SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dooda Murashixiinta Madaxweynuhu Codaynta Wax Ma Ka Badali Doontaa?

Haddii bulsho caafimaad qabta oo qabiil ka fayawi jiri lahayd, waanan filayaa in dad badani maanta ka daaleen reernimo iyo qabiil wax lagu doorta ee, waxaan fili lahaa

Waxay ahayd uun dhawaan markii ay Kooxda Inspire (Inspire Group) ay ku baaqeen inay qabanayaan dooda sadexda musharax ee Madaxweynaha u tartamaya ee kala ah 1) Muuse Biixi Cabdi 2) Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) iyo 3) Faysal Cali Waraabe.

Waa hal-abuur cusub in musharaxiinta dood furan laysugu keeno, isla markaana mid waliba ka jawaabo su’aalo la soo diyaariyay amaba iyagu su’aalo toos ah midba ka kale waydiiyo.

Haddii bulsho caafimaad qabta oo qabiil ka fayawi jiri lahayd, waanan filayaa in dad badani maanta ka daaleen reernimo iyo qabiil wax lagu doorta ee, waxaan fili lahaa in doodani wax wayn ka tari lahayd natiijada doorashada. Marka Bulshadu ay u bisishay inay

hogaan doortaan, qiyaasta ay sitaana ay tahay hadba kay u arkaan inuu wado dantooda, waxay go’aaminayaan cidda ay doorayaan. Maanta waayo arag baynu u nahay doorasho oo madaxweynayaal, baarlamaan iyo golayaal deegaanba waynu dooranay. Dhammaan waxaynu ku dooranay qabiil, tolaay yaa maali jirayeey iyo dano khaasa oo dadka qaar wateen. Natiijadii ay anu ka dheefnay iyo siday qofka shicibka ah een siyaasiyiinta ku xidhnayn ay noloshiisa wax uga badashay uma baahna in laysu sheego.

Maanta oo Soomaaliland 25 jirsatay Waxaa ila qurux badan in dadku koro, gaar ahaan dhalin yarada iyo aqoon yahanka oo wax wayn ka badali kara go’aanada siyaasada iyo hogaanka dalka. Haddii ay sidaa ahaan lahayn Waxaa suuroobi lahayd in uu heli lahaa qof aan marar badan la filayn inuu soo baxo. Tusaale waxaan idiin siinayaa John F. Kennedy oo inuu yaraa ay u dheerayd inuu yahay Catholic taasoo sinaba u caawinayn inuu madaxweyne noqdo ayaa wuxuu la tartamayay Nixon oo ah ruug caddaa waliba markaa madaxweyne ku xigeen ahaa. 26 September 1960 ayay doodii ugu horeesay ee television u qabto musharaxiinta madaxtimada maraykanka ay iskaga hor yimaadeen. John F. Kennedy wuxuu muujiyay karti iyo aftahanimo dheeraada oo uu ku hafiyay Nixon oo aad uga waayo aragsanaa.

Doodii ugu horeysay markii la qabtay isla habeenkaa taageeradu waxay u wareegtay dhinaca Kennedy. Wallaw Nixon uu roonaaday doodihii ku xigay, haddana "qacda hore kama soo hadhee" Nixon afkaa ciida loo daray tartankii. Sidaasaanu John F. Kennedy ku noqday Madaxweynihii Maraykankaa ee waagaas. Waa caan taariikhda uu sameeyey iyo guulahaa uu Maraykan gaadhsiiyay walaw sanadkiisii sadexaadba la dilay.

Talaw musharaxiinteena ma ku jiraa John F. Kennedy oo kale? Akhriste adigaa ka jawaabaya?WQ: Cabdiraxmaan Cali Xirsi

hasisom2014@gmail.com

No comments:

Post a Comment