SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhuxusha hadii la joojiyo ,maxay dadku wax ku karsanayaan?

Waxa aynu in badan ka maqalnaa Warbahinta kala duwan, iyada oo laga hadlaayo in la joojiyo Jarista iyo xaalufinta Dhirta ,isla markana Dhirta laga dayo Dhuxusha laga shidanaayo taasi oo markasta lagu macneeyo in Dhulka iyo deegaankaba uu nabaad
guur ku imanaayo,waa rayo fiican .


Sida runta waxa ay ila tahay in aanay fiicnayn in Dhirtii Ilahay inagu manaystay aynu dabar goyno,dhamaantoodna aynu Dhuxul ka shidaano,taasi oo inoo keeni kartay in Dhulkeenu uu nowqdo mid xaalufa oo dhamaanba ay Dhirtii ka dhamaatay.


Balse hadaba wali ma la iswaydiiyay Sababta Dhirta looga shidaayo Dhuxusha ,waxa ay ila tahay in Su'aashasi aanu qofka mugdi kaga jirin ,in Dhuxushga la shidayaa ay tahay middi inaga lafteenu aynu ku noolayn ,maanta Qoyskasta oo ku nool Dhulka Soamalida waxa uu wax ku karsadaa Dhuxun.

Hadii aad qiimayn ku samayso bahida aynu wakhtigan xaadirka u qabno Dhuxusha aniga waxa ay ila tahay waa mid aad u balaadhan,qofkasta oo Somali ahi ugu yaraan waxa uu wax cunaa Malintii sadax jeer oo kala ah Quraac,Qado iyo Casho iyada oo ay soo raacdo wakhtiyo kale oo iyagana ay dadku wax karsadaan .

Dhamaan Dadkaasi waxa ay ku nool yihiin waxna ku karsadaan waa Dhuxusha aynu Dhirta aynu leenahay aynu ka shidano,waxaa intaasi dheer Maqaxiyaha aadka u faraha badan ee iyaguna Malinkasta isticmaala Dhuxusha ,taasi waxa ay ku tusinaysaa in isticmaalka dhuxushu uu yahay Halbawlahii nolosheena oo dhan.

Dad badan ayaa waxa ay maalin kasta ka hadlaan Joojinta iyo dabar goynta Dhirta waxana laga yabaa in Dadkaasi dhamaan marka ay Guryahooda dib ugu noqdaan waxa ay wax ku cunaan waxna logu kariyaa waa Dhuxusha .

Majiro sida ay aniga ila tahay Qof Somali ah oo aan maanta dhuxul wax loogu karin,hadii sida ay dadka qaar U FIKIRAAN hal Maalin ay joogsato Dhuxushu, waxa ay ila tahay in Dhulka aynu ku nool nahayba aan la arkeen cid wax Karsata.

Anigu ma dhiiri galinayo in Dhirteena la xaalufiyo, balse waxa aan ka hadlayaa inta aynu Jibbada iyo Laablakaca iska dayno aynu Xaqiiqda isu sheegno ,waa kee maanta Qoyska ka maarmay wax kunkarsiga Dhuxusha , ma jirto lamana helaayo ,xataa Nimanka Wadanka Madaxda ka ah iyaga ayaa ugu Dhuxul isticmaal badan oo Dharigoodaba aan dabka laga qaadin, hadana weaxa ay maalinkasta Warbaahinta lasoo taagan yihiin shidista Dhuxusha ha la joojiyo.

Hadaba inta aynu maalin walba ku celcelinayno joojinta iyo shidista Dhuxusha ,waxa ay ila tahay waxba yaan taas wakhti la iskaga lumin,wax suuragalayana maha ,inta ay dadka Noloshoodii oo dhami ku xidhan tahay wax ku karsiga Dhuxusha , dadkuna ay helayaan waxkale oo Booska dhuxusha ay ku badalaan istaagi mayso shidista Dhuxushu maalinkastana waa ay sii kordhaysaa oo waxa ay la jaanqafdaysaa Taranka dadka ee badanaya .

