SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso ku yaab galin doonta: Macalinkii u Akhlaaqda fiicnaa ee aan abid maqlo!!


Macalinka Somaliyeed aktiisa iyo Gacantiisa way adagtahay in Ul ama Dhengad/Qaysaraan iyo hadalo naxariista ka fog aad kala kulmiwaydo xiliga aad waxbarashada ku jirto,waana dhaqan iyo caado aynu la kaliyoownay Dunidana aynu kaga hadhnay habkeedii waxbarashada akhlaaqigaa.


Sababtu waxa ay tahay, waxaa inaga khaldan habka Tarbiyadeena aas-aaska u ah, Waalidka,Macalinka iyo dhamaan bulshada inteeda badani waxa ay rumaysan yihiin in qofku aanu waxba baran Karin waxna fahmi Karin ilaa uu damqado oo jidhkiisa qaybo kamida aan la xanuujin.

Akhriste bal hadaba Macalinkan ila akhriso Tarbiyadiisa mucjisada ah:-

Waa xaflad Aroos, waa goor caways ah  ,dhamaan waa la wada faraxsan yahay ,ma jiro qof cadhaysani ,salaan iyo saabootin waxaan ahayn lays dhaafsan mayo; dadka xaflada Arooska ku kulmay ayaa waxa ka mid ahaa Arday iyo Macalinkiisii oo ay isigu danbaysay ku dhawaad Shan iyo Sodon Sano,waa qiyaastii Ardaygu markii uu dhiganaayey  Dugsigii dhexe.

Ardaydu inta badan ma ilaawaan Macalinkooda,balse Macalimiinta way ku adag tahay in ay xasuustaan Ardaydii ay waxbarijireen oo dhan ,taasna waxaa sabab mucayin ah u noqonaysa Ardayda oo badan iyo Macalinka waxbarashadooda ku mashquulsan.

Ardaygi markii uu hal mar Indhaha la halacsaday Macalinkiisii Ilaahay amarkii shaki kama galin in uu Macalinkii xiligaa wax u dhigijiray  ,kadibna waa uu is’hayn kariwaayey, inta dhankiisa usoo dhaqaaqay ayaa waxa uu ku yidhi  “” SCWW Macalin may garanaysaa oo may xasuusataa“??

Macalinkii wakhti badan iskagamuu lumin garasha la’aanta Wiilka waxaanu ku yidhi “maya Adeer ku garanmaayo””

Ardaygii oo farxad layaablihi ay wajigiisa ka muuqata ayaa macalinkii ku hadal celiyey kuyee “sideey taasi u dhacday macalin in aadan I garan” kadibna waxa uu gudagalay Ardaygii sidii uu macalinka xasuustiisa dib ugu soo celin lahaa isuguna sheegi lahaa qofkq uu yahay ,waxaanu ku bilaabay hadalkii :-

ARDAYGII: Macalin wakhtigaygii Iskuulka ee Dugsigii Dhexe ayaad macalin ii ahayd ,magacaygu waxa uu ahaa Faarax,waxaa dhacday ayaan ayaamaha ka mida ayaan si ula kac ah waxa aan Saacadda gacanta lagu xidho aan ka xaday Wiilyar oo aanu saxiib ahayn,waanan qarsaday oo jeebka ayaan gashaday ; kadibna waxaa Oohin kala joojin waayey Wiilkii yaraa ee aan Sacadda ka xaday,isla markiiba waxa aad Kalaaskii oo dhan amar nagu siisay in aanu wada istaagno Gacmahana aanu kor u wada qaadno dhamaantayo iyo waliba in Arday kastaa Indhaha isku qabto Dhabarkana uu sii jeediyo“”.

“”Anigu madamaa aan ahaa ninkii Saacadda Xaday Jeebkaygana ay ku jirto oo aan ku hubo,waxa aan ka walwalsanaa in marka aad Jeebkayga Gacanta galiso Saacaddana aad kasoo saarto in aad  I fashilin doondo, Ardaydana aad ugu buushaarayn  doonto in la helay Tuugii Saacadda xaday oo aniga ah!! ; taasina ay sabab u noqon doonto in Waxbarashadayda dhamaan aan ka *irdhoobo Ardayduna ay ii fahamto in aan ahay Tuug .Balse taasi maydhicin  manaad samaynin; Markii aad  Sacaddii aad Jeebkayga kasoo saartay,maad I fashilin oo maad odhan “Sacaadii waatan waxaana Jeebkiisa aan kasoo saaray Hebel”” ,balse  waxa aad sii wadatay hawshii baadhitaanka illaa Ardaygii u danbeeyay aad Jeebkiisa hubisay, wakhti yar ka bacdina waxaad naga codsatay in aanu fadhiisano””.
Ardaygii oo hadakisii sii wata ayaa yidhi :

Waxa aan ka cabsi qabay in aad Iskuulka igu ceebayso,sidaana aan waxbarashada uga tago, balse taasi maadsamayn si lama filaana ayaad Ardaygii Saacada aan ka xaday ugu wareejisay Sacadii,iyada oo aadan u sheegin in aan anigu ka xaday,waxa kaloo aan kaaga mahad celinayaa in xaataa Ardaydii aanu isku fasalka ahayn aanay jirin mid kaliya oo dhaaday ama ogaaday in aan ahay Tuugii  Saacadda xaday ;taasna waxaa sabab u ahaa habka wanaagsan ee aad isticmaashay ee ahaa in Indhaha laysku qabto si aan qofna qofkale aanu u tuhmin una arkin in Jeebkiisa wax laga soosaaray””.

Intaasi markii Ardaygii yidhi ayaa Macalinkii Gartay Ardaygani waxa uu ka hadlaayo iyo xiliga ay arintani dhacday waxaanu Macalinkii hadal ku bilaabay:-

MACALINKII : Arday waad mahad san tahay,waxaanan kaaga mahad celinayaa sida fiican ee aad ii sharaftay,balse waxa aan ku xasuusinayaa in wakhtigaasi aad sheegayso ay jirtay iminkana aad I xasuusisay, balse ma og tahay in aniga laftaydu aanan garanayn wakhtigaasi Ardaygii Saacada xaday ka uu ahaa sababta oo ah,madamaa aan idinka  codsaday in aad Indhaha dabooshaan si aydaan Tuugada isugu tuhmin,aniguna markii aan idin baadhaayey labada Indhoodba waan isku hayey waanan daboolay si aanan u arkin Wajigiisa Ardayga wax xaday naftayduna aanay u karhin ,taas awadeed adaa hada isu kay sheegay mooyaane kuumaan aqoon sanayn in aad tahay Ardaygii wakhtigaasi Saacadda xaday “”.

Ardaygii ooh hore ula yaabana xirfada iyo garashada uu Macalinkani adeegsaday  xiligaasi,ayaa hadana muxjiso kale ay ku  noqotay arinta uu u sheegay ee ah in isaga laftiisu aanu garanaynba Ardayga uu Saacadda jeebkiisa kasoo saaray.

Qisadan waxa aynu ka faa’idaysanaynaa Macalimiinta maanta dalka joogaa ee Ardayda wax barayaa  in ay habka macalinimo ee akhlaaqda leh ay kaga daydaan macalinkan oo kale .

W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris

No comments:

Post a Comment