waxa kaliya oo lagu wada xidhiidhi jiray waxa ay ahayd Warqad qof loo soo dhiibo amma in qof imanaya fariin Afka laga soo faro iyo in Boosta Warqado kooban la isu soo dhigo , hadiiba ay jirtay Boos si fiican u shaqaysaa.

Wax yabaha aadka loola yaabo amma cajiibka ah waxaa ka mid ahaa in Labadasi qof ee balanta Guurku ka dhaxaysaa ay Warqadaha kale heli jireen ugu yaraan Halkii Sanaba mar,amma ka badan ,taasi waxa ay ku tusinaysaa niyad'samaanta iyo is aminku wakhtiyadaasi inta uu leekaa iyo duurufaha war'isgaadhsiinta oo aan u jirin sida maanta.

Sida runtaa markasta qofka dhoofka ku maqani wakhtiyadaasi hore waxa uu ahaa Ninka,hadaba marka uu rabo in uu Warqad usoo diro Gacaladiisi Dalka joogtay waxaa dhici jirtay in Warqadaasi loo soo dhiibi jiray nin wadankii imanaaya ,kaasi oo waliba ay dhici jirtay in uu Markab soo raaco,kadibna soo dhaxo muddo badan ,ninkaasi oo lagu magacabi jiray Janaale soo degay.


Waxaa kaloo iyana dhici'jirtay in Warqada Jacaylka ah ee uu ninku soo qoray ay soo gaadhi jirtay gabadha muddo aad u badan kadib,balse layaabka kale waxa uu ahaa in Gabadhu Jawaabta ay celinayso ay la sugto ninkan Janalaha ahi xiliga uu noqonayo ,taasi oo dhiciba karta in ay qadato mudo Dhawr bilooda.

Waxyabaha kale ee aan xasuusto waxaa ka mid ah ,in ay dhacdo in Magalo dhan warqadaheedii loo soo dhiibo hal nin Janaale ah oo Wadanka imanaya , kadibna ay ku qaadato in qofkasta warqadiisii uu ugu geeyo meeshuu joogay xataa haday tahay Miyiga (baadiyaha)

Waxaa kaloo jirtay in labada qof ee balanta Guurku ka dhaxaysaa midkastaba uu lahaa Hal saxiib ,haduu u batana uu lahaa Laba saxiib ,waayo Saxiibka faraha badani waxa uu qayb ka qataa dhibatada iyo isku dirka labada qof ee balanta Guurku u taalo.

Waxaa kaloo caqabad jirta ahayd inta bada ,in Labada qof ee Warqadaha Jacayka isu qorayaa midkoodna aanu aqoon u lahayn Luqada ay warqadu ku qoran tahay,taasi oo keeni jirtay in markasta Warqadaha lala raadsado cid akhrin karta ,hadana iyada oo sidaas ah ,waa ay yarayd in labada qof ay sirtoodu baxdo.

Waxaa kaloo layaab lahaa in mararka qaar aan Warqadba la isu qori jirin ,balse qofkastaba uu fariin soo fari jiray qofka halka uu joogo ka imanaya,sidaasina ay wararka ku kala heli jireen.

Waxaa dhici jirtay mararka qaar ,in Warqadaha la isu diraayo ay kasoo bixi jireen hadalo deel qaaf iyo meel ka dhac ku ah balantii iyo guurkii lagu heshiiyay,taasna waxaa sabab u ahaa dadka warqadaha qoraya oo ka fa'idaysan jiray aqoondarada labada qof ,kadibna Xaasid ku noqon jiray una kala gudbin jiray faarimo qaldan.

Si looga badbaado Turjumaanka xaasidka ah ,ayaa waxaa baryahii danbe loo badalay, in Ninka iyo Gabadhu ay Fariimaha isugu diraan Cajalad ,iyada oo ay isticmaali jireen inta aan xasuusto ,Rikoodkii la odhan jireay Badhan'Casaha kaasi oo qayb libaax ka qaatay is'fahankii labada qof.

Waxa iyaguna Magalooyinka kusoo batay Dukaamo iibinaya Cajaladaha wax lagu duubo ,wakhtiyadii danbana waxaba jirtay in Magalada Hargaysa laga furay goob ganacsi oo la odhan jiray Cilmi Boodhari Stiro ,kaasi oo lahaa qolal yaryar oo loogu tala galay in ay fadhiistaan dadka cajaladaha dadkoodii u diraaya ,iyada oo loo diyarin jiray Rikodhkii iyo Cajaladiiba.

Balse isku soo wada duuboo hadana waxa dhacaysay in balantii iyo Wacadkii Guurka ee ay wada galeen labadasi qof ay adkayd in midkoodna uu kan kale kaga baxo amma uu khayaano ku sameeyo wakhtigaasi .

Waxa aan xasuustaa Warqadaha ay labada qof isu qorayaan wakhtiyadaasi waxa astaan u ahaan jirtay Wadne aad u wayn oo Falaadhi ay dhexda ka qotonto. waxa kaloo ka mid ahaa heesahoo warqadaha la isugu soo qori jiray:-

Adiga Hud hudyaw , hawada lalayee

haweeya hadal , mayga gaadh siin

Maryama muxiboy , Madheedhka awaare

Midhihii ka bislaaday baad tahay

Balan'baalis qalimale , Hadba laan ka booda , adna ii bidhaantaa

MAANTA IYO JACAYLKA 
Wakhtiga maanta aynu ku jirro waxa aad mooda in uu Jacaylku ka gadisan isla markana uu ka meeqaan liito Jacaylkii wakhtiyadii hore, , iyada oo hadana ay maanta jiraan wax yabo badan oo aan is odhan karo waxa ay fudaydinayaan is aminka iyo iska warhaynta labada qof.

