SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Hadalkii Cabdiraxmaan Cirro iyo cadhadii ka muuqatay.


Waxaan dhagaystay Warbixintii iyo Khudbaddii Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ee maanta iyo kasoo noqoshadii safarkii Itopiya .

Cabdiraxmaan hadalkiisii waxaa ka mid ahaa:


1. Canaan Madaxwaynaha uu u jeedinaayo kuna tilmamaayo in ay khalad iyo gaf ahayd la kulanka Madaxwayne Farmaajo iyada oo aan Qaranka,dadka iyo Xisbiyada aan midna aan lala socodsiin.

2. Gudoomiye Cabdiraxmaan waxa uu iska beri yeelay in uu qayb ka ahaa kulankaasi Farmaajo ee Adis-ababa isla markaana aanu waxba kala socon.

3. Gudoomiye Cabdiraxmaan waxa uu ku dhaatay lix qodob oo uu si-ridaariya usoo bandhigay iyada oo aan la garanayn ujeedada qodobadan ka danbaysa iyo in ay tahay uun hadal-tiro in badan looga bartay xisbiga Wadani iyo in ay tahay hibotayn cadhooyin isbiirsaday oo xisbiga ku gaaxday taasoo ay damacsan yihiin in ay siyaasad cusub masraxa la imanayaan.

Hadalada Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro jeediyey waxaa kaloo ku jiray qodobadan:
b--Dalku doorasho la’aan kusii socon karimaayo!

t-Somaliland doorasho la’aan kusii jirimayso!

j-Aniguna ma sii joogi karo doorasho la’aan!

x-Muusana ma joogaayo doorasho la’aan !

kh-Guusha dorashada ee la qabto madaxwaynaha yeelan doona !

d-Guuldarada in doorashada la qaban waayana isagaa yeelan doona!

Lixdan qodob waxa ay u muuqdaan kuwo masraxa siyaasada Somaliland ku cusub,waayo midkasta waxaa ku jira goodin iyo dardaar-warin cadho ka muuqato.Lakiin hal qodob ayaa isoo jiitay shaki,waswaas,dareen iwm ayuu qodobkaasi igu dhaliyey kaasi oo ah:

“”Aniguna ma sii joogi karo doorasho la’aan”” ?? oo halkuu tegayaa gudoomiyahu? Halkuu qabanayaa? Halkee ayaanu sii joogi Karayn?Anigu,anigu,anigu /Xisbigu, hee maxaa isbedalaaya?

Qodobkaasi waa Dhinbiil-Danbas-huwan ,garo ama ha garan anigu waan ku wareeray,idinkuna
Marka laga tago faalada iyo falanqaynta Khudbada Gudoomiye Cirro ,shacbiga Somaliland Madaxwayne Muuse Biixi waxa ay xaq ugu leeyihiin in uu warbixin faahfaahsan kasiiyo shirkii qarsoodiga ahaa ee dhaxmaray isaga iyo Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo.

Inkastoo Madaxwaynaha sababta loo doortay ay tahay,in uu dadkan iyo dalkan Somaliland uu Masuul buuxa ka noqdo,kaasi oo xaajo iyo xujjo kasta oo dalkan horumarinaysa in uu u madax banaan yahay.
Hadana iyada oo sidaasa Somaliland shacbigeeda waxaa jira waxyaabi masiiri u ah, una baahan in aan si fudud oo degdeg iyo fudayd uu ku jiiro aan loogu talaabsan.

Hadaba Madaxwaynahu Muuse waxa la gudboon in uu si xeerdheer uga fogaado shirarka iyo wada hadalaeda gooni socodnimada ah ee ku keeni kara qarankan Somaliland tuhumo dhalin kara khilaaf siyasadeed oo hor leh.
khadar aar

No comments:

Post a Comment