SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

TAARIIKHA

Geed Qodax'leh iyo Gudin iyo Hangool waa waxaa Dhulkeena u gaar ahee laynagu gartaa.

Tariikhdu waa dhaxalka iyo dhigaalka dhabta ah ee bulsho leedahay,waa shay ay ka tageen Guurti iyo waxgarad ay umadi leedahay ,Tariikhdu waa shay meel la dhigo laguna ilaaliyo sida Beedka ,hoygeeda iyo Hugeeduna waxa uu yahay Qalin iyo Warqad lagu qoro laguna xafido.

Tariikhdu waxa ay ku tustaa kuuna tilmaanta meeshaad ka timi iyo meesha aad u socda, Tariikhdu waxa ay ku xasuusisaa waayahii wanaagsanaa iyo kuwii xumaa ee aad soo martay,waxa ay cashar kaaga noqotaa in aadan dib
ugu laban wixii aad hore usoo martay,Tariikhdu waxa ay kaa saxdaa qalad aad hore u gashay ,waxanay kugu dhiirisaa wanaag aad hore u fashay .

Tariikhdu waa Murayad la iska daawado la iskana arko ,waxa ay kaa hagajisaa wixii aad foolxumo soo lahayd iyo waxa aad hada leedahay ,Tariikhu waa waxa aad tahay adigu iyo waxa aad noqon doonto mustaqbalka,iyo waxa aad uga tagi doonto kuwa kaa danbeeya.

Tariikhdu waxa ay kuu ilaalisaa Luqada iyo Hadalka ad leedahay ee aad Dunida kale kaga duwan tahay,sida awadeed hadii aan Tariikhda la qorin waxaa lumaya oo aan dib loo arkaynin hadalkii iyo Odhaah'dii aynu Dadka kale kaga duwanayn,taasi oo aakhirka inna dhaxal siinaysa in aynu qadano oo ku hadalno luqado ajanabi oo aynaan lahayn sida iminkaba jirta.

Tariikhda hadaad qori waydo oo aad meel ku xafidi waydo way kaa tagaysaa kuuna joogi mayso,hadhawna waxa aad ku khasban tahay in aan qaadato oo aad Tariikh ka dhigato Tariikh ay umado kale qorteen meelna ku xafiteen waana mida maanta ina haysata.

Tariikhdu waa Huga iyo Dharka aad xidhan tahay ,Tariikhdu waa sumad aad isku garato adugu qofka aad tahay ,Tariikhdu waa waxa uu Awoowa yashaa ahaayeen, adiga iyo Abahana aad tihiin isla markana ay noqon donaan hadii loo qoro kuwa yaryar ee kaa danbeeya .

Tariikhu waa waxa aynu isku garano Dadkana iskaga soocano,Tariikhdu waa waxa aynu isu nahay iyo waxa aynu waligeen isu ahaan doono hadii aanay inoo qornaanina waxa lumayaa in aynu garano waxa aynu isu nahay ,taasi oo hadii ay dhacdo keeni doonto in aanu wax isu noqono cid anaan awal waxba isku ahayn ,taasina maanta ayay muuqataa.

Tariikhu waa Magaca umadi ay leedahay ee ay kaga duwan tahay Umada kale,Tariikhdu waa shay aan la mala awaali karin isla markana aan la samayn karin,Tariikhdu waa dhacdooyin dhab ah oo soo dhacay ,sidaa awadeed Tariikhdu marnaba ma aqbasho mala awaalka iyo kutidhi ku teen.

Tariikhdu waxa ay kuu sheegtaa kuuna tilmaanta wixii aad lahaan jirtay Dhar iyo Dhuuniba,tariikhdu waxa ay kuu ilaalisaa in aan lagaa majara habaabin dhaqankii iyo sooyaalkii aad lahayd isla markana aad kaga duwanayd dad yawgii kale .

Tariikhdada oo aad taqanaa waxa ay qayb wayn ka qadataa in aad garanayso waxa aad soo ahaan jirtay wakhtiyo hore,tariikhdada oo aad barataa waxa ay ku bartaa umad kasta tariikhdeeda kadibna waxa aad ogataa kuwa aad isku tariikhda tihiin.

Somalidu waxa ay leedahay Tariikho aad u facwayn ,isla markana ah Tariikho ay ka muuqdaan dhaqamadii iyo kaalintii aynu kaga jiray dad yawga aduunka gaar ahaan Geeska afrika.

Tariikh Somaliyeed oo isku duuban oo si wada jir ah u qorani waxa ay ila tahay in aanay jirin ,balse waxaa jira oo aad u badan Tariikho si gaar gaar ah uga Turjumaaya Qabiilkasta oo Somaliyeed wixii uu dhaqan iyo caado u lahaa .

Somalidu may lahayn luqad ay wax ku qorto amma ay ku xafidato wixii ka horeeyay Kacankii ,taasina waxa ay dhaxal siisay in la waayo Tariikh sugan oo Soomali u qoran,iyada oo laga soo xiganaayo Awoowa'yasheen .

