SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Doorashada ka dhaci doonta Jarmalka 2017 bisha 9-aad Iyo rajada Angela Merkel oo mar kale Kor u soo kacday.

Bisha sagalaad Ee sanadkan 2017 waxa wadanka Jarmalka ka dhici doona Doorashada Guud Ee dalka Jarmalka Taasi oo afartii sanaba mar la qabto wadanka jarmalka ayaa ah wadan ku dhisan qaabka loo yaqaano federalka
iyadoo oo Gobol kastaaba leeyahay Madaxwayne U gooni ah .

Xisbiyada Jarmalka ayaa ah dhawr iyo toban xisbi walaw aqalka sarre Ee loo yaqaano Bundestaga ay soo galaan uun xisbiyada taas oo ka dhigaysa Xisbiga hela 5% boqolkiiba shan uu xildhibaano ku yeelan doono Aqalka baarlamaanka loona yaqaano Bundestag , doorashada ayaa u dhacda qaab dadka dalka ku nooli ay doortaan musharaxa ay rabaan inuu magalada ay markaa dagan yahiin dagmada uu u matalo iyado dagmadaas qofka ugu codka sareeyaa uu tago aqalka baarlamaanka marka labaadna si toos ah qofka codaynayaa waxa uu u doorta xisbiga uu tageersan yahay ,

Hadaba xisbiyada ugu waawayn Ee aqalka sarre ee baarlamaanka fadaraalka jarmalka xildhibaanada ku haysta waxaa ka mida xisbiga Cristian Democratic Union CDU Oo Ay hogaamiso Angela Merkel , Sidoo kale xisbiyada kala ah Social Democratic Part SPD , The Left , Alliace 90 The Greens, Iyo Xisbiga Cristian Social Union Bavaria CSU Oo ah isagu Xisbiga Qudha Ee ugu awooda badan Gobolka Bayern Xafiisyana aan ku lahay dalka intiisa kale .

Maadaama oo wadanku ku dhisan yahay hab Federal ah xisbiyadu waxa ay samayn karaan waxaa loo yaqaano is tageerid ama awood isku biirsasho , sadexda xisbi Ee jarmalka awoodiisa qaybsada ayaa waxa ay kala yahiin xisbiyada CDU ,SPD Iyo CSU , madaama iyo cadadka ugu badan baarlaamka sadexdan xisbi ay leeyahiin xisbiyada CDU Iyo CSU Ayaa baarlaamka ku leh xildhibaanada ugu tirada badan ,

xisbiyadan oo loogu yeedho afka jarmalka waxaa lagu Yidhaahdo Schwesterpartei. taasi oo afsomali ku noqonaysa hablaha walaaha ah ayaa waxa ay aqalka baarlaamka ku leeyahiin xildhibaano dhan 237 taasi oo ka dhigaysa 38% boqolkiiba inay awooda leeyahin aqalka baarlaamka, halka xisbiga SPD Oo ay isku siyaasad dhaw yahiin gacansaarna sameeyaan ay ku leeyihiin aqalka baarlaamka 146 xildhibaan taas oo ka dhigaysa 23.5% boqolkiiba sidaasina ay ku sameeyaan awood qaybsi iyo inay xuukamada wada wadaagaan Hadana sanadkii 2015 ahayd markii dalka jarmalka ay si xog ah ugu soo jabeen qaxooti tiradooda lagu qiyaasay hal miyan iyo badh wakhtigaasi oo hadal ay angela merkel si dhibyar saxaafada uga tidhi uu sababay qulqulka qaxootiga , qaxootigaas oo badnaa wadama bariga dhexe khaasatan Dalka Syria ee ay dagaladu ka jiraan ,

isla wakhtigaas shacabka dalka jarmalku waxay bilaabeen inay caleemo qoyan ku soo dhaweeyaan qaxootigaas dalkoooda soo galaya muddo ka dib se ayay xaladii siyaasadu is badashay markii qulqulka qaxootigu istaagi wayay hadalkii Sida dhibta Yar ay u tidhi Angela Merkel Uu dib ugu noqday hogaamisada jarmalka laf dhuun gashay sababayna in xisbiyadii ay gacan wadaag ahaayeen ku noqdaan mucaarid , sidoo kalana xisbiga cunsurta ee loo yaqaano AFD Alternative Deuschland uu helay tageero xad dhaafo xisbigaas oo guulo ka gaadhay doorashadii baarlaamka sanadkii hore isla dabayaaaqadii sanadkii ina dhaafay ayaa xisbiga ay hogaamiso Angela Merkel ay mar afaraad u caleemos sareen inay u orodo doorashada dhici doonta sanadka 2017 bisha sagalaad , hadaba xisbiyadii ay gacan wadaaga ahaayen ma ogolaan doonan waa suaasha la is waydiinayay bilihii u danbeeyay gaar ahaan xisbiga CSU Ee ka taliya gobolka Bayern Hogaanka uu u yahay madaxwaynaha gobolka Bayern Horst Seehofer, Seehofer ayaa labadii sanno Ee la soo dhaafay waxa uu aad uga soo hor jeeday siyaasada Angela Merkel Ee qaxootiga ku saabsan Iyo Xaduudaha Dalka jarmalka

No comments:

Post a Comment