SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

MA RUNBA QOFKA XISHOODKA IYO AAMUSKA BADAN AYUU JACAYLKU KU DHACAA?


Tan iyo markii la bilaabay taariikhda sheekada Aadanaha ee ku saabsan sheekooyinka Jacaylka ah ,kuwa malawaalka ah iyo kuwooda runta ahba,  bini’Aadamku waxay ku raaxeystaan si qalbi furan sheekooyin jacaylka ka hadlaaya ee ka dhacay Dunida dacaladeeda.


Sheekooyinka Jacaylka ah kuwooda naxdinta leh iyo kuwa farxada lehiba isku si ayay usoo jiitaan Bini’aadmiga ,mana jirto wax ay ku kala duwan yihiin marka laga tago dhandhanka sheekada  farxad iyo naxdin halkay ku danbayn doonto.

Farxad iyo naxdin Jacayl ku salihi  labaduba dadka sida Bunka iyo Shaaha ayay usoo jitaan, Sababtu waa maxay?. Qof kastaa wuxuu rabaa inuu dareemo qaar ka mid ah jaceylkaasi  waayo waa hab wanaagsan oo lagu baabi'iyo harraadka jacaylka iyo Jacayl lamoodka qofkasta soo maray.

Noolaha oo dhami waxa uu daris la yahay Jacaylka, hadana Jacaylkastaa waxa uu jaar la yahay dhib,shaki,tuhun,run iyo been. Abwanada iyo Fananiinta Somalidu waxa ay inta badan hab-masraxeed kusoo bandhigaan Heeso iyo Riwaayado ka turjumaaya nolol Jacayl Dunida ka dhacday oo aan hirgalin.

Maxaa saababa in dadka oo dhami ay jecel yihiin Heesaha Jacaylka ah,Heesiba Hees ayay dadka qalbigooda taabataa, taas waxaa sabab u ah Qofkasta waxbaa xadantaynaaya hore ama iminkaba uu daris la yahay.

Dunida waxa la ogaaday, akhrinta Qoraalada ugu raadaynta badan dadka in ay yihiin kuwa Jacaylka ka sheekeeya,waayo qofku marka uu Hees ama sheeko Jacayl ah dhagaysanaayo waxa ay ka dhigan tahay in uu dareenkiisa iyo maskaxdiisa la hadlaayo, xasuusinaayo xiliyo iyo xaalado uu soo maray.

Ma jirto cid in ay wax jeclaato iyadu ku jaan-go’ani,qofkastaa waxbu jeclaan karaa waana la jeclaan karaa,dadka wax jeclaada ee jacaylku dhibaateeyo waa dadka xishoodka iyo xayada nolosha ilaa shada.

Dadka aamuska badani dareenka maskaxda iyo lasheekaysiga herarka jacaylka waxa ay ku dareemaan xanuuno iyo xaalado meel xun gaadhsiiya,waayo waxa ay ka dhigan tahay qof Mas qaniinsan yahay aan jeclayna in uu dadka u sheego.


Jacaylku wuu kaa weyn yahay waxaad qof ku casuumi karto,adiga oo ujeedkaagu yahay in aad jaclaato.Jacaylada Duni hal meel ayuunbay ka wada bilaabmaan waakii ninkii Ingiriis lahaa “” jaceylka wuxuu udhacayaa sida hillaac”” Abwaan Somaliyeedna muxuu yidhi

“Balan maaha jacaylku,   badhig laysugu baaqee
 Waa ishaa ,biligteeda, waxboogaaga ku beerma

Jacaylku mushkilad kale ayuu leeyahay ,waxa uu saadaalinayaa  saadaalin aan la saadalin Karin.Waxa uu sahan kuugu noqonayaa in aad Jeclaato qof aadan jeclayn haba yaraatee.
Jacaylku kuma yimaado shuruudo iyo xeerar, ama lambarro. Sida falaadhaha qorraxda jacaylku wuxuu si madaxbanaan u iftiimiyaa cabsidaada iyo damacyadeena aynaan diyaarka u ahayn.

 Jacaylku waa xoog dabeecad qalafsan ama naxariisi ku jirto . Si kastaba ha noqotee inta aan u baahan nahay, maaha wax aynu  amri karno ama ka dalban karno in qofkastaa sida uu doono uu u yeelo.

Miyey dhici kartaa Dayaxa, Xiddigaha , Dabaysha iyo Roobka inay yimaadaan oo ay u raacaan ujeedkeenna taasi waa maya, laakiin natiijadu waxay u badan tahay heerka jacaylka oo ka bilaabma labo aragtiyo wadaaga.

Jacaylku waa is-dhaxal xor ah, lama iibsan karo, lama iibin karo, lagumana ganacsan karo ,ma sameyn kartid qof inuu ku jeclaado sabab la’aan,adna aad jeclaatid .

Xolashada Jacaylku maaha istus I arkaay I maqlaay, qof inaga mida waxaa laga yaabaa  in uu dhaqaale ku hantiyi karo lamanahiisa Guurka ,sababta oo ah sidiisaba  Guurku waa arrin sharci ku saabsan,waxaanu leeyahay hadii ay wax ka khaldamaan  xeerar, maxkamado iyo xuquuq lahaansho,balse Jacaylku intaa midna malaha waakii abwaankii Somaliyeed ku heesaayey “Waa dawlad Calanloo,cidi lama hadlaysee””.

Guurka dhammaantii waa heshiisyo, lakiin qofna kuma odhan kartid aan isjeclaano,Guurkastaana Jacayl maaha balse waxaa dhici karta in uu haba yaraatee waxyar uun Jacaylka xidhiidh la leeyahay.

Fikir ahaan waxa aan isleeyahay ,Qofku wuu iibsan karaa daacadnimada, wehelnimo,laga yaabe xaata in aad iibsan karto naxariista lafteeda , laakiin jacaylka lama iibsan karo mana aha Ubax la iibsan karo.

Jacaylku maaha wax laysugu abaal gudo ,taasi cakiskeedna  maaha wax ciqaab laysaga dhigo . Kaliya wax waxa uu sax ku noqdaa marka uu kasoo baxo si xor ah qalbiga . Jacaylku waa waajibka kaliya ee qofka ku yimaada isaga oo aan diyaar u ahayn in uu wax jeclaado.

Falsafadaha Dunida ka jira qaar ka mida ayaa waxa ay aamin san yihiin,in Guurka labada qof in Jacaylka xaqiiqdaa in uu ku dhisnaado in laga fiican yahay,waxanay door bidayaan in wada noolaanshaha Guurku uu ku fiican yahay oo kaliya in heshiiska guurka la ixtiraamo iyo heerarkiisa.

Marka laga eego aragtida dhinaca sayniska, jacaylku waa xaalad caafimaad darro oo waarta, mana aha wax aad daruuri ugu baahan tahay ,waayo waxa laga yaaba in aadan xakamayn Karin.

Tusaale ahaan, farqiga u dhexeeya damaca iyo jacaylka. Damacgu waa rabitaan ku meel gaadh ah balse caqliga iyo garaadkuba ay kuu fayawyihiin. Laakiin markaad dareento jaceyl dhab ah, maskaxdu waxay siideyn kartaa noocyo badan oo kiimiko ah, taasoo kuu keenaysa nolol fadhiid nimo ah oo aan firfircoonayn,ka waran adoo indho’la hadii aad qof jeclaato,balse kuwii wax jeclaaday halkay ku danbeeyeen.

Waxa aan aamin sanahay in noloshu ay ku fiican tahay qofkastaa in uu helo qof uu la jaanqaadi karo,fahmi karo la noolaan karo,balse qofkastaa in uu ka fikiro qof uu jecel yahay taasi waxa aan u arkaa  culays iyo cadaadis dheraada oo uu qofku naftiisa kusoo kordhinaayo;noloshu waa isfahamka,daacad nimada iyo wada noolaanshaha isgarabsiga ku dhisan intaa hadaad hesho Jacayl waad heshay.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar .

No comments:

Post a Comment