SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa Qaybtii 8-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY

Akhris'tayaal dhamaantiin aad ayaan idiin Salamayaa waxanan idin leeyahay SCWW ,intiinii sheekada qaybtii Todobaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo Wiilkii dhalinyarada ahaa uu ku sugan yahay Wadanka Libiya , isaga iyo Gabadhii ay safarka Tahriibka isku soo barteen heshiis guurna ay hada ku heshiiyeen.

Waxa ay ku heshiyeen in ay sida ugu dhakhsaha badan arintooda Guurka u dhameeyaan ,iyaga oo ku tashaday in aanay marnaba walidkood la socod siin arimahooda Guurka, sababta oo ah iyaga oo ka baqay in waalidku ku gacan saydho guurka xiligan ,madamaa ay ku guda jiraan Safar Tahriib oo aad u dhib badan .

Wakan isaga oo bal sheekada halkii inooga bilaaba:-

Asxabeey waxa aanu go'aan sannay in aanu ku dhaqaaqno arintii Guurka gaar ahaan meherkii, waxa aanu ka rooraynaa in aanu faaxisho iyo xumaan Shaydaan nagu qalqaaliyo, waxa aanu raadinay madama aanu nahay dad Muslim ah Wadaad isu kaaya meheriya ,kaasi oo aanu markiiba helay,hawshii meherkana noo dhameeyay.

Ayamo ka bacdina waxaabanu guda galnay Guri-galkii iyo Arooskii ,madama aanu Labadayaduba aanu haysanno wa'xooga Lacag ah oo aan sidaa u badnayn ,oo aanu ka helnay shaqooyinkii yaryaraa ,waxaa aanu go'aan sanay in aanu casumad u fidino dhalinyarada Somalida ee Tahriibka ku sugaysa Wadanka Libiya qaar ka mid ah .

Waxaa noo dhacay Aroos aad u fiican waxaa arooskayaga kasoo qaybgalay Magafayaal, Mukhalasiin iyo Dhalintii Tahriibka Libiya u joogtay ,kadibna waxaa noo dhacay Aroos layaable oo aan noocisu hore Libiya uga dhicin .

Saxibayaal Gabadhii aan Guursaday mudo yar ka bacdi waxa ay ii yeelatay Uur,Ilmo ayaa noo calool-galay, waxa aanu ku tashanay in aanu arimahayaga Guurka la socod siino Walidiintayo ,si ay nooga warhayaan hadba xalada aanu ku suganahay.

Waxaa kaloo Dadki Diinta aqoonta u lahaa ay nagula taliyeen in Guurkasta oo aan Walidka Gabadha dhalay aan lala socod siin uu yahay mid baadil ah, oo anay waxba ka jirin , arintaasi lafteedu waxa ay nagu abuurtay warwar aad u badan , waxaanu u dareenay in aanu nahay dad aan si Xalaala iskuba qabin .

Waxa aan la hadlay waalid kay, gaar ahaan hoyaday waxaa na dhex martay sheekadan:-

Markii aan talafonkii Mobaylka ee Abahay aan garacay isla markana aan Abahay si guud isu waraysanay ayaa waxa aan ka codsaday in uu Hoyana Talafonka igu dhiibbo,kadibna Hooyo ayaan arintii ugu waramay,balse Hoyaday waxa ay i waydiisay su'aalo anan ka jawaabi karayn ,waana kan hadalkii aniga iyo Hoyaday na dhex maray:-

Aniga: Hooyo salaan ka bacdi ,ma ogtahay in aan Guursaday oo aan Libiya aroos ku ahay.

Hooyo:waar maxaad tidhi aroosaa ,oo miyaad iska daysay meeshii aad ku socotay ee wadamada Gaalada ,naa siduu yahay ,muxuu yidhi ,aroosa ,hayeeeee ii waran !

Aniga:maya Hooyo iskama dayn lakiin hadana Gabadh ayaan guursaday ee isoo duceeya.waxanan kuu sheegayaa in ay Uurna ii leedahay.

Hooyo:Hooyo ilayn waxa aad intaaba ku socotay waa ducadayada'e ,waxaan ku wadiiyay ,maad Guurka u yara kaadisid inta aad ka baxayso wadanka aad joogto,mida kale bal iskaba guursoo ,Gabadha aad Guursatay wa'ayo waa qolama Hooyo !!

Aniga:hooyo waa inan Soomaliyeed ,magaceedana waxaa layidhaa .......!

Hooyo:waar Somali-lahayne waa qolama inantu,Hooyo inantu ma mid aan magac mooyee Qolo lahaynba,waar gabadhu waa qolama ,naa maanta ayaanu ba'nay ,Hooyo ma Tahriibkii ayaad ku khal'khashay,sideed u guursatay gabadh anad garanaynba qoladeeda jabnay jabnay!



Akhristaw aniga oo ah Ninka sheekada idiinsoo gudbinaya ayaa waxa aan waydiiyay ,Ninkii dhalinyarada ahaa ,adigu marnaba gabadha aad Guursatay ma waydiisay Deegaanka ay kasoo jeedo .

Waxa uu iigu jawabay: runtii marnaba ma'anan waydiin qabiilka ay tahay sababta oo ah, aniguba ma aqaano Qabiilka aan ahay marka laga tago magaca guud ee Qabiilka mooyaane .

Watan hadana sheekadii aniga iyo Hoyaday na dhexmartay:-

Hooyo:Bal gabadha ii dhiib in ay ku dhaanto ayada aan la hadlee,adiga awalba waan ku ogaa oo cidlaad ku anbanaysay'e .



Asxabeey Xaaskaygii oo aan igaba fogayn isuna kaya maqlaysa aniga iyo Hooyo ayaan u dhiibay talafoonka waana kan hadaladii dhex maray:-

Hooyo:Eedo ii waran sideetahay . ?

Xaaskii:Aedo waa Ficanahay , idinku sidee tihiin .

Hooyo:Eedo waanu ficanahay anaguye ,waxaan ku idhi Qoloma ayaad tahay eedo ?

Xaaskii:eedo ma muhiimbaa qabiilka in la isu sheego?

Hooyo:Eedo qoladaada ii sheeg miyanad qolo lahayn, naa maanta ayanu ba'nay ma Xabashiyad ayaad tahay ?

Xaaskii: eedo anigu waxa aan ku dhashay Gobolka........waxanan ahay qaabiilka layidhaa .............*



Hadaladaasi markii ay is waydaar-sadeen Hoyaday iyo xaaskaygu ,ayaa Hoyadii hadana waxa ay sii wadiisay Su'aalo aad u farabadan oo dhinaca Reerka ay ka dhalatay ah iyo reerka ay Hoyadeed tahay ,iyada oo sidaasi u yeelaysa kadib markii uu galay Dareen ah, in Reerka ay sheegatay uu yahay mid ay Hoyaday si fiican u taqaano.

Asxabeey Waraysigii Hoyaday ay la yeelatay gabadha aan guursaday, waxaa kasoo baxay arimo lama filaan nagu noqday ,kuwaasi oo ah in Inanta aan Guursaday ay noqotay Habar'wadaagtay Run ah,iyada oo ay dhashay Habar'yartay run ah oo aan waligay maqli jiray .

Waxaaba intaasi kasii daran ,waxaa isna aanu Ilmaabti Run ah noqonay Ninkii ay Gabadhan hore u kala tageen ,oo isagana uu dhalay Abtigay Run ah oo hoyaday la dhashay.

Aniga iyo Gabadhii aan Guursaday iyo dhamaan reerkiiba waxa nagu dhacay amakaag iyo yaab,waxaanu dareenay in uu Dhiig isugu kaaya jiray,waxa aanu oganay in waxa aanu isugu damqanaynay uu ahaa wada dhalashada iyo walaalnimada,waxa aanu dib usoo wada xasuusanay dhacdooyinkii xumaa ee nasoo wada maray.

Asxabeey waxanu xidhiidh sidoo kale la samaynay Famligii ay ka dhalatay Gabadhu oo iyaguna sidaasoo kale layaab uu ku noqotay Guurkayagu,balse hadana Labadii Reerba waxa aanu ka kasbanay Ducco iyo farxad dheerada ,madamaa aanu noqonay Laba walaala oo Wad mooyee waxkale aanay kala kaxaynayn.

Fiiro gaar ah :- aniga oo ah Ninka sheekada idiin soo tabinaya ,ayaa waxa aan waydiyay Inankii :-maxay ayaad dareentay markii ay Inantii ay noqotay Habar'wadaagta,balse arinta sidan u dhacday maxay ayaad isleedahay waa laga baran karaa.

waxa uu igu jawabay:-Runtii waxa ay ila noqotay arin layaable,waxa aan ogaday in ay Muhiim tahay iswaydiinta qabiilku marka laga eegaayo dhinaca fiican,waayo hadii kale waxaba dhacaysa in ay is guursadaan Laba walaalo ah ,waxaan kula talin laha dhalinta ,Qabiilka intiisa xun iskaga taga balse intiisa fiican ku dhaqma si aad uga badbadaan khataro badan oo ka iman kara Guurka .

Markii arimahasi dhaceen kadib aniga iyo Xaas kaygii waxa aanu noqonay kuwo isaga soo dhawaday intii hore,waxaa kordhay kalgacalkii iyo jacaylkii naga dhaxeeyay,waxaa saa'id noqday ,is aminaadi iyo wax wada qabsigii,waxa aanu noqonay laba qof oo si dhab ah nolosha u wadaga,waxa aanu is tusnay naxariistii iyo raxamadii qalbigayaga ku jirtay.

Saxiibayaal waxa aanu muddo iska sii joognay wadanka Libiya ,waxaa noo dhashay Inan (wiil) waxaa aanu u bixinay magaca Nageeye ,madamaa safarkii Tahriibka ee aanu ku guda jiray uu naga Nageeyay .



Waxaa aanu noqonay Reer ka kooban Sadax qof,waxaa nagu soo biiray culaysyo dhaqaale yaraan,madamaa Xaaskayga oo ahayd Laf dhabarka dhaqalaha qoyska , ay shaqadii joojisay kadib markii ay noqotay Hooyo Caruur dhashay.

Ilahay mahadii Inankii yaraa ee noo dhashay waa uu koray ,waxa uu gadhay Hal Sano, ,iyada oo arimahu halkaas noomaraya ayaa si lama filaana waxaa Libiya uga dhacay dagalkii aadka u xumaa ee aad wada maqasheen,waxaa cidhiidhi nagu noqday noloshii oo dhan,waxaaanu waynay dhamaan shaqoyinkii yaryara ,waxaanu dareenay cabsi iyo baqdin aan kala go'lahayn

Waxaa mararka qaar dhacda in Guryaha nalagu soo weeraro,waxaa bilabantay in Somalidii Libiya daganayd badankodii la ugaadhsado iyada oo Labada qolo ee isdilaya qoloba qolada kale ay ku tuhmayso in ay la jiraan.

Waxa aanu go'aan sanay inta aanay xalada wadanku sidan kasii xumaan in aanu ka baxno.waxa aanu radinay qaabkii aanu uga bixi lahayn,waxaa aanu helnay Dooni Talyaniga ku socota ,kadibna waxa aanu la heshiinay Mukhalasiintii .

Sida aan xasuusto waxa aanu raacnay Dooni ay saaran yihiin Dad gaadhaya 100 ilaa 80 qof , madama ay Doonti tahay Laba dabaq oo is kor saaran waxa aanu galnay khanka amma dabaqa hoose ,waxa aanu dhiganay Saliyo (joodariyo) lagu jiifsado ,kadibna Doontii waxa ay Liibiya nagala dhaqaaqday Habeen madaw ,iyada oo afka saartay Bad wayn.

Akhristayaal waxa aan idiin hubaa in sheekadani marba marka ka danbaysa,ay galayso marxalado layaable .

la soco qaybta 9 aad.

Qofkasta oo Sheekadan Qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconaya, barahayga hoos ku magacaban :-

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com


W.q .Qareen/khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment