SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ha-la tageero Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere.

Iftiinkacusub.com: Mudane Axmed Cabdi Dheere waa masuul qaran oo la odhan karo waxa uu si karti iyo hufnaanleh uga soo baxay shaqadii iyo hawshii uu qaranka Somaliland u hayey, gaar ahaan xil siyasadeedka Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye.

Axmed Cabdi Dheere waa nin aan aqoon aad u fiican u leeyahay,waana nin aan maanta is odhankaro waxa uu kasoo bixi karaa xilka uu Xisbiga u haye iyo dhamaan kan umadaba,waana nin qaranka somaliland uu isku halaynkaro.

Mudane Axmed Cabdi Waxa uu walaal la yehey wasiirkii hore ee duulista Hawada xukuumadii Daahir Riyaale (UDUB) Maxamed Cabdi Dheere,kaasi oo ahaa wasiir qiimo aad u badan ugu fadhiyey qaranka Somaliland.

Tan iyo maalintii xilkaasi gudoomiye xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye loo magacaabay Axmed Cabdi ,waxa uu u muuqday mid xisbiga kusoo kordhinaaya hurumar iyo horusucod siyaasadeed oo la taaban karo.

Axmed Cabdi waxa uu Kursigan ka dhaxlay ,kadib markii uu xisbiga ka cararay Xildhiban Maxamed Yusuf Wabeeyo oo isaga ku biiray xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani,kadib markii uu ka biyo diiday musharax-nimada xisbiga Kulmiye oo loo doortay Mj Muuse Biixi Cabdi;taasi oo keentay in xisbiga gudahiisa la iska waydiiyo in cidda kaliya ee xilkaasi qaban kartaa, kuna habooni ,lana fili karo in ay kaga fiicnaato ,madaxdii isaga ka horeysay in ay tahay Md Axmed Cabdi Dheere.

Axmed Cabdi Dheere waxa uu ka mid ahaa dhalintii sida hagar la'aanta ah ugu guntatay intii ay joogeen wadamada qurbaha ,in uu ka shaqeeyo danta iyo taakulaynta dadka tabalaysan ee iyagu markaasi ku noolaa qurbaha.

Axmed Cabdi waa masuul Ilahay garasho iyo caqli fiican ku manaystay isla markaana laga filankaro in uu shaqadiisa u guto si ay daacadnimo ku jirto,isaga oo markaasi ku suntan in uu yahay dadka ka dheer ama ka fog qabyaalada iyo qolo-qolaysiga.

Axmed Cabdi Dheere waxa uu shaqooyin badan oo samafal kasoo qabtay wadamo badan oo dibada ah ,waxa kaloo uu Axmed ahaa dhalintii kasoo qayb qaadatay halgankii dheeraa ee dalka lagu xoraynaayey.

Mudane Axmed oo ka mida sadaxda Masuul ee ugu sareeya xisbi-xaakimka Kulmiye,ayaa waxaa laga filayaa in door laxaadleh uu ka qaato horumarka iyo hirgalinta siyaasada xisbiga isaga oo markasta u maraaya waddo xalaal ah.

Axmed waxa uu door muuqda ka qaatay ololaha xisbiga ee wakhtigan iyo habsami-usocodka siyaasada xisbiga,waana masuul xaq u leh in lala shaqeeyo si uu danaha dadka si kartileh ugu adeego.

Axmed Isgana waxaa looga baahan yahay in uu noqdo masuul kasoo baxa xilka uu Xisbiga Kulmiye iyo umada Somalilandba uu u hayo,kana fogaado waxkasta oo ku keenaaya sharaftiisa iyo karaamadiisa in ay wax u dhimaan sida eexda ,qabiilka,nin jaclaysiga iyo dhamaan hawlkasta oo sumcadiisa hoos u dhigaysa.

Waxa aan qoraalkaygan kusoo gaba-gabaynayaa somalidu waxa ay ku maahmaahdaa "farkaliyii fool ma dhaqdo" waxa aan ku talin lahaa in masuulkaasi si hagar la'aan ah loola shaqeeyo.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment