Asaaska iyo soo shaacbaxii Saxwooyinka Islamiga inta badan
waxa ay Soomalida si lama filaana uga
soo ifeen horaantii Sanadkii 1990-aadkii ,kadib markii ay Meesha ka baxday
Dawladii Shuuciga ahayd ee cabudhinta iyo la dagalanka ku haysay dhalinyarada
aamin sanayd soo celinta nidaam ka gadisan kii ay Suufiyadii culimadu dadka ku
dhaqayeen dawladahana ugu sacab tumi jireen.
Inta badan ma’aha wax lala yaabo in Dunida marba wax si wayn
isoo butacaan ,Diintuna isbedaladaasi ayuunbay qayb ka tahay.Hadaad sooyaalka taariikheed
dib u milicsato waxaa kuu muuqanaysa in aanay Dunida jirin wax jiritaankiiso sugnaanaayo illaa abid oo
aan ahayn Ilahay SXW .
Inta aynaan mawduuci si hoose u guda galin ,horta aynu
iswaydiino waxyaabaha aas-aaska u ah soo ifbaxa kooxahan Islamiyiinta ah iyo
waxyabaha sababta u ah in ay yimadaan ,kadibna ay Meesha ka riixaan kooxahii
iyaga ka horeeyey ee Suufiyada loo yaqaanay.
sababaha keenay kooxahan sida xawliga ah ku sacdo ee
Saxwooyinka waxa la odhan karaa waxaa sabab u ahaa laba arimood oo kala ah :
-Bahiida xoogan ee loo qabay hab u socod Dineed oo ka gadisan
midkii Suufiyadu ay aamin sanayd kaasoo Diintaba kusoo koobay shaqo uun Bariis
lagu raadsado.
-Ka bixitaankii dawladuu Shuuciga ahayd ee Diinta cabudhinta
ku haysay oo Meesha ka baxday.
Xawli u socodkii kooxahaasi Xarakooyinku ay ku bilabeen
nidaamkooduu dacwiga ahaa waxa isna markiiba dhabar jabin wayn ku keenay
khilaaf xoogan oo gudahooda ka dhashay ,kuwaasi oo markiiba u kala qaybsamay
kooxo-kooxo kala afkaar ah.
Mushkiladaha khilaafka:
Waxa aan aamin sanahay in mushkilada khilaafku ay tahay
fasirka iyo fahamka culimadu ay ka qaadato Quraanka iyo Axadiista, waxaana la
odhan karaa Diintaba asal ahaan waxa aasaas u ah fiqiga ama fahamka culimada
iyo hadba sida ay sheekha ula muuqato,Somaliduna waxaabay ku maahmaahdaa
Maanrag waa Mudacyo afkood.
Hadii Kitaabka Quraankaa isaga oo fasirkiisa iyo
macnayashiisa wata samada laga soo dejin lahaa cidi kumay wada hadasheen
,waxkastaana waxa ay noqon lahayeen Daahir-yaa shamis ,lakiin Quraanka iyo
Axadiista oo nuxurkii asalka u ahaa macnaha uu ka hadlaayo ee Alle iyo Rasuul
doonayeen mid aan ahayn ayaa laga yaaba in Sheekh kooxyar ku afduubo kadibna ay
u arkaan in ay Diintu tahay fariska iyo macnaha sheekhoodu ka bixiyey.
Saxwooyinka Islaamiga ee maanta Dunida Muslimkaa ka hawl
galaa dhib iyo dheefba way la yimadeen ,shar iyo khayrna Dunida inteeda kale
ayaa ka dheefsatay khaasatan Muslimkii la noolaa aduunyada inteeda kale.
Inkastoo dadka badani aamin san yihiinba in Saxwooyinku ay masuul buuxa ka yihiin
Fikiradaha khaldan ee maanta Dunida Muslimka kusoo biiray sida Qaraxyada iyo dilalka
argagaxa leh ,hadana inta ay dheef soo kordhiyeen cidina iskama indha tiri
karto sida dhismaha Caqiidada Rooxaanigaa iyo hanaanka mashruuca saxa ah ee
dhanka cibaadooyinka joogtadaa.
Raadinta dawlad Islaamiya waxa ay ahayd waxyaabaha aas-aaska
u ah ee Xarakooyinkaasi,waana mida inta badan keentay fashilka iyo nacaybka
maanta ka dhashay habka loo baadi’goobaayo Imaarad Islaamiya.
Dadka Somalida ahi sida caadada ah meelkasta oo ay joogaan
waxaa hubaala in ay jeclaan lahayeen in mar uun ay arkaan Dawlad Islaami ah oo
dhulkooda maamusha ,waxanay arintaasi ka
tahay waa rabitaan Imaani ah iyo kalsoonida ay ku qabaan Diinta oo ay weheliso
ku hungawga nidaamyadii lagusoo xukumay oo aanay midna mahadin.
