SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Qaybtii 6-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY

Akhristayaal intiinii sheekada qaybteedii hore la socotay waxa ay inoo maraysa iyada oo Ninkii dhalinyarada ahaa uu kasoo badbaaday Dhibatoyinkii badnaa ee soo qabsatay intii uu tahriibka kusoo jiray ,kadibna soo galay Magalada Tiripoli ,isaga oo markii u horaysayba la hadlay Walidkii dhalay una sheegay nabad qabkiisa.


Saxiibayaan aynu kusoo noqono sheekadeenii inoo socotay ,waa kan walalkeen isaga oo halkii ay maraysay inooga bilaabaya:-

Sida ay ka wada warqabaan dhalinyarada tahriibka kusoo martay Libiya amma kuwa hadaba jooga, mar hadii Ilahay kasoo nabadgaliyo safarka tahriibka qaybtiisa hore ,waxaa kula gudboon marhadii aad soogaadho Wadanka Libiya in aad aqoon dheer u yeelato Sadax arimood oo kala ah :-

1. In aadan degdegin oo anad markiiba si dhakhso ah anad u Fuulin Doonyaha tahriibka ee Badda,waxana fiican in aad waraysato dhalinta aadka u badan ee Joogta wadankasi,qaarkamidana lagaba soo celiyay iyaga oo saran Doonyahii ay ku tahriibeen wadamada Yurub qaar ka mida.

2.In aad shaqaysato isla markana aad xamalato,waayo inta badan Libiya la-mid maaha wadamadii Lacagta la isugu soo dirayay.iyada oo shaqooyinka Libiya laga helaana ay u badan yihiin ,dhismaha Guryaha oo laga yaabo in aad kuuli ka hesho.,Babuur maydhis iyo mararka qaar oo sida Oromada Beeraha aad fasho .

3.Hadii aad tahay qof ajanabi ah isla markana aad Libiya ka hesho shaqoyinkasi yaryar ee aynu kor kusoo sheegnay, waxa aad ku tala-galaysaa in ay dhici karto in dadka ad u shaqaynaysa anay Lacagba ku siin kuna dafiraan qaarkoodna kulaba dagalamaan ,adna anad u yeelan awood iskaga difaacdo waayo waxa ad wadanka ku joogta sharci darro.

Asxabeey waxa aan ka mid noqday dhalinyaradii joogtay Magalada ,waxa aan durba kasoo raysanayaa (fiicnanayaa) safarkii aadka u dhibta badnaa ee isoo maray ,inkastoo aan ogahay in uu ii danbeeyo safarkii u xumaa ee Doonta Shiraqa Badda lagu galayay .

Waxa aan ka codsaday dhalinyarada magalada iiga soo horaysay in ay shaqo ii radiyaan ,waxa ay ii sheegeen dhalinyaradii in aanay inta badan suragal ahayn in shaqo laysu raadiyo ,balse waxa ay i geeyeen meel ku taala badh-tamaha Suuqa ,halkaasi oo inta aad maanta oo dhan bacadka aad taagnato hadana ay dhacdo in cid kuu yeedhaba aad waydo.

Asxabeey waxa aan ku kalahay goobtii Wadada ee loo shaqo raadsan jiray waxa aan kolba Indhaha la raacaya Babuurta soo socota iyo kuwa sii socda ,waxa ay dhagahaygu u furan yihiin dhagaysiga dhawaaq kasoo dhex yeedha Gaadhi gudahii .

Dhibta kale ee aadka ii haysata waxaa ka mid ah ,aniga oo aan aqoon u lahayn luqada Carabiga ,balse luqada Ingirisiga aad ayaan ugu fiicnahay ,waxase ay balo ka joogta maba jiraba qof reer Libiya ah oo aad isleedahay luqada Ingirisiga ayuu yaqaana.

Maalinkii oo dhan waxa aan taagna Dariiqa cid ii dhawaaqda amma ii Gacan hadisana waa aan wayay , kaga sii darane dhalinyarada Somaliyeed ee meesha ila tagan markasta Babuur ayaa u Gacan hadinaya ammaba u istagaya balse qaarkood waabay iska didayaan,calashaan iyaga oo kala bartay kooda bakhaylka ah iyo kooda muhaniga .