Heestii Xasan Genay ayaa waxaa ka mid ahaa :-

Waqtigu wuu sunsumayaa

Midna waa la sugayaa

Soo jire ma noole'e

Qarni waliba wuu socon

Safna wuu ka daba dhalan

Hadba kooda sarakaca

Waxa sahayda uga taga

Kii horee sagootiyey

Somalida hadii aad doonayso in aad si kooban wax uga ogaato Tariikhaheeda ay lahayd waxa aad ka helaysaa Gabayada ,Maahmahyada iyo Halku dhigyada ay sameeyeen Murtiyaqanadii Somaliyeed ,iyada oo caynkaasa ayaa hadana ma jirto Tariikh isku duuban oo la odhan karo waxaa lahayd umadii Somaliyeed oo maanta meel ku qorani .

Tariikhda Somalida waxaa markasta si fiican uga dheex muuqanaya oo anad marnaba ka dhex wayay ,nimcoolayda Ilahay inagu manaystay ee ay ka mid yihiin Geela , Adhiga iyo Lo'da ,Gabay iyo Geraar kasta oo aynu leenahayna waa ay adag tahay in Sadaxda halku dhigyo ku saabsan laga dhex waaya gaar ahaan Geela iyo Adhiga

Heestii Xasan Genay.

Dhulku saacu wada gaadh

Waanu kala sed roonyee

Meel idaha seel u leh

Riyahana salool u leh

Oo geela saar u leh

Dhibta kale ee maanta jirta waxa ay tahay hadiiba maanta la is yidhaahdo wax ka qora Tariikhda umada Somaliyeed waxaa ka hor imanaysa in ay ad'kanayso in aad hesho wax badan oo aad Tariikhtii fiicnayd ee Somaliyeed aad ka qorto,sababta oo ah waxaa laga yabaa in Qaabka Qabyalada iyo kala qaybsanaanta jirta awadeed ay keento in aanba laguba heshiin qaabka iyo dhigaalka Tariikhda umada Somaliyeed.

Tariikh kasta oo ay umadi leedahay waxa ay ka turjumtaa lagana dheehdaa umadaasi dhaqankeeda,qaabkay u nolayeen,geesinimadoodii,waxyabahii ay dhaqan jireen ee ay cadada u lahayeen ,dagaladii iyo diriirtii ay soo galeen ,dagaladay ku adkadeen iyo kuwii lagaga adkaaday intuba waxa ay noqonayaan wax Tariikhda laga helo .

Hadaba maanta waxa aad u ad'kaan karta in umada Somaliyeed ay isku raacdo in ay isku si u wada aragto Tariikh uu nin aqoon yahan ahi uu diyaariyay,tusale ahaan Sodonkii Sano ee u danbeeyay Qoomiyada Somalidu meelkasta oo ay joogto waxa ay gashay Tariikh cusub oo ah dhinaca Qaba'ilka iyo dagaalo ka dhex dhashay .

Madamaa wakhtiga hada lagu jiro la heli karo Aladahii wax lagu qoraayay isla markana la odhan karo Somalidu waxa ay leedahay Aqoon yahan fara badan oo wax qori kara ,hadana hadii aan maanta lays yidhaa wax ha laga qoro Tariikhdii lasoo maray Sanadahii u danbeeyay waxaa laga yabaa in aanay dadku isku si u wada arag Tariikhdaasi.iyada oo laga yaabo in qaarna dhibsadaan qaarna ay ku farxaan.

Inkastoo ay maanta jiraan dad badan oo aqoon yahan ah oo isuna xilqaamay in ay intii taagtoda ah ay wax qoraan,balse hadana marka aad u dhabo gasho waxaasi la qoraayo waxa aad dareemaysa in aanay wada awoodin in ay si xeel dheer wax uga qoraan Tariikhda Somalida sababta oo ah dhinaca dhaqalaha iyo awooda oo aan u samaxayn in ay soo dabacaan Bugaag badan oo dadka waxtara .

Dhibta kale ee jirtaa waxa ay tahay in Dadka Somalidu ay u badan yihiin dad aan waxna qorin waxana akhrin,hadana inta yar oo wax akhridaa lafteedu waxa ay u badan yihiin kuwo aan xiisayn amma aan jeclayn in ay wax akhriyaan, taasna waxaa ugu wacan ayaan isleeyahay Somalidu waa Qoom sida runta ay ku yar tahay xadarada iyo waxbarashadu ,sidaa awgeed qofka Somaligii in uu Sacado kooban wax akhriyo waxa uu ka jecel yahay in uu Sacado badan uu TV dawado kuna madadaasho.

Si kastaba ha ahaatee waxaa fiican in si xeel dheer looga fikiro sidii wax looga qori lahaa loona ilaalin lahaa dhaqankii iyo hidihii aynu lahayn ee aynu Awaw-yadeen ka dhaxalnay,hadii aynu ilaalin wayno oo aynu dayacnana waxa aad ogataan in sida hadaba muuqata aynu raaci doono qaadana doono dhaqan iyo cadooyin ay leeyihiin dadkale oo Tariikh dooda iyo hidahooda ilaashaday kadibna qortay .

Qaoral kaygan kooban waxa aan kusdoo gaba'gabaynayaa odhaahdii Heestii Xasan Genay .

Taariikhda yaa dhiga

Dhidibkeedu waa kuma

Dhug u yeesha maansada

Hiddihiina dhaaban

Murtidiina dhuuxa ah

Suugaanta dhumucda leh

Hibadiina dhaladka ah

Dhaxalkiina weeyee

Dhawrta idinkaa lee







W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment