SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Isku Dhex Yaacii Dowlada Farmaajo iyo Dhacdadii Bariire.

Anigoo bartay wax badanna kusoo shaqeeyey Istaraatiijiyadda Saxaafadda (Strategic Communications) Waxaan jeclaystay in dhibaatadii shalay Bariirre ka dhacday iyo isdhex yaaca dhacay aan ka talo bixiyo.

Sababta igu kalliftayna ay tahay anigoo Dowladda manta jirta wax ka keenay ayna I dhibayso gurigaan wax ka dhisay inuu gilgilmo ama wax gaaraan waxaan rabaa inaan halkan ka sheego Talooyin aan is leeyahay dhanka saxaafadda iyo qaabka loola tacaallo ayay anfacaysaa.

Qeybta 1aad

• Haddii shil dhaco waxaa muhiim ah in ay jirto hal cod oo loogu soo hagaago ka warbixinta iyo ka hadalka shilkaas si ay u yaraato is dhex yaaca iyo been abuurka. Khasab maaha in wasiir walba uu meeshuu doono ula ordo, Sarkaal walbana uu Facebookgiisu kusoo qoro.

• U kaadi illaa aad war saxan ka helayso si aad shacabka ugu wargeliso, Si kasta oo saxaafaddu ay kuusoo weydiiyaan, ogsoonow degdegsiinyo haday door dhalaan kaadsiinyana kiish lacagay dhalaan. Dhowr oo dhowr oo weliba saacado kale sii dhowr illaa aad ka helayso xaqiiqda jirta dabadeedna saxaafadda u sheeg.

• Beentu 24 saac bay buuqa iyo walaaca hakinaysaa Runtuna waa ABID. Qoraalada badan fasiraad badan bay kaa rabaan, Marnaba haddaad warqaddii hore been ku sheegtay tan labaad been kale haku sii rarin, wey KASII DARAYSAA. Runtu hadday dacar ka kharaar tahay SHEEG, khalad waa dhacaa Runta kaliya ayaa looga gudbi karaa.

• Weligaa ha yaraysan kalsoonida shacabka, degdegna haku sarrifan. Mar hadday kalsoonidu lunto 20 sano xitaa kuma soo noqoto. Shacabku qowlkaagay raacayaan ee yuusan kaa hallaabin.

• FACEBOOK iyo Twitter campaign ayaa lagu galaa ee dowlad laguma xukumo, markaad xukunka hesho waxaad haysataa warbaahinta Qaranka waxaana aad isticmaali kartaa kuwa goonida loo leeyahay oo aad shacabkaaga kula xiriiri kartaa. Weligaana Shacabkaaga ayaa ka horeeya Beesha Caalamka (Af Soomaali kusoo saar warbixinadaada)

• Marnaba ha isticmaalin Facebook ama Twiter gaar kuu ah ama dad kale ay kuu hayaan. Xusuusnow mar hadduu war kaa baxo dib uma tirtiri kartid oo sawiraa laga qaadan inkastoo aadan waxba ka ogayn qoraaladaas laakiin wixii magacaaga ku qoran ma oran kartid anigu malihi. (Tan aad baan uga digayaa)

• Isugu yeer saxaafadda oo dhan oo sii Shir Jaraa’id (Midka Suaalaha lagu weydiin karo) si aad shacabkaaga u fahansiiso dhabta jirta.

• Shil kasta oo dhaca dad baa masuuliyadda leh oo ka dambeeyay dhibaatadaas, Sida ugu dhakhsaha badan waa in sharciga loo hor keenaa dadkaas, Qofkii magacaaga kugu matalayay oo khalad sameeyayna waa inaad meesha ka saartaa, sharcigana marsiisaa si shacabka kalsoonidiisa aad u hesho.

• Ugu dambayn weligaa GUDDI HA U SAARIN! Wax Guddi uusoo hagaajiyay ma jiraan, waana dhabbe (Waddo) aan meeluu ku dhammaado lahayn.

W/Q: Cabdisalaam Caato

Twitter: @AbdisalamAato

No comments:

Post a Comment