SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xayawaanka Badda ku jira oo qaarkood loo taba-baray Askarinimo.

Telefishin laga leeyahay dalka Ruushka ee ka faallooda dunida xayawaanka oo la yiraahdo "Repettle TV", ayaa muuqaal kasoo duubay xayawaanka seals-ka oo hub lagu tababarayo, sida miinooyinka loo furfuro iyo iney qaadi karaan calanka Ruushka gudaha badda.

Sida ay sheegayso jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska xawaankan ayaa lagu tababaray xerada tababarka culuumta badda ee Ruushka, iyadoo lagu tababarayo iney hubka qaadaan isla markaana ay furfuran miinooyinka, waxaana la filayaa iney ka qeybqaataan dabaaldagga 72 guuradii kasoo wareegatay guushii ciidamda Ruushku ay ka gaareen Naasigii Jarmalka sanadkii 1945-tii.

Xayawaanka seal-ka oo loobixiyay magacyada Tito iyo Lilo ayaa ka soo dhex muuqanaya vedio-ga iyagoo qoryo la cabeyay ka ridaya xabado, isla markaan furfuray mid ka mid ah bambaanooyin tababarka.

Xayawaankan seals-ka haweenaydii tababareysay oo lagu magacaabo Chernovo Beviskaya, ayaa tiri labadan xayawaan waxay ka qeybgeli doonaan dabaaldagga ciidanka ee maalintii guusha, waxayna waddankooda kala qeybqaadan doonaan hibooyinkooda ay ku kasbadeen tabararka adag ee la siiyay.

No comments:

Post a Comment