SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cayilku waa sababaha Takoorka Shaqada.



Ma’aha wax sahlan oo si caadiya isaga yimi in Dumarka reer Yurub ay guntiga dhiisha isakaga dhigeen si ay Buurnaanta iyo Cayilka ula dagalamaan
,balse wax ku kalifay ayaa jira waana mida keentay in ay galaan halganka aadka u adag u qadhaadh oo mararka qaarkood Dumarka dhibaatooyin soo gaadhsiiya.


Sharciga shaqada ee dalkani sidiisaba waxa uu dhiirigalinayaa in Baruurta ama cayilka la iska yareeyo Rag iyo Dumarba ,waana mida keentay Halganka la dagalaanka Buurnaantu in Faransiiska uu ka noqday  wax la taaban karo.


Faransiisku waxa ay halhays u leeyihiin “”Cayilku waa sababaha Takoorka shaqada “” sahamadii u danbeeyey warbixinahii kasoo baxay, Maxadka Qaranka ee Isboortiga iyo Jimicsiga waxa ay sheegaan in maanta Dumarka Cayilka shaqada looga eryaa ay gadhayaan %10 halka ay hore u ahaan jireen %33,taasi waxa ay ku tusaysaa in ay kor usoo kacayaan Dumarka fahmay la dagalanka Cayiilka ama Baruurta kadib markii ay noloshoodii aas-aasiga ahayd ay taabatay. Balse waxa taasi iminka lamida raga iyaguna baruurta xad dhaafka ahi ay fuushay ee Xaajiyada ah.Baruurta aynu la dagalano Rag iyo Dumarba.

Khadar aar
ka akhrisi "iftiinkacusub.com""

No comments:

Post a Comment