SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sadex iyo Toban talaabo oo kuu sahlaaya in aad wax akhrido.

Ma tahay qof wax dhigashada jecel? Ma tahay qof jecel inu darajo wanaagsan ama marks wanaagsan imtixaanadku ku guulaysto? Sideed wax u akhrisataa? Wakhti bay qaadan kartaa inaad bedeshid dabeecadahaga wax akhris laakin markaad isku daydid mudo ka dib waxay ku noqon shay dabiici ah.

1.Casharkaaga ka dhig mid xiiso badan: inaad tirahdid hadaan darajo sareeya keeno shaqo wanaagsan ayaan ku helaya ku xiiso galin mayso. Waa inaad jeclaata waxaad qabanaysid. Isku day inaad casharkasta ku xidhid ama xidhiid aad u yeeshid noloshaada. Tusaale ahaan hadaad dhiganaysid business isla markiiba suurayso inaad haysatid goob ganacsi ka dibna aad ku camal falaysid waxan aad dhiganaysid.

2.Wakhtigaaga si wanaagsan u maamul: yeelo ama samayso jadwal aad wax ku akhrisatid.

3.Wax u akhriso waslado 30 ila 50 daqiiqo ah: maskaxdaadu wakhti ayey qaadata si ay u xasuusato ama u keediso macluumad cusub mudo dheer. Markaa qaado mudo 5 ila 10 daqiiqo oo nasasho ah markaad si xidhiidh ah 30 ila 50 daqiiqo wax u akhrisid mudada aad nasanaysid is yar kala bixi si dhiigaagu u dhaqaaqo.

4.Meel wax akhriska ku haboon wax ku akhri: meeshad wax ku akhrisanaysid wa inay noqota meel aad si fudud oo raaxo leh wax ugu akhrisan kartid laakin yaani noqon meel raaxo badan oo ku seexan kartid. Meeshu waa inay noqotaa meel aan buuq lahayn iyo aan lahayn wax kaa jeediya wax akhriskaaga.

5.Maskaxdaada saafi ka dhig: hadu jiro wax maskaxdaada mashquulinaya sida hawl kale ku sugaysa ama dhibaato kale ku haysata ku dadaal si aad waxyaabaha maskaxdaada ka saartid. Soo qaado warqad iyo qalin ka dibna ku qor waxyaabaha maskaxdaada mashquulinaya, intaasi waxay kaa cawin karta inaad maskaxdaada saafi garaaysid.

6.Sii diyaari cunto fudud intaanad bilaabin wax akhriskaaga: ha sugin ilaa intaad ka gaajonaysid inaad cunto raadisid, si diyaari cunto fudud tusaale ahaan keeg ama buskut. Si aanad hadhow kaa jiidhin wax akhriskaaga markaad gaajootid.

7.Casharkaaga dib u qor: markaad fasalka dhex fadhidid ku dadaal inaad si wanaagsan macalinka u fahantid. Muhim maaha qoraalkad macalinka ka qoraysid inaad fasalka ku dhex nidaamisid. Marku casharku sidaa kugu dhamaado ku dadaal sida ugu dhakhsaha badan inaad dib ugu noqotid casharkaaga dib u habee iyo dib u nidaami qoraalkaaga ku sameesid intu casharku wali fresh yahay. Waxaad samaysan karta laba boog mid aad fasalka dhexdiisa ku qortid iyo mid casharku marku dhaamado dib ugu habaysid.

8.Marka hore casharkaaga inta ugu muhiimsan baro: dadka badankood markay casharka akhrinayaan waxay ka bilaaban inta u horeesa waxanay ku joojiyaan casharka dhamaadkiisa, qaab u akhriskaasi waxa dhaama inaad ka bilaabdid inta casharka ugu muhiimsan ka dibna aad akhrisid qaybaha kale.

Markaad cashar cusub bilaabaysid marka u horeesa akhri hore dhaca iyo cinwaanka iyo lineka u horeeya paragraph kasta iyo akhri gunaanadka casharka (summary) si aad u heshid fikir guud.

Ku hoos xariiq qalinkaaga qaybaha muhiimka ah si aad hadhow si fudud u aragtid ama isticmaal qalinka loo aqaano highlighter. Qalin bensel (pencil) ku ag qor qaybaha muhiimka ah sharax gaaban ama summary ama faalo yar.

Meel ka mid ah casharku hadu kugu adkaado isku day inaad qof kale u sharaxdid. Markaad u sharaxaysid qof aan fakir ka haysan mawduucan waxu faaidu ku leeyahay inu casharku xasuustada ku raago.

Hadaad meel cidla ah wax ku akhriyeysid kor u akhri ama ismaqashii.

9.Ku dadaal inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu noqotid casharka markay xisadu dhamaato: markay xisadu sida u dhamaato hadaad mudo 5 ama 10 daqiiqo ah indhaha dib u raacisid waxay ku sahlaysa inu casharku xasuustada ku raago.

10.Buugaga xagiisa danbe eeg inu leeyahay qaybta glossary ama vocabulary: qasab maaha inaad qaybtaa wada qaybsanaatid laakin waxa muhim ah inaad fahantid ereyada ama qaybaha ku yaala badankood.

11.Casharka cusub la xidhiidhi wax aad hore u taqaane: qaabkani waa qaabka ugu fudud aad u xasuusan kartid cashar cusub.

12.Sameeyso group ama koox aad wada akhrisataan: asxaabtada ama ardayda wanaagsan aad isku fasalka tihiin iskugu keen meel kaliya kuwada akhrista. Qofba intu fahmo ayu inta kale u sharaxi kara.

13.Ha galin facebook ama youtube intaa aad wax akhrinaysid: casharkaaga yaanu kaa mashquulin wax aan faaido badan ku lahayn.

Ka Faaidaysi Wacan |

Xigasho:Faiido.com

No comments:

Post a Comment