SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Riyo ayaan Gabadh ku Guursaday hadana Riyo ayaan ku Furay.


Sida runtaa xiliga dhalinyaranimadu waa xilli aad u qaali ah ,isla markana qofka dhalinyarada ah waxaa ku jira tamar iyo firfircooni dheerada taasi oo u bahan in looga fa'idaysto dhinaca wanaaga iyo Allah ka cabsiga.

Waxaa jiray nin dhalinyara ah oo aan waligii Guursan,tamar iyo xoogna isu gaystay ,malaha joogana xiliguu uu gayaankiisa Gabdhaha mid ka mida uu guursan lahaa.

Wiilkaasi waxa uu ahaa dadka had iyo goor ay ku badan yihiin xiliga hurdada riyooyinku ,gaar ahaan Riyooyinka ku saabsan wada sheekaysiga amma hasawaha ragga iyo dumarka.

Habeenkii Ilahay keenaba waxa ay u ahayd Riyo in uu ku arko isaga oo Gabadh qurux badan la sheekaysanaya ,balse hadana madama ay Riyo tahay waxa ay ku danbaysaa hal Bacaad lagu lisay.

Ninkii dhalinyarada ahaa wax uu Riyooyinkaasi isdaba jooga ku jiraba ,wax ay habeenba Riyo noockala ah sida filimka soo martaba, habeen habeenada ka mida ayaa sidii cadadu u ahayd waxa uu ku riyooday isaga oo Gabadh aad u qurux badan la sheekaysanaya ,Riyada gudaheediina uu ku qancay muuqeeda iyo quruxdeeda.

Riyada gudaheedi ayaynu ku jirnaaye wiilkii iyo gabadhii waxa ay isu barteen si fiican , ilaa heer ay isla gadheen in ay is Guursadaan, waa isla riyada gudaheediye kala qorteen Talafonadii waxanay ku balameen in soo wada hadlaan .

Riyo wax kasoo qaad malaha badankeeduye ,waaxa baryay waagii kadibna Wiilkii dhalinyarada ahaa waxa uu furaashkisii ka kacay isaga oo kaliya,iyada oo cid ku wehelisana aanay jirin , sheekadii ,mala'awalka ahayd ee xalay riyada u ku dhisayna ay dhamatay .iska jiifba lahaydee.

Balse markii uu Suuqa usoo baxay ayaa waxaa maskaxdiisa kusoo dhacday in uu Gabadhii uu Xalay ku Riyooday uu la hadlo ,madama uu wali xasuusan yahay Talafonkii ay riyada ugu qortay.

Waa mid Subxanalee waxa uu garacay Talafoonkii ,nasiib wanaag waxaa ka qabatay Gabadh uu ilaa xad codkeeda Riyadii ku xasuusto, waaba iyadii oo aan Biyo ismarin.

Markii uu dareemay in codkani uu yahay Gabdhii xalay Riyada uu kula kulmay ,heshiiska Guurkana uu la galay ,ayaa waxa la is dhaafsaday hadaladan:-

Wiilkii :walal waxa aan ku waydiiyay ma waxa aad tahay inanta layidhaa ......?

: haa walal waa, adigu kumaad tahay ?

: walal aniga magacayga waxaa la yidhaa ...... ee barasho wanaagsan.

: barasho wanaagsan balse isu kay sheeg ku garan maayee,waxaase ku waydiiyay Talefonkayga halkee ayaad ka heshay , yaa ku siiyay?

Wiilkii: walal talafoonka adiga ayaa i siyay oo ii qoray Xalay.

Gabadhii: yaa ma anigaa kuu qoray ,xalayaa ,oo halkeen xalay isku aragnay ?

Halkaa marka ay sheekadu marayso ayaa Wiilkii uu Gabadhii waxa uu uga sheekeyay in isbarashadoodu ay ka bilabantay Riyo uu xalay ku arkay iyada.

Intaasi ka bacdi waxaa ka bilabantay isbarso aad u layaab badan ,waxa ay noqdeen Inankii iyo Inantii kuwo barashaduudu ay aad u sii siyaado ,waxa ay noqdeen dad kalgacal iyo jacay dhab ahi uu ka dhex dhacay kadibna waxa ay aakhirkii ku balameen in ay is Guursadaan.


Balantii iyo heshiiskii guurka markii mudo laga joogay , ayaa waxa la go'aansaday in la guda'galo hawshii Guurka ,waxa ay labadii dhinacba ogaysiiyeen hawshodii Walidiintii dhashay ,waxa la galay tababushii Meherka ,kadibna waxaa halkaasi ka dhacay Meher aad u layaable.

Mudo yar ka bacdi ayaa hadana waxaa lagu heshiiyay in Guri galkii iyo Arooskii la dhameeyo .waxaana la qabsaday in Wiigan soo socda laga dhigo Aqal-galka .

Mudadii Aqalgalka lagu balamay marka ay hal maalin ka hadhay ayaa Wiilkii sidii u cadada ahayd habeen habeenada ka mida ayaa hadana waxa uu ku riyooday ,iyada oo Mindi afwayn galinaysa gabadhii uu Guursaday ,isla markana dilaysa qoortana ka goynaysa.

Markii waagii uu baryay ee uu Hurdadii ka toosay ayaa waxa uu la shawray lana tashaday naftiisa ,kadibna waxa uu iswaydiiyay su'aalo ay ka mid yihiimn.

Madamaa gabadhan aad Riyo ku guursatay isla markana ay riyadii rumoowday Gabadhiina aad meherisay,malaga yaaba hadana madama aad ku riyootay iyada oo ku dilaysa in Riyadan danbana ay rumoowda oo ay ku dishaba naftana kaa qaado.

Alaylaha haa ayuu isku qanciyay, kadibna waxa uu Go'aan saday in uu Guurka gabadhan halkaasi kaga hadho ,waxa uu waalidlkiina ku qanciyay in Gabadhan aanu guursan ee uu waliba furi doono.

Malintii danbe ayaa sida Somalida u cadada ah ayaa waxa arintii ka xanaqay odayashii ay kasoo jeeday Inantu waxanay ka codsadeen in warcad laga siiyo sababta Gabadhan Guurka loogala noqday.

Waxaa gole laysugu keenay Odayashii labada dhinac ,waxa kaloo iyana goobta lasoo fadhiisiyay Inankii iyo Inantii Guurku ka dhexeeyay ,waxaa su'aal la waydiiyay Wiilkii dhalinyarada ahaa waxana laga codsaday in uu sheego isla markana uu cadeeyo sababta keentay in uu heshiiskii Guurka gabi ahaantiiba uu ka baxo.

Waa arin Afkala qaad iyo amakaag lehe wiilkii inta uu istagay Shirka dhex disii ayaa waxa uu ka yidhi hadaladan :-

Martida sharafta leh aniga oo Salamaaya waxaan idiin sheegayaa in Gabadhan aan markii hore Riyo ku bartay kuna Meher saday ,hadana aan Riyo ku arkay iyada oo i dilaysa tasaa keentay in aan Guurka iyo balantiiba ka baxo .

Riyadii xalaybaan rumaystoo raxaan moodoo waan riyaqee!!



W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar