SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Kenya waa dalkii Afraad ee Maxkamadisa distorigii ay Doorasho Baabiiso Dunida.

Maanta oo ay tariikhdu tahay September 01/2017 ,Warka ugu weyn guud ahaan marka la eego Qaaradan Africa ayaa ah go’aanka ay gaadhay maxkamada sare ee Kenya ,taasi oo taariikhda inta la ogyahay ku tilmaamtay doorasho mid aan waxba ka jirin.

Maxkamada sare ayaa go’aamisay in aysan waxba ka jirin doorashadii dhacday 8-dii bishii Augusto ee ina dhaaftay, madaama sida ay maxkamadu sheegtay aysan u dhicin hab waafaaqsan xeerka doorasho ee dalkaasi Kenya.

Garsoorayaasha oo Labo u kala jabay ayaa Afar ka mid ah waxaa ay isku raaceen in qaladaadka dhacay ay dhaawaceen hanaankii doorashada, halka labo garsoore kale arintaan ka soo horjeesteen, mid ka mid ah garsoorayaasha ayaan maqnaa sababo la xidhiidha caafimaadkiisa.

Horay siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa shaki badan ka qabay go’aanka ka soo bixi doono maxkamada, laakiin markan waxaa ay u soo dhaweeyeen natiijada ay soo saartay maxkamada si niyad samaan ah.

Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka dacwada gudbiyay ayaa sheegay in go’aankan oo kale ah aan laga fileyn Qaarada oo dhan, waxaana uu tallaabada maxkamada ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Caalamka guud ahaan marka la eego maxkamadaha saddex dowladood oo kaliya ayaa baabi’iyay natiijo doorasho kuwaa oo kale ah wadamada Ukraine 2004, Maldives 2013 iyo dalka Austria 2016, laakiin maxkamada sare ee Kenya ayaa noqoneysa tii Afaraad ee dunida gaartay go’aan noocan ah.

Waxay shaacisay in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho kale oo ay ku tartami doonaa Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga kuwaa oo helay codadkii ugu badnaa doorashada la baabi’iyay.

No comments:

Post a Comment