In Dhuxusha Shiditaankeedu uu bato waxaa qayb wayn iyana ka ah korodhka dadka oo markasta sii badanaayo,Magaloyinka oo sii waynaanaya, ugu yaraan qofkasta waxa uu maalintii u bahan yahay Laba Kilo oo Dhuxula oo uu wax ku karsado,yaa u haya waxkale oo uu ku badasho ,mise waxa aynu ognahay in aynaan Dhuxusha joojin karayn kadibna waxa ay inaga qabsatay DHUXUSHA HA LA JOOJIYO.

Waxyabaha hada lafteeda lagu yarayn karo waxaa ka mid ah in la joojiyo oo laga hortago kuwa ka ganacsade ee u iibka geeya Wadamada shisheeyo ,waxaa hubaala in Wadanka Gudahiisa dhuxusha lagu isticmaalo ay ka badan tahay tan dibada looga dhoofiyo ,Madaxda dalka waxaa waajib ku ah inta ay leeyihiin Dhuxusha ha la joojiyo ,malaha waxaa ka haboonayd horta in ay joojiyaan Dhuxusha dibada loo iibgaynaayo.

Waxa an ku talin lahaa inta aynu wakhti iyo dadaal iskaga luminayno Joojinta dhuxusha ,waxaa ila fiican in aynu ka fikirno sidii loo heli lahaa waxkale oo dhuxusha aynu ku badalano,Dadkuna wax ku karsadaan,markaasi ayaa Dhuxushu ay sideeda u istagaysaa amma way yaranaysaa isticmaalkeedu.

Dhuxushu waxbadan ayay inoo tartaa ,waana aynu ku nool nahay ,Lacagta yar ee aynu Gadbada Dhuxula ku kala iibsanaana Wadanka ayay gashaa, Dhuxushana Dhirteena ayaynu ka shidanaa ,balse waxaa jira Qaadka oo aan Dhulkeena aan ka bixin,faa'iidana aan inoo lahayn'Lacagtiisuna Dibada inooga baxdo,waxa fiican in kaas loo fikiro sidii loo joojin lahaa.

Dadku way jeclaan lahayeen in Dhuxushan wax u badala loo keeno, waayo waxa ay ku qabaan dhib aad u badan oo kala ah :-Dhuxushi waxa ay leedahay Karbon khatar ku ah noolaha ,Dhuxusha waxaa badan Qashinkeeda iyo Danbaskeeda,Goobaha aynu wax ku karsanaa waa kuwa ugu nadafad daran Guryaheena sababta oo ah Dhuxusha ayaa waxa ay wadataa Qashin aad u badan.

Dadka Aduunka ku nooli waxa ay wax ku karsadaan Sadax waxyalood oo kala ah, Laydh (koronto) Shoolada gaasta ,Dhuxul Dhagax iyo Dhuxushan aynu wax ku karsano ,inagu waxa aynu maraynaa shaygii Aduunku kasoo bilaabay in uu wax ku karsado , oo ah Dhuxusha Dhirta.

Guntii iyo gabagabadii ,wax'yaaba aan isleeyahay waa lagaga maarmi karaa Dhuxusha waxaa ugu dhaw inaga oo lasoo baxno Dhuxul dhagaxda wadankeena oo dhan ku jirta ,taasi oo hadii loo hagar baxo lasoo saari karo, dadkuna ay kaga raysan lahayeen dhibatooyinka badan ee shidista Dhuxushu ay leeyahjay.

Waxaan ku talin lahaa Dawlad iyo Shacaba Gacmaha inta la is qabsado ha lagu dadaalo sidii Dhuxusha wax badala Dadka loogu keeni lahaa,hana la iska daayo in maalinkasta aynu wakhtiga iskaga lumino wax aynan samayn karayn oo Nolosheena oo dhami ay ku xidhan tahay.
khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar



 

No comments:

Post a Comment