SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Faransiiska Diimahu waa kasoo dabar go’ayaan, Islaamkuna kor ayuu usoo kacayaa.


Jean-Luc Mélenchon waa nin Faransiis ah dhalansho ahaana ku dhashay Dalka Marooko,waa siyaasiyiinta waawayn ee dalkan Faransiiska aadka looga danbeeyo,
waa in gaadhay heer ilaa Musharax Madaxwayne,Baarlamaanka Yurubna wakhtiyada qaar u fadhiyay dalkiisa,waa nin bartay Culuunta Falsafada iyo wixii la halmaala.

Aqoonyahanka Faransiiska tariikhdu markii ay ahayd 2017 Bishii Abriil waxaa laga hayaa halku dhiga ah “60% des Français n'ont pas de religion" Boqolkiiba Lixdan dadka Faransiisku cilaaqo lamaha wax Diin ah,macnaha waxa uu uga jeeday Faransiisku dhamaan Diimahii waxa ay kala baxeen faraha ,wakhtigan xaadirka ahna waxa ay kusoo socdaan in ay arimahoodu ku dhamadaan in aan Faransiis wax Diin ahba aan laga aaminsanaan.


Inkastoo Yurub oo dhan iminka ay kasoo dabar go’ayaan dhamaan Diimahii ama dhaqamadii Diimaha ku asalka lahaa ,hadana wadankan Faransiiska waxa aad dareemaysaa qofkasta oo jooga una muuqanaysa in aan laga jeclayn Diimaha.


Sharciyada wadankan ka hirgalay  waxaa ka mid ah in aan la ogolayn in goobaha cimaadada loogu talagalay mooyaane sida Masaajida iyo Kiniisadaha iwm aan wax Diin sheegta aan loola soo bixin Karin banaanada.


Waana mida keentay in ay dhacdo in dadka Muslimka ah ee Faransa joogaa ay Saladaha  shanta ah badankooda Israaciyaan wakhtiga habeenimada ama ay shaqooyinka kasoo dhamadaan  Culimana u Fadwootay .  


Iyada oo ay sidaasi jirto ayaa hadana dadkooda aqoonyahanka ah ee kobaca Diimaha aadka ula socdaa waxa ay yidhaahdaan,Diinta Muslimku waxa ay u socotaa wadankana ay usoo galaysaa si xawli ah.


Warbixinaha wadankan kasoo baxaa inta badan waxa ay cadeeyaan in Dadka Muslimkaa ee wadankan soo galayaa ay badan yihiin, lakiin aanay jirin ama ay yaryihiin dadka Asal ahaan Faransiis ah qaatna Diinta Muslimka.


Faransiiska Masjidkasta oo aad ku tukato way adag tahay in aad aragto koox iska daaye qof Faransiis dhalada ah oo Masaajid ku tukanaaya.waa dad aad Diimaha u neceb isla markaana aan jeclayn,balse waxa idin kala haya xadna iyaga iyo Muslimka u kala yeelay waa sharcida dalka u yaala.


Qiyaasaha saxa ah ee la hayo . Sanadkii 2017, waxaa lagu qiyaasay  bulshada muslimiinta Farance   5.7 Milyan (oo ay ku jiraan 3.5 milyan oo xirfadleyaal ah). 


Muslimiintu hadii ay maanta yihiin 5.7 illaa 2050 waxa ay gaadhayaan 12.6 milyan oo Muslimiin ah oo ku nool Faransiiska  waa qiyaasta Xarunta Pew Research Center, ay ku qortay Wargayska Atlantico.

Khadar aar

ka akhriso ""iftiinkacusub.com""

No comments:

Post a Comment