Asxabeey waxa an maalinkasta Wadadii Taagnadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa la iiga dhex dhawaaqay Gaadhi Wadada dhinacan aan taganahay mooyaane dhinaca kale ka maraaya, kadibna orod ayaan isa siidaayay aniga oo doonaya in Wadada dhinaceeda kale aan uga talaabo,maalintasi Ilahay ayuunba i bixiyay Babuur badanina waa ay isku dhici gaadhay.

Waxa aan u tagay Gadhigii nasiib darro waxa aanu isku afgaran waynay luqadii ,kadibna waxa aan u yeedhay nin Somali ah oo iga turjuma, kaasi oo ii sheegay in nin kani uu doonayo in Gurigiisa looga shaqeeyo ,si kastaba ha ahaatee waxa aan raacay ninkii ,waxa uu i geeyay Guri uu leeyahay oo ku yaala Magalada dacalkeeda.

Markii Albaabkii Guriga nalaga furay ,aniguna aan Gadhigii kasoo dhadhacay ayaa waxa igu soo ururay caruurtii uu dhalay iyaga oo ku leh Abahood sida aan hadalka ka fahmay ,Aabo maxay ayuu ninkani inoo qabanayaa .

Abihii waxa uu caruurtisii ugu jawabay waxa aan donaya in uu dhamaan Qashinka Gurigeena buuxiyay in uu inaga guro ,isla markana uu geeyo meesha Kudafada lagu daadiyo ,waxa kaloo uu raciyay ,waxa aan geynayaa Beerteeni si iyadana uu uga shaqeeyo .

Intaasi ka dib waxa uu ninkii i geeyay meel Gurigiisa dabadiisa ah oo ay Kudaafadi ka buuxdo kadibna waxa uu ii sheegay in dhaamaan waxaas oo dhan aan guri inta aan Baco waawayn ku guro kuna soo qubi doono meel loogu talagalay .

Asxaabeey dan iyo xarago iswayday, Surwaalka ayaan u laablaab-tay ,maba ihi ninkii aqoonta lahaa ee Jamacada Burco u fadhiisanayay, waxa aad i moodaa in aan waligay ka mid ahaa dadka Qashinka gura macnaha xariifnimada iyo Dagdaga iyo sidaan u nadiifiyay Gurigii Xajiga , urta iyo qadhmuunka kasoo kabacaya Kudaafadaasi maaha wax loo adkaysan karo,balse hadana waxa ka wayn duruufta aan ku jiro.

Asxaabey Qashinkii intiisii badnayd markii aan guray xiligii Qadadana la gaadhay , ayaa wiilyar oo uu dhalay Xajiga Guriga lihi waxa uu isaga oo aad dareemayso in uu iga cabsanayo isoo hordhigay Bilaydh yar oo aan is idhi malaha Shinbiraha ayay wax ku siiyaan, gudahiisana ay ku jirto cunto aad dareemayso in la-fara-fareeyay isuguna jirta,Digaag,Baasto iyo Bariis xataa waxa ka dhex muuqda Kaluun.

Waxaa i haysa gaajo boqol jirsatay , xataa ma haleelin oo ma xasuusan in aan faraxasho ,aniga oo hareeraha iska eegaya ayaan ayaa Cuntadii afka ku boobay , kadibna waxa aan halkaas ku tuuray Saxankii oo madhan ,kaga sii darane sida baas ee aan wax u cunaayo waxaa Daqadaha Guriga iga soo eegaaya dhamaan dadkii Guriga lahaa ,iyaga oo la yaaban duruufta iyo darxumada i haysata oo ma dan ayaan ka leeyahay .

Asxaabeey markii aan Fadarashinkii caloosha ka buuxiyay ayaa waxa aan ka codsaday ninkii aan u shaqaynayay in aan u bahanahay Suuli (musqul)balse madaxa ayuu ka ruxay isaga oo ii diidaya in aan Gurigiisa amma Suliigisa galo ,waxa kalee oo aan ka dalbaday in uu i siiyo mushqayadii aan ku shaqaynayay ,kadibna waxa uu igu yidhi Barri ayaan ku siinayaa oo waxa aad ii qabanaysaa shaqo kale.

