SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Magaca Jabuuti yaa iska leh ma Soomali,Canfar iyo Carabta medkii bixiyey


Wadankasta waxa uu leeyahay magac loo yaqaan oo loogu yeedho,waxana dhici karta in  magacaasi asal ahaan uu kasoo jeedo dhaqanka iyo Hidaha ay leeyihiin dadka dhulkaasi ku abtirsadaa .



Hadaba waxaa loo maleynayaa in magaca Jabuuti uu ka yimid asal ahaan magaca bahalka Soomalidu ay u taqaano'buti ama Butida' kaasi oo cabsi gelin jiray dadka kuwa waawayn iyo yaryarkaba.

Iyaga iyo Alahoodee waxa ay sheegaan in Bahalkii Butida ahaa isla markaana Dadqalka ku sifaysnaa markii la dilay ama la jabiyey in magaca dhulkaasi farxad awadeed loo bixiyey Jabbuuti oo macnaheedu yahay “Jabkii Butida” waxa uun ay la tusaale tahay dad qalatadii laga sheekayn jiray ee Dhag-dheer,looguna heesi jiray caruurta Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadeey.

Qaybta 2-aad Tariikhda magaca Jabuuti ee Canfarta .

Canfartu waa dad reer Jabuuti asal ahaan ah,.waana qoomiyad aad u tira badan isla markaana degta Jabuuti,Itoopiya iyo Eritareya, Canfartu waxa ay ku doodayaan in Magaca Jabuuti uu iyaga ka yimi.

Sida tariikhda saxa ah ee Canfarta laga soo gaadhay waxa ay sheegaan in magacan Jabuuti uu ku baxay laba arimood tan hore ay tahay kalmada GABUUT oo loo isticmaalay badmaax Carbeed oo loo tilmaamaayey Dekeda ama Xeeliga ay Doonyahu kusoo xidhaan xiligaasi,kadibna badmaaxahii Carbeed uu eraygii lahjad ahaan u isticmaalay Gabuut (Gabuuti).

Tan labaadna waxa ay tahay ,kadib markii nin u dhashay dalka Faransiiska uu la kulmay  haweeney Canfar ah sidatana dheriga cunto karinta ee Birta ah, kadibna ninkii Faransiiska ahaa isaga oo Dhariga farta ku fiiqaaya ,kulana hadlaaya Afka Faransiiska,waxa uu waydiiyey hadal ay marjkaasi fahmi wayday,balse ay u qaadatay in uu leeyahay Dharigan aad sidato magacii,  kadibna waxa ay ugu jawaabtay  waxa layidhaa : "Yi-buuti"macnaha waa  (dherigaygii birta ahaa").


Taas awadeed Qoomiyada Canfartu waxa ay ku doodayaan in magacan asal ahaan uu kasoo jeedo YI’BUUTI,kadibna qaabka dhawaaqo loogu bedalay Jabuuti.

Qaybta 3-aad Tariikhda magaca Jabuuti ee Carabta Yemen.

Yamanta Carbeed waa dad wakhti hore hijro iyo safar dhanka Badda ah kusoo galay  Jabuuti,mase ah dad deegaan dhaqameed ku leh Jabuuti iyo nawaxigeeda,iyada oo ay sidaasi tahay ayay hadana nasiibkooda waxa ay ku doodaan in asliga magacan Jabuuti uu ka yimi kalmadaha Carabigaa ee ah “ja-al-buut””, oo macnaheeda ay ku sheegeen  ‘doonnidii waa timid'.

Madamaa dadyawga carabta ah ee dalkaasi Jabuuti deegaanka ku noqday,inta badan ay ganacsi iwm ay dalka ku joogaan horena ugu yimaadeen,waxa ay ku doodayaan bad-maaxayashoodii deegaanka ku ahaa Degmada layidhaa OBOKH in ay asal ahaan magacan Jabuuti in uu xidhiidh dhaw la leeyahay safaradii ganacsiga ee Doonyahooda.

Ma aha wax lala yaabo waayo magaalo xeebeedka ku taala dalka Somaliya ee layidhaa Marka dadka qaarna u yaqanaan Marka Cadeey asalka magaca waxaa bixiyey oo iska lahaa Carabtii reer Siciid Barqash, waxaanu magaco kasoo aas aasmay kalmada Caribiga ah ee ""Amruka" meeshii talada laga bixinaayey ama amarka laga fulinaayeyey kadibna markii la soomaliyeeyey waxa ay isu bedashay Marka.

Isku soo wada duuboo ,sadaxda qoomiyadoods ee Soomali,Canfar iyo Carabtu midkastaaba dhankiisa waxa uu aamin san yahay in magacani uu ka yimi asalka tariikhtiisa faca way nee la xidhiidha dalkan yar ee Jabuutida Barakaysan.

Jabuuti waa magaca saxa ah ee hada loo yaqaano Jabuuti,xarafka (D)  waa astaan iyo sumad inta badan aad ku arkayso wadamada Faransiisku gumaystay oo dhan
Horaantii dalkan Jabuuti waxaa loo yiqaanay Isticmaarkuna ugu yedhi jiray magaca “”France Somaliland””,mardanbe waxaa loo bixiyey “”Esse wa Anfar”” (Dhulkii Ciisaha iyo Canfarta) dhamaadkii xiligii Xoriyada ayaa magacan loogu wanqalay DJabuuti.

Khadar Ibrahim Aar


No comments:

Post a Comment