Balse Horjoogayaasha Saxwooyinka Islaamku waa ay ka fikir
duwan yihiin dad badan oo Somaliyeed oo garaadkooda iyo caqligooda ka shaqaysiiya
lana socda isbedalada Dunada haba yaraado oo yuu gaadhin Imaankoodi kan
wadaadada saxwada ee aadka looga danbeeyo,kasoo rumaysan in aan Dawlad Islaama
lasoo celin Karin hadii aan looga qiyaas qaadan dhawr iyo taban qarni ka hor
khilafadii Muslimiinta ee ay maamulayeen RC ,Abubakar,Cumar,Cusmaan iyo Cali .
Soomalidu 100% waa Muslim
,lakiin Somalidu 100% waxay
ahayeen dad culimadooda Diintu ay ka dhisto dhanka Imaanka Ruuxigaa balse aan la barin lagana dhisin dhanka
ismaamulka Diinaysan iyo nidaamka dhaqalaha Dunida iyo qaabka loo maamulo,waana
mida keentay in Somalidu ay Diinta u aragta uun nidaam Aakhiro lagu Janno tago.
Maxaan taas ula yaabayaa ,Culimada Somalida kuwooda ugu
cilmiga badani waxa aamin san yihiin in hadiiba Dawlad Islaamiya la dhisaayo
looga qiyaas qaato hab maamulka iyo maaraynta nidaamkii Cumar Binu khadaab iyo
saxaabadii kale ee Rasuulka SCW,kuwaasi oo aan marna inala duruuf iyo deegaan
ahayn qarnigan aynu ku jirno.
Waxaa laga yabaa in dadka qaarkood khalad iga fahmaan ,balse
ujeedada aan ka leeyahay qoraalkan ayaa ah,sheekooyinka iyo warbixinaha xiligii
Saaxabadu waxa ay ku fiican yihiin in Astaan iyo xasuus ay inoogu filadaan,
balse Dunidu halka ay maanta marayso aynu la jaanqaadno,arimaheenana aynaan ku
koobin oo kaliya qisas iyo warbixin.
Labadaa Jid ama waddo ee midna Janada Tago kan kalana uu
yahay kan Aduunka lagu maamulo waxaa u dhaxeeya farqi wayn ,ma odhanaayo way
kala madax banana yihiin lakiin waxaan dareemayaa in jidkasta oo Dunida
acmaashiisa horumarka lagu hagaajinayaa in aanu Aakhirada shaqo ku lahayn waana
arin maanta la taaban karo muuqatana.
Hadaan dib ugu yara noqdo suurta galnimada in jidkii
Khulafada la raaco,iyada oo laga dhexraadinaayo nidaam ama hanaan nolosheena
aduunyo aynu ku hagaajinayno maanta ,iyo dhisme dawlad Islaam oo aan waxba ka
duwanayn tii Cumar RC waxa ay ila tahay in aynu waxbadan oo Dunida maanta inoo
shaqayn lahaa in aynu ilduufayno.
Xiligii Khulafada RC Cumar iyo Cali iwm waxa ay ku jireen
xaalad nololeed, dhaqan dhaqaale oo ka gadisan kan aynu maanta ku jirno, .Hadaad
u fiirsato xaaladahii cakirnaa ee ay wajahayeen sida aynu siirada ku hayno dadkaasi
sharafta lahaa ,waxaa kuu muuqanaysa in ay ahayeen dad u tafaxaytay is xorayn ,kadibna
horumar ka sameeyey in ay dadka si fiican ula dhaqmaan , taasina waxa ay ku
jaangoynayeen xaalkii iyo noloshii ay ku jireen iyo tu lamida oo ay lahayeen
dadkii kasoo horjeeday.
Khulafadii sharafta lahayd iyaga oo adeeg sanaaya
Ilbaxnimadii ay markaasi ku lahayeen Dunida iyo Xadaradahii ay soo mareen isla
markaana kaashanaaya Diinta samawigaa ee Ilahay ku galaday waxaa u sahlanaatay
in ay Dunida wax badan gaadhsiiyaan waxna ka bedalaan.
Balse hadii aynu inagu
adeegsan wayno Ilbaxnimada aynu leenahay ee iminka shaqaysa iyo Dunidu habka
maanta looga macaamilo xoriyada,dhaqaalaha,maamulka,tiknolajiyada,sayniska iwm
,saw ma ogid in aynaan geedkaasi gaadhayn.
Waxyar maskaxdaada dib ula shawr ,hadii maanta saxabigii
sharafta badnaa ee Abubakar Sidiiq loo soo saari lahaa Dunida isla markana la
odhan lahaa waxaad ku noolataa magalada Makka ee dalwaynaha Sucuudiga iyo
dhulkuu hore u joogi jiray ,siday ula muuqan lahayd ayay kula tahay in uu
noloshaasi la qabsado,waxaaban isleeyahay Janadii ayuu moodi lahaa in uu joogo
marka uu arko dhaldhalaalka nolosha cusub .
