SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aannu idin dooranee, maxaad noo qabanaysaan ?

Bulshada reer Somaliland waxay is weydiinayaan waa kuma, musharaxa hannan doona mustaqbalka dhow jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland ?

hogaamiye caynkee ah ayuu noqon doonaa markuu ku guulaysto doorashada ka dib? Waa su aalo u baahan in ummaddu is weydiiso oo ku mashquulsho ciddii ay u garan lahayd hogaanka dalka .

Waddanka waxaa ku loolamaya saddex xisbi, oo aan kala dhicin lehna, musharixiin firfircoon oo midba midka kale aanu ka waayo arag iyo khibrad badnayn una baahan in bulshadu ay la socoto barnaamijyadooda kala gedisan si ay aarahdooda uga dhiibtaan, haddba, xaalladda ay ku sugan yihiin musharixiin taa tartanka loolanka ugu jira.

Dadku waxay raadinayaan hoggaamiye ka saarra maanta dalka xaalka uu ku jiro, waxay baadi goob ugu jiraan halyey ku beera waddaniyad tis qaad leh , wallaalnimo, isu soo dhowaansho aan kala tag lahayn, dabadeed hilow la wada doonayo ku abuura marxallad kasta oo uu dadku soo maray, dareen waddaniyadeed oo qiiro ku jirto kubeera oo maamul wanaagsan ku raad gooba mustaqablka dhow. Haddii Eebbe ina gaadhsiiyo.

Haddaan la baraarugin oo laga war hayn aduunyada, somaliland sida aynu horumar u gaadhnaa waa tu aan dhacaynin , waxaynu u baahan nahay hoggaamiye leh aragti dheer oo dalka lexejeclo ka qaba. Uma baahnin hoggaamiye shaadhmadoobe ah oo dadku ka cararayaan oo marka foodku soo dhawaado iigu gura' yidhaahda, hadhow na murayaadaha ka dalacda, kaas oo kale bulshooy inoo ma cuntamo, marka aynu sida wanaagsan ka eegno.

Doorashada dalka gudihiisa laga qabto waxay keentaa inuu dadka oo dhami is beddelka soo dhaweeyaan kuna farxaan. Waa mid e, waxay helleen hoggaamiye ruuxiya oo keena arragtiyo inaga maqan haddaynu nahay dadka reer soomaaliland e , waxaa loo baahan yahay shacaboow inaynu bogaadin u dirno cidda ina meteli doonta mustqabalka dhow.

Aduunyadan aynu ku noolnahay wax jira dalal fara badan oo leh hoggaamiyayaal aqoon durugsan u leh, aragtida siyaasadeed ee dal ku dhismi karo. waayo dheh, aqoonta ay barteen iyo shaahadada ay sitaan ay sheegaysaa, in ummadd dhinac kasta laga istaago karo iyadoo oo aan laga tegayn caqiidada ay aaminsanyihiin, loona dhabba geliyo waxyaabaha ay tebayaan si horumar iyo dhaqaale wanaagsan loogu abuuro bulshadaa kala gedisan ee dalwaynahaas ku nool . maanta waxaynu gelaynaa doorasho waxaa soo bixi doona xisbi kaasoo hanan doona hogaaminta dalka haddii eebbe idmo insha allah tacallaa.

Maxaa looga baahan yahay mushaxariinta ku loolamaysa waddanka ?

1: Inaad dhawrtaan shuruucda dalka una hogaansantaan tallada waddanka si daacadi ku jirto.

2: Inaad ilaalisaan akhlaaqda ummadda oo meel iska saartaan amnigooda, illayn waa laydin dooranayaaye.

3: Inaad bulshada la wadaagtaan barnaamijkiina siyaasadeed oo dhammaystiran idinkoo nuqullna ha ugu yarraadee la wadaagaya bulshada aad codka ka doonaysaan.

4: Inaad abuurtaan dardar gelin cusub oo dalka gudiihisa iyo debadiisa aad kaga qayb geli kartaan aragtidiina siyaasadeeda sameeynaya isku xidhka bulshada si ay uga qaybqaataan aarahadiina aad soo bandhigaysaan.

Geb gebo

Waxaan idiin rajeyn doonaa dal nabbada iyo dad nabbad oo ku caano maala, barwaaqo iyo bash bash. Idamka ilaahay doorashada ha inagu gaardhsiiyo caafimaad qab iyo cimri dherer maddaxdeena mustaqbalka ku guulaysan doonta Alle ha karaameeyo.

W/Q : AQOONYAHAN CABDISHAKUUR SICIID CABDI

No comments:

Post a Comment