SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maxaad ka taqaanaa macnaha kalmada Google?

Kalmada google ayaa waxa asalkeedu uu yahay halbeeg xisaabeed oo ah hal (1) ay la socdaan boqol Eber 100 (0).. waxaana halbeegan dhigay caalimkii waynaa ee Milton Serota, oo uu abti u ahaa caalimkii xisaabta ee maraykanka ahaa magiciisa la odhan jiray Edward Karniz, waxa aanuu ku caanbaxay halbeegani buuga xisaabta ee la idhaahdo (Mathematics and the imagination) oo ay wada qoreen Kazner Caster iyo James Newman, doorashada loo doortay barta wax laga raadiyo ee google magacanna waxa weeye xogta aadka u faraha badan ee uu kayd u hayo awgeed.

Mishiinka wax laga baadho ee google waxa dhidibka u taagay Lary Bedg iyo Sergie Brain, iyaga oo soo saaray qaab cusub oo xogta looga soo saaro internet-ka, waxaanuu bilawgiisii ku soo barbaaray google mid kamid ah hoolalka jaamacada Stanford, kadibna waxa uu si dadgag ah ugu dhex faafay cid kaste oo wax ka baadha internet-ka.

Google ayaa sumcad wayn ku dhex leh bulshada adeegsata mareegta internet-ka waxaana uu yahay barta ugu wayn ee xog laga baadho dunida oo dhan isaga oo hawshan aan wax lacag ah ku qaadan ee bilaash kuugu baadhayam isla markaana adeegsigiisu aad u fudud yahay waqti ilbiriqsi ka yarna kugu siinaya waxa aad ka dalabtid.

Xarunta shirkadan ayaa waxay ku taallaan Mount Vie California, waxaana weeye saldhiga ugu wayn ee google uu ku leeyahay dunida iyada oo kumanaan xafiis uu ku leeyahay daafaha caalamka oo idil.

No comments:

Post a Comment