Maanta labada qof ee balan Guur ay dhex taala wadankana ku kala maqani waa ay adag tahay in ay hal malin amma sida dhalinyarada qaar Sacad sacad,Daqiiqad daaqiqad la isaga war hayo,iyada oo la haysto dhamaan Aladahii sahlayay waxaasi oo dhan sida,Facbook ,Vibr ,WhatApp, intaasi waxaaba kasii daran iyada oo ay dhacayso in Labadii qof ay si toos ah u wada sheekaysan karaan iyaga oo is arkaya isna hor fadhiya.

Sida aynu kor kusoo sheegnay Dadkii wakhtiyadii hore Mucashaqiinta ahaa Warqadaha ay isu qorayaan waxaa ku sawirnaan jiray oo kaliya hal Wadne oo Falaadhina ay dhexda kaga taalo.balse dhalinta maanta waxa ay iyagu haystaan waxyabo aad fara badan oo ay u adeegsadaan soo jidashada iyo Jamashada Jacaylkoda sida aad ku arkayso Aladaha casriga ee la adegsado.

Hadaba iyada oo ay waxaasi oo dhami jiraan ayaa hadana wakhtigan xaadirka waxaa badan oo si joogta ah markasta u dhacaya kala shaki ku abuurma labadii qof ee balanta Guurku ka dhaxaysay.

Waxa aad wakhti kasta oo Allah keenaba maqlaysaa isla markana aad arkaysaa dad xidhiidh Guur oo fiican uu ka dhaxeeyay hadana si sahala ku kala tagaya kuna kal noqday .

Waxaa iyana qayb wayn ka qaata kala shakiga dagdegaa ee dhalinta maanta iyada oo qofkastaba uu leeyahay saxiibo aad u fara badan oo mararka qaar aad is odhanayso malaha qofkiiba waxa uu saxiib la yahay ugu yaraan 20 qof iyo ka badan ,taasi oo iyana dhawac wayn ku noqon karta xidhiidhka labada qof ee kala maqan ee hadana wada jooga.

Hadii aad u kuurgasho sababaha keenaya in ay si sahlan ku kala tagaan ,kuna baabiyaan balantii iyo wacadkii ay dhigteen,waxa ay midkastaba uu kuu sheegayaa in ka kale uu ka qaban waayay Talafonka,Viberka iwm .

Taasi waxaaba kasii daran oo iyaduna qayb wayn ka qadata kala daga labada qof arimo aad u sahlan oo ay ka mid yihiin,in midiba midkala kale uu ku eedaynaayo in uu xidhiidh la leeyahay qof kale ,hadii aad waydiiso in uu arintaasi wax cadayna u hayana ,waxa uu ku odhanaya haa ,waxa aan arkay iyada amma isaga oo Facbook like amma shari garaynaya qofkale amma Commenti ka bixinaya barnamij uu qofkale leeyahay.

Waxaa iyana la odhan karaa waxa qayb wayn ka ah mushkiladahan aynu kasoo sheekaynay ee dhalinta maanta ,iyada oo la iska barto la iskana caashaqo Aalada Internedka ,muddo yar ka bacdina si fudud loo kala noqdo.

Hadiiba ay jirto in Halku dhig iyo Heeso la isu mariyo Hawada heesahaasi laftoodu mahan kuwo xigmad caynkaasi ah ku fadhiya ,bal aynu waxyar kasoo qadano heesaha sanadka:-

Waa dhamac jacay , nafta dhawacoo , ani dhawacoo dhalan rogay jidhke

Dhuuxiyo qalbiga , i dhex qaadayoo , Wadnahay dhaglee dhag dhah

Bal hadaba Akhriste waxa aad is waydiisaa wakhtiyadaasi hore ee aynu kasoo sheekaynay xataa Labada qof ee Balanta jacaylku ka dhaxaysaa ma aysan haysan wax dhaqaala ah, waana'ta kalifaysay in Ninkuu uu tacabiro amma uu tahriibo ,sababta kaliya ee tahriibka ku ka lifaysayna waxa ay ahayd Guurka iyo gabadhaa uu balanta ka qaday sidii uu u guursan lahaa Guri iyo Gaboodna ugu samayn lahaa.

Balse maanta iyada oo ay dhici karto in mararka qaar ay si sahlanba lagu heli karo dhaqalaha labada qof ay isku guursadan,ayaa hadana waxaa jira kala shaki iyo isfahan waa aad u badan oo dhex yaala dhalinta maanta.

Halkee ayay sartu ka qudhuntay halkee ayay wax ka si yihiin, ma aladahan Casriga ee inagu soo biiray ayaa mushkilada watta mise inaga ayaan uga fa'idaysan sidii saxa ahayd.

Xalka waxa aan u arkaa ,ha loo noqdo ku dhaqanka Diinteena suuban iyo Dhaqankeena kiisa wanaagsan.



W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar