SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso Dawarsade ku dhacday “Poolisku waa daacad Madaxduna waa Tuug!

Lägg till bildtext

Nin Carab ah Fakhri iyo gaajo la liita ayaa fadhiyay meel ka mida Albaabbada waawayn ee laga galo xarun wayn oo Madxaf Qaran ah,taasi oo ku taala  mid ka mid ah waddammada Carabta , Albaabka laga galo Madxafka waxaa fadhiya oo ka Dawarsada nin Maskiin ah  ,waxaa goobtii soo maray nin Dalxiise ah Madxafkana ku socda .


Ninkii Dalxiisaha ahaa waxa uu kusoo leexday ninkii Dawarsanaayey ,waxa uu arkay in ninkan Dawarsadaha ahi aanu hadlayn balse uu ku celcelinaayo kalmada ah “”Ilaahow Ilaahow ”” Dalxiisahii hadalkii ayuu fahmi waayay waxaanu ku celiyay Dawarsadahii odhaahda  “What What “ oo macnaheedu yahay “waa maxay” .

Dawarsadahu ma yaqaanu Luqada uu ninkani ku hadlaayo, Dalxiisahuna sidoo kale Luqada Caribiga waxba kama yaqaano, kadibna waxaa wakhti dheer lays dhaafsaday labada hadal ee kala ah”” Ilaahow iyo What (waa maxay) ””.

Ninkan Dawarsadaha ahi sida inta badan  u caadada ah Dawarsadayaasha  waxa uu jeclaa in Ninkan Dalxiisaha ahi shilimaad yar uun Gacanta u galiyo kadibna uu ka dhaqaajiyo,balse ninkan Dalxiisaha ahi waxa macno gooniya u samaysay ninkan baahida gaarka ahi ay ka muuqato balse kalmada ama erayga uu wax ku baryayaa uu yahay “Ilaahow “oo aanu waxkale kusoo kordhinaynin. Isfaham la’aan kadib Dalxiisahii inta uu Dawarsadahii Sawir xasuusleh oo fiican ka qaatay ayuu ka dhaqaajiyey.

Ninkii dalxiisaha ahaa markii uu tagay Dalkiisii Maraykanka oo uu ka yimi ,ayaa waxa uu raadsaday nin ay saxiibo yihiin una dhashay Carabta Macalinna ka ah Jamacadaha wadankaasi mid ka mid ah,waxaanu uga sheekeeyey qisadii soo kala dhex martay isaga iyo ninkii Dawarsadaha ahaa ,waxaanu si gaar ah uga codsaday in uu u macneeyo kalmad uu fahmi waayey oo Dawarsadahu ku celcelinaayey wakhtigii yaraa ee ay wada joogeen taasi oo ahayd “Ilaahow Ilaahow ” .

Aqoonyahankii Carabka ahaa inta uu Qoslay kkkkk ayaa waxa uu ku yidhi Dalxiisahii “ waxa uu ahaa ninkaa aad la kulantay nin Sabool ah waxna aan haysan,waxa uu kaa rabay in aad wax siiso,waxaaba dhici kari lahayd in uu ahaa nin  Caruur iyo reer usoo baryo tegay kuwaasoo ay dhici karto in ay dhamaantood gaajoonayaan.,kalmaduna waxa aahayd Waynida Ilahay oo uu ka kalsoon yahay

Ninkii aqoonyahanka Carabka ahaa waxa uu waydiiyey Dalxiisahii “ ma jirtaa wax Lacag ah haba yaraatee oo aad ninkaasi Saboolka ah aad gacanta ka galisay ama aad siisay ? Dalxiisahii isaga oo madaxda lulaaya kana qoomamoonaaya in khalad ay ahayd in uu ninkaasi wax siin waayey ayaa waxa uu yidhi “maya waxba maan siin waase ka xumahay””.


Ninkii Dalxiisaha ahaa waxa uu go’aan saday in uu wakhtigay doonto ha ku qaadatee in uu Dawarsadahii Lacag u diro,waxa uu tegay Safarada dalkii uu Dawarsadahu ku noolaa ay ku lahayd Maraykan,waxa uu la kulmay Safiirkii dalkaasi u fadhiyey Maraykan waxa uu uga sheekeeyey Qisadii uu lasoo kulmay,waxa uu tusay Sawirkii dawarsadaha uu kasoo qaatay,waxaanu safiirkii u tilmaamay xarunta iyo goobta laga helaayo Dawarsadaha ,kadibna waxa uu gacanta ka galiyey si uu ugu diro Dawarsadaha Lacag dhan 200.000 Dolar taasi oo uu ugu talagalay Dawarsadaha iyo Qoyskiisuba in ay fakhriga kaga baxaan.
Safiirkii markii Lacagtii loo dhiibay waxaa dhacday in uu hungureeyey Lacagtii,naftriisana kula shawray
“” oo kaalay Miskiinka dawarsadaha ah ee shilimaadka Suuqa ka urur sadaa muxuu ka og yahay lacagta intan leeg” kadibna waxa uu go’aan saday in uu diro Lacag dhan 20,000 Dolar .waxaanu la hadhay 180,000 dolar.
Safiirkii waxa uu la hadlay Gudoomiyahii gobolkaasi uu ku nool yahay Dawarsadahu,waxaanu ka codsaday in Lacagtaasi dhan 20.000 Dolar loo gudbiyo lana siyyo  Dawarsadaha.

Gudoomiyahii Gobolka markii Lacagtii dhamayd 20,000 dolar ay soo gaadhay,waxa qalbigiisa kusoo dhacday in lacagta intan leeg aanay suura gal ahayn in la siiyo Dawarsade suuqaa Caantaynada ka gurta kadibna waxa uu isna go’aan saday in Dawarsadaha loo diro Lacag dhan 2000 Dolar,waxaanu warbixintii iyo Lacagtiiba ku hagaajiyey Gudoomiyahii Xaafada uu ku yaalo Madxafka uu ka Dawarsato  Dawarsadahu.

Gudoomiyahii Xaafadu markii ay soo gaadhay Lacagtii iyo warbixintii oo wada socdaa waxa markiiba maskaxdiisa kusoo dhacday “Alaylahe Dawarsadahani 2000 Dolar awoodiisaba maahe waxa aad u dirtaa 200 Dolar” ,kadibna waxa uu fariin u diray Maamulahii Xaruntii uu Dawarsadahu hor fadhiyey waxaanu u dhiibay Lacag dhan 200 Dolar .

Maamulahii Xarunta markii loo dhiibay 200 Dolar ,waxa uu ka fikiray in uu Dawarsadaha siiyo Lacag dhan 20 Dolar tasoo uu u fahmay in ay Dawarsadaha waxtar wayn u tahay ,waxaanu Lacagtii ugu dhiibay Askarigii waardiyaha ahaa .

Askarigii ayaa waxa uu soo  kor istaagay Dawarsadahii waxaanu gacanta ka galiyey 20-kii Dolar waxaanu ku yidhi:-

Poliskii .Ma xasuusataa ninkii Dalxiisaha ahaa ee Sawirka kaa qaaday ?

Dawarsadii. Haa waan xasuustaa .

Poliskii. Waxa uu kusoo dilay Lacagtan 20 Doolara.

Dawarsadii.wuu mahadsan yahay ,Poliskuna waa daacad.

Dawarsadahii Fadhiga ayuu ka kacay ,waayo maanta Lacag fiican ayuu helay oo aanu intuu Noolaa soo marin .

Lacagta uu Dalxiisahu Dawarsadaha usoo diray iyo siday usii yaraatay ee marba Siiroo am Eber (0) looga saarayey waxa ay usu dhintay qaabkan :

Suiday Lacagtu usii yaraatay :-


200.000 dolar
20.000
2000
200
20


Hadaba sheekada maxaad ka faa’ideen ma
xaase idiinka soo baxay.

Waxyaabaha caawimada ah ee Dawladaha Gaalada ama Muslimiintu ay afrika ku caawiyaan waxa ay soo martaa intaaso gacmood kadibna waxaa aakhirka inoo yimaada wax yar oo aan wax tar lahayn,waana qiyaas laga qaadan karo waxa ay ku dhawaqaan iyo sida loo musuq maasaqo.

Aniga waxaa iiga soo baxday in  Poolisku ama Askartu ay daacad yihiin lana aamini karo,waliba iyaga oo ah kuwa ugu hawsha iyo dhibaatada badan,wax mushaar ku filana aan qaadan dalka iyo dadkana maalin iyo habeen Cedceeda u taagan.

Waxa kaloo sheekada aan ka faa’iiday in Ilahay oo la isku xiidhaa aanay ahayn wax sahlan.

Waxa kaloo iiga soo baxday in madaxda saree e Qaranka fari ku godan tahay loona baahan yahay in ay sidan wax ka bedalaan.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris

No comments:

Post a Comment