Muhiim maaha kala duwanashaha labadaasi nololeed ,lakiin
waxaa kala duwan fahamka dadka ee noloshii dhamaatay iyo tan hada
joogta,Quraankuna waa Kitaab joogaaya una baahan in markasta uu Juqrafiga iyo
Sayniska uu ka horeeyo oo aanay isaga dhawaacin .
Hadaba Islaamku ma xoog aan xeeladi ku jirin ayuu kusoo
noqonayaa,Islamiyiinta maantu se ma yihiin kuwii u qalmaayey in ay Dawlad iyo
Dad Muslim ah is waafajiyaan iyaga oo la imanaaya nidaam ka gadisan kan ah ma
hadli kartid,Fikir ma dhiiban kartid,hadaad nidaamkayaga ka hortimaadana waxaa
kugu dhacaysa Cadho Ilaahiya.
Islaamiyiintu nidaamka dhaxalka,Sakada Salaadda ,Soonka iyo
Xajka iwm oo u badan amarada waajibkaa waa ay yaqanaan,iyaga oo ka afkaar
qaadanaaya Culimadii xiligooda iyo xaaladooda lahaa,balse waa ay ku adag tahay
aqoonta Dawladnimo xalaal ah Muslimkana lagu maamuli karo sabankan aynu ku
jirno ee Dunidu ay Dayaxa tagtay.
Inta badan wadaadada Saxwadu waxa ay dadka ku booriyaan l
aba
arimood oo aad u wanaagsan ,kan hore waxa uu yahay in ay dadku yeeshaan Imaan
qawi ah oo ay Janada ku galaan ,kan labaadna waxa uu yahay in ay Culimada
adeecaan Masaajiidana ay ku xidhnadaan .
Taas waxaa raaca dadkana ay u sheegaan in ay Dunida iyo dhal-dhalaalkeeda in ay isaga
fogaadaan si aanay ugu kadsoomin,balse iyagu/Wadaadadu iyaga ugu jecel
dhaldhalaalka Dunawiga ah,mana aha Sunahii Nabigeenii suubanaa SCW.
Imisaa Masjid qurxoon oo Janno lagu raadinaayo ayaa magalooyin
keena ka dhisan, toban qofna aanay ku
Tukan,sidoo kale imisaa Caruur Agoon iyo
Rajo ku darxumaysan Masaajidaasi agagaarkooda,Culimooy jidka Janada loo maraayo
Quraanka dib uga fiiriya.
Laba kala daaya ,Wadaadoow in aad tidhaahdaan Dunidu waa daarta iyo quruxda loo sameeyey
Gaalada, Muslimkuna waxa uu wax ku leeyahay Aakhiro. hadana aad nagu
wacdidaan Aakhirana waxa ay rabto in loo shaqaysto,taas
awadeed waxaa dadka caqliga lihi iswaydiinayaa oo Janadiiba hadii ay shaqo u
baahan tahay maxaa diidaaya in Aduunyadana
Iyana loo shaqaysto oo Gaalka looga dheereeyo.
Caqliga iyo caadifada qofka Soomaligii waa mid aad ugu nugul
jeclaansha Diinta, waxaa jirta kalmad ay Culimada Somalidu halhays u leeyihiin
oo odhanaysa “CADHO ILAHAY YAY KUGU DHICIN “ inta badan way adag tahay in la
kala saaro Cadho Ilahay ka imanaysa oo lagaba yaabo in aanay muuqanba sabab iyo
xaalad keenaysa ,balse kalmadaasi waxaa ku hoos liqaansan cadho wadaad kasoo
butaacaysa oo ku suntan dan iyo doonistiisa gaarkaa,waana waxyaabaha
Saxwooyinka Jihaadigii ay soo kordhiyeen.
Quraanka Inta badan ma danayno ,ma dhuuxno mana dhugano
xeeldheeridiisa,balse waynu akhrinaa oo dareerinaa,garasho iyo garasho’la’aan
mid ay tahayba culimada Somalidu inta Iskuul iyo Malcaamad furan waxaa lagu
dareeriyaa Qiraa’ada Quraanka oo aanay la jirin fasir iyo faa’iido kale oo
dheeraadii.
Quraanka waxa aynu u fasiranaa oo kaliya in Aakhiradeena uu
wax inooga qabto inoona shafeeca qaado dharaarta Qiyaamaha ,balse nolosheena
aduunyo kuma qurxisano si aynu ugu noolaano nolol farxad iyo deganaasho leh.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris.
No comments:
Post a Comment