Waxa aan ka imi aniga oo jidh ahaan daalan ,niyad jabsan, Lacag la'aanina ay ii raacdo, waxa aan jeclaan lahaa in uu isiiyo Lacagta yar ee aan ugu shaqeeyay si aan duruufta naftayda haysa ugu maareeyo.

Waxa aan imi aniga oo aad u dalan Gurigii aanu Magalada ka daganayn aniga iyo dhalinyaradu .kadibna waxa aan uga sheekeyay dhalintii qisadii isoo qabsatay, qaabkaan Kudafada u guray iyo Cuntadii Fadareeshinka ahayd ee la i siiyay iwm waxa kaloo aan u sheegay in Lacag la'aan la isoo diray ,kadibna waa la igu qosqoslay waxana loo arkay in ay tahay wax iska cadi ah marka Libiya la joogo.

Daalkii iyo Madax xanuunkii ayaa la dhacay oo aan seexday ,markii waagu ii baryayna waxa aan ku kalahay goobtii shaqada loo istaagi jiray ,cabaar markii aan taagna ayaa waxa soo maray ina yeedhay isla ninkii aan shalay u shaqaynayay ,kadibna waa aanu is raacnay waxanu i geeyay Beer uu leeyahay oo ku taala Magalada dacalkeeda ,taasi oo aan qodaal badan ku sameeyay aadna ugu daalay.

Markii aan dhameeyay shaqadii ayaan waxa aan waydiistay in uu i siiyo isuna kay raaciyo Lacagtii shaqada ee Labada cisho ,kadibna sidisii waxa uu i yidhi barri ayan ku siinayaa ,anna waan ka diiday kadibna ,DHARBAXUU QADAY OO LABADA INDHOOD AYAAN WAXBA KA ARKI WAAYAY,KADIBNA DHULKA AYAAN KU DHACAY ANIGA OO GAGABSAN ,balsde hadana aniga oo kolba turun turoonaya ayaan Albaabkii Beerta ka booday waxa aan kasoo talaabay Wadada ,waxanan masaafo ad u fog kasoo lugeeyay meeshuu i geeyay .

Ilahay amalkii waxa an tagay Gurigii aanu daganayn,waxanan dhalintii uga waramay waxa igu dhacay ,waxa aan tusay nabarka wayn ee Wajiga igaga yaala ,balse waa niman bisladay ,sidii cadada u ahayd waa la igu qoslay waana la iga maadaystay ,sababta oo ah Nin aanay arintan oo kale kusoo dhicin ma jiro.

Asxabeey waxaan idiin sheegaya wakhti badan oo an ka yarayn 5 shan Bolood ayaan markan jooga Libiya ,waxkasta oo igu dhaca waan u dulqaatay waayo aniga ayaa ka imi oo kasoo Cararay Wadankaygii aan sharafta iyo cisiga ku lahaa,shaqo kasta oo la iidiro waa aan qabtaa ,qofkii aan Lacag ka helo waa aan ka qaata,kii aan Lacag ka wayana waxaan idhaahdaa nabadeey oo naftayda ayuunban kala carara.

Lacag fiican ayaa jeebada iigu jirta dhibkastaba haygu soo dhacdee ,waxa la gaadhay xiligii aan fuuli lahaa Doonta tahriibta ee Badda ,waxa aan ku tashaday in aan u diyaar garoobe fulitaankii Doonta ,aniga oo iminka khibrad badan u yeeshay qaabka looga tahriibo Libiya dhamaana kala wada bartay Mukhalasiintii wax tahriibinaysay .

Akhristaw halkaasi marka ay sheekadu marayso ayaa waxa aan waydiiyay Dhibanaha dhalinyarada ah,madama waxaas oo dhibata ah aad soo martay isla markana aad markasi arkaysay in aay kuu hadh-san  tahay dhibtii waynayd ee Baddo maxaad uga joogi wayday  ,waxa uu igu jawabay.

Maya maya taasi wax dhici kara maahan ,waayo yoolkii iyo guushii aan ku hamiyayay waxaa iga xigay oo kaliya Badwayntaasi isha Allaah iyadana waxa aan rajaynayay in aan ka gudbi doono.

la soco qaybta 7 aad.

Qofkasta oo Sheekadan Qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa Barahayga hoos ku magacaban :-
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment